Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu jiro kulan dhaxmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

0
Thursday 11th July 2019 15:32:56 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu jiro kulan dhaxmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

    Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu jiro kulan dhaxmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu jiro kulan dhaxmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in uu magaalada Addis Ababa ku dhaxmari doono madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

 

 
Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan la sheegay in 13ka bishan magaalada Addis Ababa ku dhaxmari doono madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Wuxuu sheegay Wasiirka in wasaarraddiisu u xil saaran tahay arrimaha dibadda Soomaaliya sidaa daraadeed aysan ogeyn halka laga keenay warkan ku saabsan kulanka labada madaxweyne.

 

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegayay in 13ka bishan ay magaalada Addis Ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru,kulankaa oo uu garwadeen ka yahay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Xiriirka dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba wanaagsaneynm waxaana muuqata in arrimhan oo dhan salka ku hayaan dacwada badda ee hortaala maxkamada ICJ.



Loading...
LATEST NEWS