Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qaranka Somaliland iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe

0
Saturday 11th May 2019 10:11:08 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qaranka Somaliland iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe

    Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamida Odayaasha waa-weyn ee haldoorka Qaranka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamida Odayaasha waa-weyn ee haldoorka Qaranka Somaliland

ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi Waraabe ) oo 10 May 2019 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ahaa Odayaashii Guurtida ahaa ee ay mudada dheer kasoo wada-shaqaynayeen dhismaha Qaranka Somaliland ayaa waxa xusay in Xaaji Cabdikariin Xuseen ahaa geed damala oo ilaa dhalinyaro-nimadiisii kasoo shaqaynaayey danbeeyey danta guud iyo halka ay ku jirto maslaxada ummaddu



Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa sidoo kale xusay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu kasoo qaatay aas-aaskii Golaha Guurtida Somaliland oo Xaaji Aadan qudhiisu kamid ahaa Odayaashii aas-aasay, iyo sidoo kale doorkii muga iyo miisaanka lahaa ee Xaaji Cabdikariin kasoo qaatay dhismaha Qaranka Somaliland iyo Nabadayntii Beelaha walaaha ah ee wada degan Somaliland.



Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa gaba-gabadii waxa uu u duceeyey Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf in ilaahay janadii fardawsa geeyo macii rasuulka SCW ka yeelo kitaabkiisana midigta kasiiyo.. Aamiin Aamin



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS