Xukuumada Biixi Oo Geed Dheer U Gashay Inay Leexiso Mashruuc Lacag Badan Ku Baxayso Oo Burco Laga Waddo

0
Monday 10th June 2019 11:02:11 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Biixi Oo Geed Dheer U Gashay Inay Leexiso Mashruuc Lacag Badan Ku Baxayso Oo Burco Laga Waddo

    Xukuumada Biixi Oo Geed Dheer U Gashay Inay Leexiso Mashruuc Lacag Badan Ku Baxayso Oo Burco Laga Waddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Biixi Oo Geed Dheer U Gashay Inay Leexiso Mashruuc Lacag Badan Ku Baxayso Oo Burco Laga Waddo

Xukuumadda Somaliland ayaa cadaadis ku saartay hay'adda GIZ in ay joojiso mashruuc lacag badani ku baxayso oo dawladda Jarmalku doonayso in ay dib u dhis iyo Qalabayn ugu samayso dugsiga Farsamada gacanta Burco.

Xukuumadda ayaa hay'addaasi u soo jeedisay in mashruuca loo soo wareejiyo Hargeysa oo laga dhiso dugsi Farsamo Gacmeed oo casriya.

guddi ay xubno ka yihiin Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Waxbarahada, Qorshaynta, shaqada iyo shaqaalaha iyo weliba siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hay'adda kula teliyay qorshahan.

Afar goor ayaa wefdi ka socda Jarmalku booqdeen dugsiga Burco si loo dhiso.

Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa Jarmalka ka codsatay dib u dhista dugsiga farsamada Gacanta Burco oo hore dawladda Jarmalku u dhistay horraantii Lixdameeyadii.

Xukuumadda ayaa hay'adda GIZ kula talisay in dadka ugu badan Somaliland ku nool yihiin Hargeysa sidaadaraadeed Hargeysi mudan tahay.

Ilaa hadda lama oga in hay'adda Jarmalku ku qanacday soo jeedinta Xukuumadda madaxweyne Biixi.

Dugsiga farsamada gacanta Burco ayaa waxa ka soo baxay qaar badan oo ka mid ah Haldoorka Somaliland.



Loading...
LATEST NEWS