Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay billad sharaf Iyo Cida Uu Gudoonsiiyay

0
Wednesday 3rd July 2019 13:37:03 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay billad sharaf Iyo Cida Uu Gudoonsiiyay

    Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay billad sharaf Iyo Cida Uu Gudoonsiiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo bixiyay billad sharaf Iyo Cida Uu Gudoonsiiyay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta abaal mariyay guddigii qaban qaabada munaasabadaha xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka Juun iyo kowda Luulyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada ku guddoonsiiyay xubnaha guddigaasi billad sharaf oo ay ku muteysteen howshii ay qabteen.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay u qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Waxa kale oo uu guddigu ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:



Loading...
LATEST NEWS