INNAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN.

0
Saturday 11th May 2019 10:05:35 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INNAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN.

    ANNAGA oo ku hadlayna magaca shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu tacsi iyo tiiraanyo la wadaagaynaa qoyska, qaraabada, ehelka, asxaabta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ANNAGA oo ku hadlayna magaca shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu tacsi iyo tiiraanyo la wadaagaynaa qoyska, qaraabada, ehelka, asxaabta,

xildhibaanada Guurtida, Wakiilada, Xukuumadda iyo Shacbiweynha Somaliland ee uu ka baxay tiir ka mid ah ragga ku suntan qarannimada, nabadgelyada iyo dhismaha dawladeed ee dalkeena hooyo, Alle ha u naxariistee marxuum Xaaji Cabdi Xuseen ( Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Xaaji Cabdikariim, waxuu ahaa nin ku hanoqaaday adeegga bulsho, nin nabadeed oon xil kale qaban oon ahayn u gurmadka nabadda. Agtiisa mey oolin colaad, bal se waxuu ahaa nin ku sifoobay isa saamax, iyo is cafin. Waxuu kaalin libaax ka qaatay halgankii SNM, dib u dhiskii qaranka oo min bilowgii ilaa maanta uu ahaa xildhibaan ka tirsan oo hormood ah, Golaha Guurtida.
Waxa marag ma doon ah inuu Alle agtiisa ku weyn yahay, isaga oo Alle cimriga u barakeeyey, iyo isaga oo geeriyooday maalin Jimce ah oo Ramadaan ah.
Alle ha u naxariisto, qabriga ha u nuuro, hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Qoys, ehel, asxaab iyo qaranka Somalilandna Alle heyna waafajiyo samir iyo duco.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS