Wasiirka Shaqada Somaliland Oo Xilkeedii Ka Soo Dhalaashay Iyo Waxyaabaha Ay Qabatay

0
Saturday 15th June 2019 11:41:38 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Shaqada Somaliland Oo Xilkeedii Ka Soo Dhalaashay Iyo Waxyaabaha Ay Qabatay

    Wasiirka Shaqada Somaliland Oo Xilkeedii Ka Soo Dhalaashay Iyo Waxyaabaha Ay Qabatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Shaqada Somaliland Oo Xilkeedii Ka Soo Dhalaashay Iyo Waxyaabaha Ay Qabatay

Tan iyo intii madaxwaynaha Qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi uu majaraha u qabtay qaranka Soomaliland
Uuna masuuliyada Wasaarada U igmaday Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani


Waxay wasaaradu samaysay laba kaclayn shaqo iyadoo ay wasaaraddu gaadhay Gobol walba oo dalka ka mida sidoo kalena.
Wasiirka wasaaraddu waxay dadaal iyo wakhtiba gelisay sidii ay gacan qaran ugu fidin lahayd dadka ugu jilicsan bulshada waxaana kamida
1- 300 QOYS OO DANYARA KUNA KALA SUGAN XAAFADAHA DANYARTA AH EE HARGAYSA


2-CARUURTA AGOONTA AH EE AY GACANTA KU HAYSO KANA TAGEERTO WAXBARASHADA, DIRAYSKA IYO ,CAAFMADKA 127 CARUURA
3-21 AGOONA AYEY WASAARADU BIL WALBA KA JAWAABTA BAAHIYAADKODA AASASIGA AH
4-Wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa laba xarumood oo lagu dhaqan celiyo caruurta labada xarumood oo kala ah Xarunta maxamed Mooge ee ku taal hargaysa iyo xarunta Sos Center
5-Wasiirka Wasaaradda Marwo Hinda jaamac Xirsi Gaani iyadoo ka fekeraysa duruufta dadka ilaahay maankoodi ama xiskoodi ka qaaday waxay bil walba oo ramadaana ay ugu tala gashay ayna gaadhsiisa waxay quutaan maadama ay hudheeladi ka xidhmeen
6- isla Bisha Ramadaan wasiirka wasaaraddu waxay gobol walba oo dalka ka mida ka hirgelisay barnàmij loogu magac daray la afur wasaarada oo gobol walba 50 qoys oo danyara la gaadhsiiyay raashin dhamays tiran
7- Wasiirka Wasaaradu Waxay hirgelisay aasaas kedana lahaayd in dhar dhar dhaxameed la gaadhsiiyo caruurta ku dayacan shaaracyada magaaloyinka soomaliland.
8-Wasiirka wasaaradu waxay si degdega kaalmo u gaadhsiisay dadkii wax ku noqday duufaanti sagar
9-Wasiirka Wasaaradu waxay dhismayaal iyo xarumo loogu tala galay caruurta darba jiifka ah ka hirgelisay magaalada Burco halka ay xarunta maxamed mooge ee ku taal hargaysa ay wasiirku ku kordhisay qalab iyo dhismeba
10- Qalabayn iyo dayactir lagu sameeyey xafiisyada wasaarada guud ahaanba halka ay wasaaradu xafiisyo ka furatay degmooyinka Sheekh , Garadag ,Ceelafwayn

Inkasta oo aynaan ka geyoonayn waxqababadka Balaadhan Ee wasaarada laga hirgeliyay tan iyo intii looso magacaabay Wasiirka Wasaaradda
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani. Oo runtii gelisay wasaarada tacab fara badan
Hadana taas bedelkeeda waxaa jira indho aan caafmad qabin oo aan haba yaraate wax waxqabada u muuqan karaahiyaystana waxqabad walba oo qarankani gaadh taas bedelkeedana ka doorsada dantooda gaarka ah.
Qarankani wuu socanaya oo qof nolosha ka dhacay waxba u noqon maayo. Iyo askhaas xag xagata hadba masuulka wax qabad sameeyey markay ka waayan qabax amase waxa loogu yeedhay qayilaad


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS