Dawlada Soomaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Wada Hadaladii Ay La Furi Lahayd Somaliland [Ceebta Ka Raacday]

0
Tuesday 25th June 2019 13:40:35 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Wada Hadaladii Ay La Furi Lahayd Somaliland [Ceebta Ka Raacday]

    Dawlada Soomaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Wada Hadaladii Ay La Furi Lahayd Somaliland [Ceebta Ka Raacday]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Wada Hadaladii Ay La Furi Lahayd Somaliland [Ceebta Ka Raacday]
Wadahadalka oo la sheegay inuu gogol xaadh u noqon doono wadahadal toos ah oo dib ugu bilowda labada dhinac ayaa waxaa marti galinayay Maxadka Humanitarian Dioluge(HD) oo uu xubin kayahay wasiirkii hore ee arimaha debada Somaliland Maxamed Cabdilahi Cumar(Meeqaamsare) .

Kulankan ayaa loo balansanaa maanta inuu ka qabsoomo magaalada Nayroobi ee waddanka Kenya balse goor dhawayd ayaa agaasimaha madaxtooyada Soomaliya Nuur Diiriye Xirsi uu bartiisa Twitterka kusheegay inaanay dawlada Somaliya ka qayb galayn shirkaas .
Nuur ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay diyaar utahay wadahadalka Soomaliland balse ay tahay in kahor laisla qaato goobta ,qodobada laga wada hadlayo iyo kasoo qayb galayaasha.
"Ergadii kasocotay dawlada Soomaaliya kama qayb galay shirka ka dhacaya Nayroobi, si kasta ha ahaatee waxaan cadaynaynaa in xukuumada Soomaliyeed ay ka goantahay inay wadahadal midho dhal leh layeelato Soomaliland,kaddib marka goobta,Qorsheyaasha wadahadalka iyo kasoo qayb galayaashaba laisla qaato kaddib."Ayuu yidhi Nuur Diiriye Xirsi Agaasimaha madaxtooyada Soomaliya


 

Shirkan ayaa waxaa dawlada Soomaliland uga qayb galayay wasiirka Arimaha Debada Yaasiin maxamuud faratoon, maareeyaha duulista Cabdi rodol iyo safiirka Somaliland ee Kenya Baashe cawil cumar.
Dhanka Dawlada Soomaaliya waxa ka qayb galayay agaasimaha madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi iyo kuxigeenkiisa Cabdisitaar Geele, Sidookale waxaa kulankan ka qayb galayay wufuud balaadhan oo ka kala socota beesha caalamkaoo ay hogaaminayaan dawladaha Ingiriiska,EU,TURKEY iyo IGAD.

Loading...
LATEST NEWS