Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Hilaacday Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika uga Furmay Dalka Niger

0
Monday 8th July 2019 11:21:54 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Hilaacday Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika uga Furmay Dalka Niger

    Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Hilaacday Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika uga Furmay Dalka Niger

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Hilaacday Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika uga Furmay Dalka Niger







Niamey (Karin News)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa gaadhay Niger ee galbeedka Afrika, halkaasi oo uu ka furmay shir ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Niger Mr. Ibrahim Yacoubou iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Niger ayaa qaabiley Wasiir Faratoon markii uu gaadhay caasimadda Niamey maanta.

Warku wuxuu intaas ku daray in Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu shir doceedyo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta Midowga Afrika ee shirkaas ka qaybgalay.

Shirkan Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa muddada uu socdo lagu wadaa inay ka wada In lagu dhaqan geliyo qorshaha lagu asaasayo suuqa xorta ah ee Ganacsiga dalalka Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo (AfCFTA).

Waxa kaloo shirku dejinayaa halka fadhigoodu noqon doono guddida Midowga Afrika u qaabilsan suuqa xorta ah ee ganacsiga Afrika.


Loading...
LATEST NEWS