"Waxaan Soo Weynaaday Anigoo Neceb Dhaqankeyga Iyo Diinteyda Haddana Waxaan Badbaadiyaa Xijaabka"

0
Sunday 9th June 2019 10:17:52 in Wararkii Maanta by Xafiiska Burco
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Soo Weynaaday Anigoo Neceb Dhaqankeyga Iyo Diinteyda Haddana Waxaan Badbaadiyaa Xijaabka"

    "Waxaan Soo Weynaaday Anigoo Neceb Dhaqankeyga Iyo Diinteyda Haddana Waxaan Badbaadiyaa Xijaabka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Soo Weynaaday Anigoo Neceb Dhaqankeyga Iyo Diinteyda Haddana Waxaan Badbaadiyaa Xijaabka"



Waxaan gabdho ay da'doou 20 sano tahay ka heli jiray farriimo ay su'aalo igu weydiinayeen, 
weydiinayeen, iyagoo I dhahaya: Maadaama lagaa mamnuucay ka qeyb galka tartanka, ma iska dhigeysaa Xijaabka, mise waxaad ka hareysaa ciyaaraha?




Maxaad uga jawaabi kartaa su'aal noocaas ah?



Manal Rostom, waa gabar u dhalatay dalka Masar, waxayna ahayd haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran kasoo muuqata ol'olaha shirkadda Nike ee ka dhacay gobolka bariga dhexe, kaasoo ay ku doonayeen inay ku hormariyaan ciyaarahooda loogu talo galay in xijaabka looga qeyb galo, Waxay rajeyneysaa in gabdhaha ka qeyb gala ciyaaraha iyagoo xijaab xiran aysan sii ahaanin dhif iyo naadir, mustaqbalkana ay caadi noqoto in tartamada quruxda iyo ciyaarahaba lagu galo xijaabka.



"Waxaan aasaasay urur lagu badbaadinayo Xijaabka, waxaan ku koray iskuul British ah oo ku yaalla dalka Kuwait, laakiin nasiib darro dhammaan barnaamijyada xog aruurinta ah ee laga sameeyo bariga dhexe waxay muujin jireen oo kaliya dumar dhar madow ku wada daboolan tin ilaa cirib, oo la caburiyo, aan waxba baranin, anigana sidaas awgeed waxaan soo weynaaday anigoo nacayb u qaba dhaqankeyga iyo diinteyda, sababtoo ah ma aanan dooneynin inaan noqdo sida ay haweenkaas yihiin.", ayey tidhi mar ay wareysi siineysay BBC-da.



Waxay sheegtay inay wax walba uga duwaneyd haweenka kale ee muslimiinta ah "Anigu waxaan ahay ciyaartooy, waxaan leeyahay riyooyin waaweyn iyo qorsheyaal, waxaan hiigsanayay inaan buuraha dusha ka fuulo, laakiin waligay ma arkin qof ila mid ah" Dadaal dheeraad ah oo ay bixisay ayey ku gaartay inay iyadoo xijaaban awood u yeelato inay ku caan baxdo ciyaaraha orodka, ayna riyooyinkeeda ka dhabeyso Orodyahannada adduunka ayaa ka mid ah ciyaartoyda loogu jecel yahay looguna daawashada badan yahay.

Orodyahan guuleystay isagoo kab la'an ah

Orodyahan u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Conseslus Kipruto ayaa muujiyay dhabar adeeg si uu ugu guuleysto orodka saddexda kun ee mitir, kadib markii mid kamid ah kabihii uu xirnaa ay ka baxday xili uu ka qeyb galayaya tartanka IAAF Diamond oo ka dhacayay magaalada Zurich ee dalka Switzerland Mr Kipruto ayaa markii uu usoo gudbay qeybta kala wareega ee tartanka waxaa ka baxay kabta bidix, hasayeshee uma uusan joojin oo halkii ayuu kasii waday tartanka.



Markii uu soo dhamaaday tartanka ayaa Mr Kipruto mar wax laga weydiiyay waxa uu dareemay markii ay kabtu ka siibatay ayaa waxaa uu sheegay inay jahwareer ku keentay, balse ay kusii dhiiragelisay inuu sii dedaalo. Ninkan oo markii ay kabtu ka baxday dhaawacmay ayaa waxaa uu wareegii ugu dambeeyay tartanka kaga adkaaday orodyahan kale oo u dhashay dalka Moroco oo lagu magacaabo Soufiane El Bakkali.



" Aad bay u adkeyd oo ay u xanuun badneyd inaan ordo anigoo hal kab oo keliya xiran, balse aad ayay ii dhiiragelisay'' waxaa sidaasi bartiisa twiter-ka ku qoray Kipruto Markii Mr Kipruto uu soo gaaray heerka gebagebada ee tartanka ayaa waxaa qeylo iyo sawaxan isku daray dadkii daawanayay tartanka, iyagoo na la dhacsanaa dedaalka uu muujiyay.



Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya, Wiliam Ruto ayaa aad u bogaadiyay dedaalka Mr Kipruto Ma ahan markii ugu horeesay oo orodyahan ay ka siibatay mid kamid ah kabaha uu ku guuleystay tartanka. Waxay aheyd sannadkii 2011-ka, markii orodyahan u dhashay dalak Itoobiya oo lagu magacaabo Dejen Gebremeskel uu isna ku guuleystay tartan kan oo kale isagoo hal kab oo keliya ku ordaya.

Loading...
LATEST NEWS