Saraakiil Ajaaniib Ah Oo Ku Eedeysan Musuq-maasuq Oo Laga Caydhiyay Maamulka Puntland

0
Tuesday 11th June 2019 10:10:23 in Wararkii Maanta by Xafiiska Burco
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ajaaniib Ah Oo Ku Eedeysan Musuq-maasuq Oo Laga Caydhiyay Maamulka Puntland

    Saraakiil Ajaaniib Ah Oo Ku Eedeysan Musuq-maasuq Oo Laga Caydhiyay Maamulka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Ajaaniib Ah Oo Ku Eedeysan Musuq-maasuq Oo Laga Caydhiyay Maamulka Puntland



Maamulka Puntland ayaa amar kasoo saaray labo sargaal oo ajaaniib ah, kuwaasi oo la shaqeynayay hay’ado ka howlgalo deegaano ka tirsan maamulkaasi. Saraakiisha ayaa la shaqeynayay hay’addo caalami ah, waxaana lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin, walow maamulka Puntland uusan cadeyn nooca musuq maasuq ee ay galaan labada sargaal.




Labada ruux ayaa magacyadooda lagu kaa sheegay NEPOLEON PHIRI iyo NELSON oo ka tirsanaa Hay’adaha World Vision iyo Releif International, oo ka howlgala deegaanada Puntland. NAPOLEON PHIRI wuxuu ahaa madax hawlgalada ahna Madaxa xafiiska Puntland ee hay’adda World Vision Internationa iyo NELSON oo ahaa kuxigeenka madaxa hawlgalada ee hay’adda Relief International.



 
NAPOLEON PHIRI ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah sidoo kale ku xad gudbay nidaamka shaqaaleysiinta. NELSON oo isna katirsanaa Hay’ada Relief International ayaa lagu eedeeyay in uu iska indho tiray shuruucda wadanka sida Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo ee dalka iyo Dal-ku-jooga. Waa Saraakiishii ugu horeysay ee Ajaanib ah una Shaqeeya Hay’ado Caalami ah oo ay Puntland deegaanadeed ka ceyriso tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.




Loading...
LATEST NEWS