Gahayrow, Gobta Ha Gumayn.

0
Sunday 2nd June 2019 10:21:20 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gahayrow, Gobta Ha Gumayn.

    Afkaarta xorta ah, iyo afka furan ee ku qotama, kala duwanaanta ra'yiga, iyo naqdinta caafimaadka qabta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afkaarta xorta ah, iyo afka furan ee ku qotama, kala duwanaanta ra'yiga, iyo naqdinta caafimaadka qabta,

waxna dhisaysaa waa ilbaxnimo gun dheer iyo xaddaarad islaamku dunida baray, Islaamku shanta shay ee uu u yimid, in uu ilaaliyo waxaa ka mida Sharafta iyo dhegta dadka.

Marka hore qaabka wax loo naqdiyo, waa in la dhawraa milgaha iyo sharafta, lana ilaaliyaa adeegsiga agab culan oo caafimaad qaba, ahna, sixid wax dhisaysa oo aan wax duminayn, oo asluubaysan ilbaxnimona ka muuqato.

Waxaan ka mid ahay dadka aad uga yaabay hadal uu yidhi walaalkeen Siciid Maxamuud Gahayr, oo sidan ahaa (Faysal Cali Xuseen waxa laga indha-sababay dhagaxii madoobaa. Waxa uu leeyahay "Ilaahayow Xajarul-aswadka i tus. Ummaddaay soo duceeya inaan arko. Xaggee iga xigaa?". Waar niyaw wuu kaa dambeeyaa! Dad badan oo xashka taga ayaan Xajarul-aswadka arkin. Waa kuwee dadka aan arkin xajarul-aswadku? Sawirka faysal baa lasocda hadalkaa waxaanu ku qoray dagalkiisa waji buuga.

 

Ka difaaci maayo faysal siyaasadihiisa isagu doortay, sax iyo khalad midkay tahay, balse waxaa I damqay in hadalkaa qof Islaama lagu yidhaahdo, waxa uu rasuulkeeni (Scwr) yidhi waxa dambi kuugu filan in aad walaalkaa xaqirto, ta kale in qofku ceebaha muslimiinta dabogalo, waa masiibo wayn iyo imtixaank qofka sameeya haysata, isagna Allaah baa kuwiisa fashila, sida sunaha nolasha ku dareertay, in sixirolaha oo gaalnimo ah, muslim lagu matalo.

Nin dadkii hore ah wuxuu yidhi ceeb yar bay lahaayeen oo asturan, markii ay ka hadleen ceebaha dadka kale ayuu Rabbi fayday xijaabkii dadka kaga xidhnaa, Sheekh kale waxa uu yidhi haddii rabbi faydi lahaa teedka asruraadee u dhexeeya dadka dadku way kala tagi lahaayen, Asturaada rabbi waa nimco wayn oo lagu ducaysto, rabbi dhamanteen ha ina asturee.

 

Markastoo siciid oo wax qoraaya aan arko waxaan xasuustaa dhacdo goob joog aan ahaa. Kulan hawleed, Abwaano iyo dadkale la isku keenay, lagaga arrin sanaayay, sidii loo joojin lahaa gaf bulshadeena qayb kamida ku dhacay, gafka qarniga ee haybsooca, kulankaa dadkii ka qayb galay waxaa kamid ahaa aniga Ahmed ah iyo Siciid Maxamuud Gahayr,

 

Markii kulan hawleedkaasi doodihii bilaabmeen, dadbaa ku dooday in lakala guursado, daadihiyihii marnaamijkaa yidhi, imisaa ogol in laga guursada bulshadaasi, dhawr iyo tobaneeya farta taagay, siciid oo meesha fadhiyaa yidhi magacyadiina ii qora, dadkii si furan oo kalsooni leh bay ugu qoreen, kulankii wax uu socdaba waa lasoo gabogabeeyay maalintii koobaad, maalintii labaad markii dadkii isku yimaadeen, mise waa guux iyo reen, waxa dhacay miyaad garnaynsaa jaraaidka ciwaanada hore iyo websiteyada, sida hadhwanaagnews, waxa ku qoran liiska dhalinyaradii uu siciid qoray, oo ciwaan looga dhigay, Dhalinyaro Doonaysa in ka guursaddaan beesha la hayb sooco. siciid maalintii labaad noo muu iman, maalin dambe oo suuqa ku arkaan ku idhi maxaad maalintii dambe u iman wayday, waxa uu iigu jawaabay dadkii baan is idhi madaxay kugu dhufan.

 

In lakala guursado dadka taageersan baan ahay balse is barbardhig, labada ciwaan, imisaa ogol in laga guursado bulshadaasi, iyo dhalin doonaysa in ay ka guursadaan, arrintaasi waxay xadgudub ku ahayd dhawrkan shay.

·Dadka wadday kulan hawleedkaasi oo shaqadoodii saxaafada inta lagaliyay borobogaando aan sal alahayn loo sameeyay.

·Dadka ay soo casuumeen oo laga been abuurtay, saxaafadana lagaliyay, bal qof aad u yeedhay oo jaraaidka ciwaanka saaran kawaran.

·Magacaydii dadkaasi oo uu baahiyay isagoon ogolaansho haysan.

·Wixii ay yidhaahdeen oo la badalay, haddii la qoro wixii ay yidhaahdeen waabay dhaami lahayde.

·Dadka hablaa la idinka doonayaa ee uu yidhi, oo been u sheegay, arrimaha guurkuna waxa uu taabanayaa sharafta dadka oo wax lagu ciyaaro maahee,

·Warbaahinta oo war beena la siiyay, iyo marin habaabin wareed.

Markastoon arko siciid oo dadka wax ka qoraaya dhacdadaasi uun baan xasuustaa,

Haddaba markaad tidhi Xajarul Aswadkii buu arki waayay, miyaanay ahayn been abuurad, oo ka culus beenta kale, ta kale Rabbi(swt) isaga iyo adoomihiisa yaa kala dhex gali kara, waa sida kii yidhi hebel loo dambi dhaafi maayo ee is qanciyay kaana quudhsaday, ee Rabbi ugu jawaabay isaga waan u dambi dhaafay adana naarta gal, naartana Rabbaa leh Janada isagaa leh cid ka tarjumi kartaana ma jirto, kii 100 diluu janeeyay, kii Jihaadkii Uxud galayna ee isdilayna Naartuu geeyay.

 

Allaah dadka dambiyada gala wuxuu u xusaa ciqaab, balse laba dadka dambiyada gala waxa uu sheegay in uu dagaal la galaayo, kuwaai waa ka Ribabada Cunna iyo ka ka colaadiya adoon waliya, oo aan leeyay, waligana Rabbi (swt) isaguun baan yaqaana, muslimku hakaa wadda nabbad galo, muslimkuna waa ka carabkiis iyo gacantiisa laga nabad galo.

Sharafta dadka in lagu ciyaaro waa adoo dab ku ciyaaraya, adigoo run baan sheegayaa, aan jirin ku gabato qiil iyo xalaalayn kuu noqon mayso in sharafta dadka lagu dhaawaco kutiri kuteen, aan sal lahayn, qofkaana sharcigu waxa uu qabaa in la karbaasho, dadkoo daawanaaya, si qofkiina bari u noqdo, isaga loo ogaado, in uu beensheegay iyo edbin mustaqabal.

 

Abwaan baan ahay, kuu noqon mayso dayr aan xabbadu karin, oo laga dhuunto, sharaf dilka iyo barobogaandada. Aragtida gaarka ah ee abwaanku maaha burxaan iyo buur, dadka waxay dheer yihiin uun isku toostoosinta hadalka ee qofkastaa wuu yaqaanaa in kabadan ama kayar waxa gabayga ku jira. Sida macalin gaariyen AHN noo sheegay. Waxa calooshaada ku jira uun baan sheegayaa baan diwaanka u galiyay.

 

Waxaan la yaabay maalintii uu yidhi siciid, madaxaa la igu dhufan baan is idhi oon u iman wayay kulan hawleedkii, iyo albaabkaa xalay la iisoo istaagay, cabsidan iyo fadalo caddaantu kala fogaa, mudane, ma ogtahay in haddiidhaawacaad gaysatay iyo budkaad ka cabsanaynsaa kala sahlanaa suldaan. Siyaasada dhidaraynta, dhul u dhaceedu dhawaa. Faysalna ha ku noqon maadama Ucid aadka mid ahayd, Ciirtaa dhamaa, Ceebtaa yaqaan, Xaalkuna yaanu noqon kaadi badane waa loo go’gol badiyaa.

 

Gaaladu waxy tidhaahdaa, (do not exchange your dignity for popularity) oo ah sharaftaada caanimo ha dhaafsan, waxay sii raaciyaan, (your character will define your dignity) oo ah dhaqankaagu wuxuu qeexaa sharaftaada,

 

Xaashee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe 1994 ilaa maanta shakhsiga u taagnaa maalinba meel ay joogtaba, kuna suntan shakhsigii rayidee Xisbigii u horeeyay furta geedi socodka doorashooyinkana waa halbeega lagu cabiro,sida dadka qaar qabaan. Dad badana faysal waxa uu ugu jiraa Astaamaha qaran kan leeyahay, waxaana taasi rumowdaa maalinta xaalku adkaado, sida dad badan qabaan, sawirkaasi waxa inoo bayaamin lahaa haddii xisbi aanu faysal hogaaminayn jiro.

 

faysal waad dhacday haddii ay ceeb ku noqonayso waxa ceebtaasi raaci lahayd, Abraham Lincoln oo 11 jeer, xil oo uu raadshay ku guuldaraystay, waxaanu ka mid yahay madaxwaynayaasha ugu taarikhda wayn, maraykanka

 

Faysal waxaan ku aqaan, nin ay ukala soocan yihiin (Principles and issues) oo macneheedu yahay (Mabaadi’da iyo Xaaladaha )oo dad badan iskaga qasan, u fiirso waa shakhsiga ugu adag qaranimada, balse dhacdooyinka maalinlaha kaga falceliyaa, dareenkiisoo run ah, waana ilbaxnimo aynaan wali gaadhin, waana rayigayga gaarka ah oo ku kooban labadaa qodob. Dadka qaar waxay faysal u yaqaanaan samafale siyaasadeed, murana kama jiro in kaalintii Xajiga cid uga dhaw, aanay jrin Rabbi ha uraxmadee.




Qalinkii : Axmed Cali Kaahin


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS