Wadaadada shirka loo furay waa garabsiyasadeed kale oo mushkilada Somalia ku soo biiray.

0
Saturday 27th April 2019 09:58:45 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadaadada shirka loo furay waa garabsiyasadeed kale oo mushkilada Somalia ku soo biiray.

    wadaada xamar ku shiray waxay meteli karaan dawlada xamar lagu ilaaliyo ee ay ka mid yihiin una aqoonsan inay yihiin culimo soomaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wadaada xamar ku shiray waxay meteli karaan dawlada xamar lagu ilaaliyo ee ay ka mid yihiin una aqoonsan inay yihiin culimo soomaliyeed

been yaan laysu sheegin cid ay la hadli karaan majirto, hadii ladoonayo in shabaab lala hadlo yaan dadka la marinhabaabin ee waxay iswaydiintu tahay:

I.dawalada xamar lagu ilaaliyo ma loo ogolyahay inay shabaab lahadasho?

II.Ma jirtaa cid shabab la hadli karta oo soo gola fadhiisinkarta?

hadii jawaabahaa la helo xalkana waa la helayaa oo Daalibaanta Afganistaanba cidbaa loo maray oo keentay miiska, hadaba ma lagaadhay waqtigii mashruucaas la soo afjarilahaa? waxaa kale oo xaqiiq ah cidwalba cidkale ayaa ka dambaysa oo loo maraa marka xal laga doonayo, macruuf waa layaqaanaa cidkasta cida furta ee loo maro.



gabogabadii waxaan leeyahay mashruucaa wadaadada xamarku shiraya waa xumadjebin dawlada xamar lagu ilaaliyaa iskaga jebinayso xumadaha badan ee ka haysta dhinacyada badan leh sidda amaankii oo ay ku fashilantay, dadkii reer xamar oo kacdoon ka hurayo iyo mucaaradkii oo boogahaas damqaya oo dab ku sii shidaya.



 

Omer Jama

[email protected]


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS