Akhri Sababta Uu Madaxweyne Muuse U Tacsiyayn Waayay Alle Ha Unaxariistee Sheekhii Aaskisu Shalay Kulmiyay Reer Somaliland Sheekh Cabdilahi Cabdi Oday.

0
Wednesday 29th May 2019 08:48:59 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Sababta Uu Madaxweyne Muuse U Tacsiyayn Waayay Alle Ha Unaxariistee Sheekhii Aaskisu Shalay Kulmiyay Reer Somaliland Sheekh Cabdilahi Cabdi Oday.

    Alle ha naxariistii waxa Shalay duhurkii Xabaalaha BAQIIC ee Wogooyiga Caasimadda Hargeysa aasqaran loogu sameeyay Sheekh Cabdilaahi Cabdi Oday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha naxariistii waxa Shalay duhurkii Xabaalaha BAQIIC ee Wogooyiga Caasimadda Hargeysa aasqaran loogu sameeyay Sheekh Cabdilaahi Cabdi Oday


 oo habeen hore Hargeysa ku geeriyooday kaasi oo ka mid ahaa Culimadda ugu miisaanka Culus Somaliland islamarkaana door laxaadleh oo aan la ilaawi Karin kasoo qaatay kobcinta iyo Fidinta Diinta Culuumta Diinta Islaamka tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay Gooni isutaageeda.

Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali waxa uu ahaa Imaamkii, Khadiibkii Masjidka weyn ee Furqaan ee Xaafadda Xero-Awr ee Magaalada Hargeysa, Waxa kale uu ahaa Mulkiilihii/Maamulihii Macaahida Faca weyn ee Furqaan oo Culimo iyo aqoon yahan badani ka qalin jabiyay, islamarkaana la aasaasay markii dalka dib loogu soo noqday. Waxa uu u geeriyooday xannuun uu in muddo ah la ildarnaa, waxaana Shalay si heer Qaran ah loog aasay Magaaladda Hargeysa.

Haddaba waxa si weyn loo hadal hayaa aaskaasi kadib sababta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u tacsiyayn waayay ee uu uga aamusay, iyadoo dhamaaan Gudoomiyayaashii Axsaabta qaranka Sida Gudoomiye Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay bulshada markiiba la wadaageen geerida xannuunka badan ee ku timid Macalinkii Weynaa Alle ha unaxariistii Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali.

Baadhis kooban oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu xanto inaanu qofkii ay maruun wax dhex maraan ama ka fikir duwanaada aanu saamixin ama uu ka aargoosto ayaa lagu ogaaday in Sheekh Cabdilaahi uu caloosha ugu hayay uurkutaalo layaableh taasi oo sababtay inuu xiitaa tacsiyayn waayo. Alle ha unaxariistee Sheekh Cabdilaahi ayaa ka mid ahaa Gudidii Beelaha Sacad Muuse ee Shirkii HOODAALE, isagoo markii dambe ka mid ah noqday garabkii Gudidaasi ee go'aanka dhex dhexaadnimada ah qaadatay ee ka fogaatay inay ku kacaan Fidir beesha dab ka dhex dhalin kara, waxaanu wakhtigaasi si weyn loolan uga dhexeeyay Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo Muuse Biixi Cabdi. Wakhtigaasi ayaa la ogaaday inuu Muuse aad uga cadhooday sababta uu ugu hiilin waayay ee uu fadqalado iyo afduub uu doonayay Muuse ugu taageeri waayay Alle ha unaxariistee Sheekhu.

Waa dhacdo muujinaysa sida Madaxweyne Biixi xiitaa aanu dadka kaga hadhin Xabaalaha ee uu uga aargoosto, waxaanay noqonaysaa in aamusnaantaasi uu u tacsiyayn waayay ay ka mid tahay mid aargoosi ah oo uu ku nafisayo.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS