Qaabka La Yaabka Leh Ee Lagu Soo Dooranayo Ra'isul Wasaaraha Cusub Ee Britain.

0
Tuesday 11th June 2019 10:04:06 in Wararkii Maanta by Xafiiska Burco
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabka La Yaabka Leh Ee Lagu Soo Dooranayo Ra'isul Wasaaraha Cusub Ee Britain.

    Qaabka La Yaabka Leh Ee Lagu Soo Dooranayo Ra'isul Wasaaraha Cusub Ee Britain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabka La Yaabka Leh Ee Lagu Soo Dooranayo Ra'isul Wasaaraha Cusub Ee Britain.



Tartanka loogu jiro xilka rai'sul wasaaraha Britain ayaa si lama filaan ah waji cusub u yeeshay-waxaana qaar badan oo ka mid musharaxiinta ay ka bixi la'yihiin in ay ka hadlaan markii ugu dambeeysay ee ay daroogo isticmaalaan.




Waxyaabihii ugu dambeeyay geedi socodkan la yaabka leh ee qayb yar oo ka mid ah bulshada ay ka qayb qaadanayaan, balse waa mid go'aan looga gaarayo mustaqbalka UK ee ka bixitaanka Yurub iyo xiriirka ay UK la yeelanayso Yurub mustaqbalka.

Maxaa loo qabanayaa doorashada hoggaanka xisbiyada?

Markaan si kooban u eegno rai'sul wasaaraha imika xilka haysa ayaa intii ay xafiiska joogtay waxay la kulantay caqabado Markii ay Theresa May xilka kala wareegtay David Cameron (oo xilka ka dagay ka dib markii ay UK u codeysay ka bixitaanka Yurub ) waxay u muuqatay in dalka ay hogaamin doonto sanooyiin badan oo soo socda.


Xisbigeeda muxaafidka ayaa aqlabiyad ku lahaa aqalka baarlamaanka islamarkana hogaamiyaha mucaaradka, Jeremy Corbyn, ayaa xisbigiisa shaqaalaha waxa uu u janjeersaday dhanka bidix siyaasad ahaan taasi oo ay dad badan u arkayeen inay ahayd ismiidaamin siyaasaded.



Ka dib markii ay muddo bilooyiin ah sheegaysay in aysan doorasho ku dhawaaqi doonin ,ayay Mrs May badashay maskaxdeeda waxayna dalka u hogaamisay dhan doorasho.


Loading...
LATEST NEWS