Qarax Ka Dhacay Isgoyska Digfeer Ee Magaalada Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashay

0
Monday 8th July 2019 11:32:15 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ka Dhacay Isgoyska Digfeer Ee Magaalada Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashay

    Qarax Ka Dhacay Isgoyska Digfeer Ee Magaalada Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Ka Dhacay Isgoyska Digfeer Ee Magaalada Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashay






Muqdisho, (Karin News) – Gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa ayaa goor-dhaweyd ku qarxay agagarka Cusbitaalka Digfeer ee magalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho.

Gaadhiga qarxay ayaa la sheegay in ciidamada bileysku ay ka war haleen intii aanu qarxin, waxaanu gaadhigani isku dayey intii aanu qarxin inuu jiidho wado hore loogu gooyey ciid, taas oo keentay inuu mari kari waayo halkaana uu ku qaraxay.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in gaadhi ka mid ah kuwa ciidamada Bileyska oo gaadhiga halkii uu mari ka wari waayey ku gaadhay ay ku amreen ninkii waday inuu gaadhiga ka soo dago balse uu ka dhago adaygay sidaana uu isku qarxiyey.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in arkayeen dhowr qof oo ku dhawacantay qaraxa, hase yeeshee wali lama soo sheegin wax dhimasho ah oo qaraxaasi sababay.


Loading...
LATEST NEWS