Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Barnaamij Sannad Walba Lagu Xusi Doono Hodan Naaleeye Oo Ka Mid Ahayd Dadkii Qaraxii Kismaayo Ku Dhintay

0
Tuesday 16th July 2019 13:13:00 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Barnaamij Sannad Walba Lagu Xusi Doono Hodan Naaleeye Oo Ka Mid Ahayd Dadkii Qaraxii Kismaayo Ku Dhintay

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Barnaamij Sannad Walba Lagu Xusi Doono Hodan Naaleeye Oo Ka Mid Ahayd Dadkii Qaraxii Kismaayo Ku Dhintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Barnaamij Sannad Walba Lagu Xusi Doono Hodan Naaleeye Oo Ka Mid Ahayd Dadkii Qaraxii Kismaayo Ku Dhintay

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya sanad kasta Xus sanadeed ay u sameyn doonto Marxuumad Hodan Naaleeye.

Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladdu sanad weliba ay bixin doonaan abaal-marin loogu magac daray Hodon Naaleeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka.

Arriintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

"Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta#HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbe joogga Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.



Loading...
LATEST NEWS