Ma Kuu Sheegaa Wuxuu Allaah(Swt) Raali Kaaga Noqonayo?!.

0
Wednesday 1st May 2019 09:28:19 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Kuu Sheegaa Wuxuu Allaah(Swt) Raali Kaaga Noqonayo?!.

    Mudane Madaxwayne Muuse Biixiyoow Xaalad Deg Deg Ah Oo Gobolka Sanaag Lagu Soo Rogo Xal Noqon Maysee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Madaxwayne Muuse Biixiyoow Xaalad Deg Deg Ah Oo Gobolka Sanaag Lagu Soo Rogo Xal Noqon Maysee,

 Ma Kuu Sheegaa Wuxuu Allaah(Swt) Raali Kaaga Noqonayo, Cadoowkasta Oo Kugu Soo Maqan, Ama Belo Kasta Oo Kugu Soo Maqan Belo Xijaab Kuu Noqonaysa, Haddii Jawaabtaadu Tahay Haa
Waa Inaad Ku Dhawaaqdid Askarigii Kibir Ku Dila Qof Shicib Ah In Loo Dilo, Shicibkii Kibir Ku Dila Askari, Shicibkii Kibir Ku Dila Qof Shicib Ah, Askarigii Kibir Ku Dila Askari Dhamaantood Lawada Qisaaso, Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyada Buux Dhaafiyay Ee Maxkamaduhu Dilka Ku Xukumeen Aad Sida Ugu Dhaqsaha Badan Qisaas Ugu Fulisid,


Haddii Aanad Doonayn Raali Ahaanshaha Allaah(Swt), Oo Qisaasta Allaah(Swt) Inagu Waajibiyay Aad Ka Door-bidid Raali Ahaanshaha Gaalada Nijaasta Ah Ee Kula Doonaysa Inaad Ku Gaaloowdid Qisaasta Allaah(Swt) Iyo Ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka, Mudane Madaxwayne Waxaad Ogaataa Quraanka Kariimka Iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) Oo Kibir Iyo Isla Wayni Laga Santaago Dambarkeedu Wuxuu Noqdaa Cadho Rabbi, Roobab Duufaano Wata, Dhul Gariir, Abaaro Sanado Badan Oo Xidhiidha Socda, Gaajo, Macaluul, Sarif Barar, Maceeshad Barar, Cuduro Aan Dawo Lahayn, Dilalka Saraakiisha Ciidamadda Oo Fara Bata,

Dilalka Wasiiradda Oo Fara Bata, Dilalka Ganacsatada Oo Fara Bata, Saraakiisha Ciidamadda Oo Samaysta Jabhad Ka Soo Horjeeda Hadba Madaxwaynaha Wadanka Hogaaminaya, Madaxwayne Kasta Oo Allaah(Swt) Cadoow Uga Dhigo ILaaladiisa Kuna Dhiiradaan Sidii Ay U Khaarajin Lahaayeen Ama U Dili Lahaayeen,
Colaado Qabaail Oo Lixda Gobolba Ka Dhaca Kana Xun Dagaaladdii Dhexmaray Jabhaddii SNM Iyo Milaterigii Soomaaliya.

Mudane Madaxwayne Intaan Lagu Xisaabin Naftaada Xisaabi Oo Allaah(Swt) U Toobadkeen, Allaah(Swt) Talo Saaro, Allaah(Swt) Raali Geli, Oo Go'aan Adag Ka Qaado Sidii Aad U Fulin Lahayd Qisaasta Allaah(Swt) Kugu Waajibiyay Insha Allaah.

















Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS