Labo Waddan Oo Somaliland Ka Taageeraya Horumar Dhanka Dhaqaalaha Ah [Waa Kuwama]

0
Tuesday 25th June 2019 11:27:27 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Waddan Oo Somaliland Ka Taageeraya Horumar Dhanka Dhaqaalaha Ah [Waa Kuwama]

    Labo Waddan Oo Somaliland Ka Taageeraya Horumar Dhanka Dhaqaalaha Ah [Waa Kuwama]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo Waddan Oo Somaliland Ka Taageeraya Horumar Dhanka Dhaqaalaha Ah [Waa Kuwama]

Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Wargeyska East African Business Week, Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa laba kulan oo kala duwan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Sweden iyo Switzerland, kuwaasi oo uu u soo bandhigay fursadaha ka jira Somaliland.

 


Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi wuxuu sheegay inuu la kulmay Safiirka Dawladda Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr Ralf Heckner, waxaanu tilmaamay in danjiruhu u ballanqaaday in dawladiisu Somaliland kala shaqeyn doonto caqabadaha ka haysta aqoonsi la’aanta, waxaanu intaas ku daray in dawladiisu Somaliland ka gacan siin doonto dhinaca horumarinta dhaqaalaha.



Danjire Baashe Cawil wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Switzerland u bandhigeen sidii maalqabeennada dalkaasi u maalgashan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.


Sidoo kalena Baashe Cawil wuxuu sheegay in isaga iyo Maareeyaha Duulista iyo Maadaarrada Somaliland ay kula kulmeen safaaradda Sweden ee ku taalla Nairobi La-taliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Nabadda iyo Dib-u heshiisiinta Mr. Johan Svensson oo ay ka wada hadleen doorashada Baarlamaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.


Waxa kaloo Wakiilka Somaliland uu intaas raaciyey inay masuulka ka socday Xukuumadda Sweden isla soo qaadeen sidii loo kordhin lahaa mashaariicda horumarineed ee Sweden siiso Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
LATEST NEWS