Ramadaan Axkaam & Eedaab Q1aad

0
Saturday 11th May 2019 10:07:31 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramadaan Axkaam & Eedaab Q1aad

    Shareeco ahaana waxaa lagu macneeyey Soomtu waa: waa iyadoo uu qofku joojiyo waqti khaas ah waxyaabo khaas ah shuruudo khaas ahna lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shareeco ahaana waxaa lagu macneeyey Soomtu waa: waa iyadoo uu qofku joojiyo waqti khaas ah waxyaabo khaas ah shuruudo khaas ahna lagu



1: Waa maxay Soom macneheedu?
Sida aynu ka wada dheregsanahay waxaa inagu soo fool leh bishii barakada badnayd ee Ramadaan lana gudan jiray Faralka Soomta hadaba waa maxay soom ama Ramadaan?
Labadan kelmadood waa carabi Soonta hadii aan ku horayno waxay culumada carabigu ku macneeyeen waa joojin shay la joojiyo ama la iska xakameeyo, sida cuntadii cabitaankii, hadalkii iwm.
Saa'im waxaa la yidhaahaa marka farasku joojiyo daaqitaanka, waxaa la yidhaahaa qofku marka uu joojiyo hadalka,
Kelmada Ramadaan waa kulayl ama raran sida qolyaha qaamuusyadu ku fasireen , waxaa la yidhi waa Raran guba Dunuubta, sida uu inoogu sheegay Rasuulkeenu Xadiis, waxaa kaloo la yidhi sanadkii la waajibiyey ayaa kululaa bishii la soomayey sidaas ayaa magaca loogu bixiyey, Bishan waxaa la odhan jiray waqtigii Jaahiliyada Naatiq.
Shareeco ahaana waxaa lagu macneeyey Soomtu waa: waa iyadoo uu qofku joojiyo waqti khaas ah waxyaabo khaas ah shuruudo khaas ahna lagu taagan yahay,
Waxaa uu yidhi: iimaamka la yidhaaho ibnu cusaymiin Rc:soomtu waa iyadoo la joojiyo cunitaankii cabitaankii iyo hadalkii aan macnaha ku fadhiyin marka waagu beryo ilaa gabalku ka dhacayo.
2: Waajibnimada Soomta maxaa u daliila?
Soonta waxaa la waajibiyey sanadkii labaad ee Hijriyada.
Soomta waxaa u daliila inay waajib tahay labada Aayadood ee Suuratul Baqarah 183 ,185,
Aayada hore macneheedu waxaa weeye: kuwii Illaahay rumeeyoow waxaa la idinku waajibiyey Soomta sidii loogu waajibiyey Umadihii idinka horeeyey,
Aayada labaadna wuxuu Illaahay SWT yidhi: Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyey Quraanka isagoo hanuun u ah umada iyo cadaymo hanuunka ah, qofka Bisha soo haleelaa ha Soomo.
Xaga Axaadiista Rasuulkeena SCW wuxuu yidhi: Islaamnimada waxaa lagu dhisay shan wuxuu yidhi: waxaa ka mid ah Soomista bisha Ramadaan.
Dhinaca kale Umadda islaamku waxay isku waafaqsan tahay in Bishaasi waajib tahay soomisteedu cidii dafirtaana ay Diinta banaanka uga baxday.
ka bogo qaybta labaad insha Allaah & qormo xiiso leh.
Hussein J. Guudcade
Columbus Ohio.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS