Gudoomiyihii Maxakamada Degmada Oo Mindi Lagu Dilay Iyo Dilkiisa Ka Danbaysay

0
Wednesday 3rd July 2019 14:10:37 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Maxakamada Degmada Oo Mindi Lagu Dilay Iyo Dilkiisa Ka Danbaysay

    Gudoomiyihii Maxakamada Degmada Oo Mindi Lagu Dilay Iyo Dilkiisa Ka Danbaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii Maxakamada Degmada Oo Mindi Lagu Dilay Iyo Dilkiisa Ka Danbaysay

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr).

Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo.

Dad goobjoogayaal ah ayaaCaasimada Onlineu sheegay in Marxuumka dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarkaasi, balse markii dambe uu u geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Warar kale oo aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xariira sidii ay wax u dhaceen.

Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.



Loading...
LATEST NEWS