29kii Ramadaan ee sanadkii 1994kii.WQ:- Cismaan Abokor Dubbe.

0
Sunday 2nd June 2019 16:58:25 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    29kii Ramadaan ee sanadkii 1994kii.WQ:- Cismaan Abokor Dubbe.

    Waxay ku beegnayd bisha March ee kaliisha ah oo aad u kululayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ku beegnayd bisha March ee kaliisha ah oo aad u kululayd,


sida maanta oo kale waxa la isku hayey berri tolow ma Ciidbaa mise waa la’ soomayaa oo 30ka waa la dhammaynayaa. Waxanu salaaddii maqrib ku tukanay masaajid u dhow Aagga Caaqil Axmed-Sagal ee Xaafadda Garbada ee magaalada Burco. Makhrib kaddib baa nin rafaad iyo daal badani ka muuqdo oo kamid ah dadka dhagaxa iyo niista ka shaqeeya oo nala tukaday nagu yidhi: waar bishii sowtaa bilatay!!!
Bishee? Dee bishee Soonfureed (Shawaal)! 
Waa eegnay, waa arki kari weynay, laakiin isagu wuxu arkayo moojaane wuu arkaa. Ma kaa dhab baa? Haa waa iga dhab. 
Warkii baanu gaadhsiinay culimadii magaalada. Ninkii waa la dhaariyey, saddex walle bille buu maray. Dabbaal-deg iyo dammaashaad, iyo xabado ifiso ah baa is qabsaday. Afarta koone ee magaaladana waxa isu baxday takbiirtii Ciidka; Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar kabiiraa, walxamdu lillaahi kathiiraa, Wasubxaanalaahi Bukra’tan wa asiilaa! 


Subaxdii baa loo dareeray ciidkii waa la soo tukaday, waa la’ dabbaal degey, farxad baa lagu ciiday. 
Subaxdaas aan mashquulka nahay baa Fooniyayaashii Burco oo dhan khadka laga waayey, illeen waa dad iid ku maqane, dad ba waa yaabay! Magaaladii maxaa ku dhacay! Tolow ma Ruush baa xalay qabsaday! Rakaalkii koowaad Cabdi Ibrahim markuu furay 11kii barqanimo ayaa qayladu isu baxday. Ciid Mubarak kulahaa! iyo Ciidkee dee! Waar Ramadaan Kariim. 
11 kii maalinimo baa la ogaaday show iga walla ciid ba may ahayn ee weli waa Ramadaan. Caalamka oo dhanna cidi kama ciidin ee Burco uun baa iskeed isaga ciidday! 

Haddaba Sidee loo ogaan waayey:
Xiligaas 1994kii ma jirin Telephone, internet, TV, Radio, Mobile, iyo warbaahin kale toona. 
Aragti ku soon, Aragtina ku afur ayaa noloshu ku salaysnayd. Isgaadhaiinta keli ah ee xiligaas jirtay waxa ay ahayd Fooniyaha. Fooniyaha ama rakaalkana waxa la xidhi jirey 6da maqribnimo.

Maxaadba ula yaabi 25 sano kahor: 2014kii dhowaa, Kenya oo dhan waxa soomiyey oday reer Siyeelow ah oo la’ yidhaahdo Yaxye Camar Maxamed oo intay bishii is-tustay, Masjid jaamaca Siyoolow tegey, dhaartay, kaddibna dadkii wada soomiyey, gadaalna laga ogaaday in Muslimiinta Kenya keligood is-xilqaameen ee Ramadaanba aanay bilan.

Maaliniba waa maaline, maalintaa Burco ee Caalamka kale oo dhan Ramadaanta u ahayd annagu si fiican baanu u cunnay, u cabnay una Ciidnay. waxanse xasuustaa dad badan oo dib u qalleeyey maalintaas dhaaftay. 
Laakiin mooji eeddaas in aan wax ku’lahaa! 

Waxa qoray Cismaan Abokor Dubbe
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS