Nuurarka 10 Danbee Ramadaan ! (Hussein Jama Guudcade)

0
Sunday 2nd June 2019 10:28:05 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuurarka 10 Danbee Ramadaan ! (Hussein Jama Guudcade)

    Mahad oo dhan Illaahay ayay u sugnaatay , nabad gelyo iy naxariisina Rauuslkeena korkiisa ha ahaato, intaa ka dib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahad oo dhan Illaahay ayay u sugnaatay , nabad gelyo iy naxariisina Rauuslkeena korkiisa ha ahaato, intaa ka dib.


Walaalayaal shalay waxaan soo dhawaynayney Ramadaan si farxad iyo rayrayni ku jirto ,maalmuhuna way degdegeen ilaa badidoodii inaga dhamaadeen maalmahaas inaga tegay dadkeenu way kala qaybsameen dad si wayn uga faa'iiday oo maalintiina soomay habeenkiina tukanayey (taraawiix) oo Quraanka akhriyayey oo sadaqada bixinayey oo macaasida iyo xumaatada ka fogaaday kuwaasi waxay mudan yihiin Illaahayna swt u qoray ajar aad u wayn iyo denbi dhaaf waxayna kaloo leeyihiin siyaadooyin khayr maalmaha uga hadhay Ramadaan Alle ha ina waafajiyee,
Qaar kalena waxay sameeyeen maalmahaa ina soo dhaafay camalo aan fiicnayn oo may soomin oo may tukanin oo may akhrin Quraan oo may sadaqaysan oo Qiyyaamu laylkii way isaga tageen habeenkii oo dhan way soo jeedeen waxaanay ku soo jeedeen macaasi filimo iyo laqwi iyo waxxaa la yidhi iyo wuxuu yidhi iyo shaxaad iyo bakhaylnimo laakiin iyagoo waxaas oo dhan sameeyey Alle swt wuu aqbalaa toobada waxaanu ka aqbalaa adoomihiisa u soo noqda.



Ramadaan waa fursad qaali ah oo qofkii wanaag sameeya loo siyadiyo qofkii xumaan sameeyana albaabkii toobadu u furan yahay maalmahan ina sooo qaabilay ee tobana ah waa qaali qofkii khaldamayy toobada ha u degdego,
Tobankan cisho waxay leeyihiin fadaa'il iyo waxyaabo khaas u ah bal qaar ka mid ah aan isku dayno inaan sheegno:
Tobanka danbe ee Ramadaan Quraanka ayaa soo degay weliba habeenka laylatul qadriga.
Waxaa ku jira tobankan danbe habeenka la yidhaaho laylatul qadri.
Laylatul qadrigu waa habeenka Quraankeena qaaliga ah ee liibaanteena aakhiro iyo aduunba aynu ka helayno la soo dejiyey( Illaahay ayaa yidhi Habeen barkaysan ayaan soo dejinay ama waxaan soo dejinay quraanka laylatul qadri.
Habeenkan laylatul qadriga waxaa la xukmiyaa arin kasta oo xakiim ah waa habeenka jaan gooyada oo dhacdooyinka sanadkaas soo socda dhacaya ayaa laga soo soocaa loox maxfuudka sida cida dhimanaysa sanadkaa, rizaaqada khayr iyo shar iyo ajjasha.
Fadliga wayn ee habeenkani leeyahay waxaa ka mida in Ilaahay ku sheegay waynaan iyo sharaf Qadri waa waynaan sharaf markaasaa Ilaah ku celceliyey muxuu yahay laylatul qadrigiu waxay taasi ku tusinaysaa sida Alle u sharfinayo habeenkaas una waynaynayo.
Waa hebeen barkakaysan sida Illaahay inoo sheegay.
Habeenkani ka khayr badan 1000 kun bilood waa 83 sano iyo afar bilood oo in yar la'
Malaa'iigtaa soo degta habeenkan iyadoo Jibriilna la socdo barkadeeda oo badan darted, malaa'iig badan oo soo degtayna waxay inoo sheegaysaa in khayr badani soo degay, malaa'iig timi khayr iyo barkay la timi.
Habeenkani waa habeen nabadeed ilaa waagu ka beryayo habeen badbaado weeye, waxaana habeenkan laga badbaadayaa ciqaabka Alle iyo cadaabkiisa, sababtoo ah daacadiisa ayaa loo taagan yahay habeenkaas.
Qofka dedaala tobankan oo habeenkani ku dhexjiro wuxuu helaa khayr iyo barako badan. Qofka habeenkan seega ama laga xarimo khayrkiisa xaqiiqo ahaan khayr badan ayaa laga xarimay ama la seejiyey.
Suurad dhan oo Quraanka ku jirta ayaa la yidhaahaa Qadri taasi waxay inoo sheegaysaa in habeenkani ku suntan yahay waynaan iyo karaamo.
Waxyaabaha habeenadani la gaarka yihiin waxaa ka mid ah citikaaf iyo masaajidka oo la laazimo waana arin ku sugan citikaafku Quraanka kariimka ah iyo sunaha Rasuulkeena..

Hussein Jama Guudcade

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS