[Akhriso:—] Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Demooyinka Faqaayuub Iyo Laasciidle Iyo Deegaamada Hoos Yimaada [Sawiro]

0
Thursday 18th July 2019 17:51:02 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:—] Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Demooyinka Faqaayuub Iyo Laasciidle Iyo Deegaamada Hoos Yimaada [Sawiro]

    [Akhriso:—] Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Demooyinka Faqaayuub Iyo Laasciidle Iyo Deegaamada Hoos Yimaada [Sawiro]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Akhriso:—] Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Demooyinka Faqaayuub Iyo Laasciidle Iyo Deegaamada Hoos Yimaada [Sawiro]


Faqaayuub (Karin News):- Ceeldheere,Foolastari,Gebagebo,Faqaayuub,Laasciidle,ceelbaxay,beeyo macaan,huguf iyo Degaamo kale ayaan ku maray safarka qaatay mudo laba casho,degaamadaasi waxaa ka jira baahiyo fara badan oo dhinaca adeegyada aasaasiga ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin,wadooyinka iyo caafimaadka,waxaana xusic mudan meelo badan oo dhulkaasi mid ahi waxay sheegeen in aanay xataa dawlad iyo maamul toona arag. 




 Dooxa ama dawga Dubeeri waxa uu ku yaala Degmada Faqaayuub waxaanu ka xigaa dhinaca Degmada laasciidle ee gobolka saaxil waxa uu ku simanyahay in ka yar Sodon kiiloo mitir waxaana wadaadaasi xidhay dhagxaan ay Keeneen roobabkii ugu danbeeyay kuwaasina sababeen inay xidhanto wadadaasi,Afartii galabnimo ayaanu bilawnay inaan ka gudubno dawga dubeerin,sidii aanu dhagaxaanta u guraynayn waxay nagu qaadatay in ku dhaw sided saacadood,11kii iyo 16 miridh ee habeenimo ayaanu ka baxnay si aanu u gaadhno Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil,jidka ayaanu u hoyanay habeenimadaas maadaama shaqo culisi nagu dhacday awoodayadiina yaraatay.



 Hadaba Deegaanka Faqaayuub waa degaan ku hodan ah Macdanta waxaan hada Buuraha ku hareeraysan laga qodaa macan,kuwaasi oo ay ka gurtaan shirkado shisheeye oo ay gacansaar dawladu leedahay,iyadoo ay sidaasi tahay khayraadkii degaankaas la guranayo hadana waxay shirkadahaas iyo xukuumadu awoodi waayeen inay daboolaan baahiyo yar yar oo dadkaasi u baahanyihiin,kuwaasi ay ka mid yihiin Banaynta wadadaas dubeerin oo isku xidha Faqaayuub iyo laasciidle oo ay ku noolyihiin dad tiro badani,waxaanay wadadanu u baahantahay hal cagaf iyo waxoogay shaqaale ah,Iska daa wax qabade sida uu ii sheegay mid ka mid ah Dadka ka xoogsada shirkadahaas oo magaciisa ka gaabsaday waxa uu ii sheegay in mudo ilaa sadex bilood ah aanay mushaharkii qaadan. Subaxii danbe ayaanu kuwaabarisanay Degmada Las ciidle, Degmada laasciidle waa Degmo ka tirsan gobolka Saaxil inka kastoo ay ka jirto goob caafimaad oo shaqaale dedaalayaa joogaan,hadana waxaa ku xeeran degmadaas baahiyo kale,waxaana ugu mudan anbalaaskii degmadaas oo fadhiya,iskuulkii dhexe ee degmadaas oo roobkii jiingadii ka qaaday xiligana dul qaawan. 



Soo laabashadayadii Safarkaas waxaanu usoo jihaysanay dhinaca beeyo macaan iyo ceelbaxay, inti aanaan gelin Dawga miriye waxaanu ku hakananay Magaalada huguf oo iyadu ka tirsan degaanka gebagebo,is waraysi ka dib waxay dadkaasi degaankaasi noo sheegen inaanay haysan wax adeeg bulsho ah waxaanay noo Tibaaxeen inaan wax dawlada aanay arag(wax dawlad ka socda waxaanu aragnaa Sanaaduuqda doorashooyinka kuwaasaa noogu wayn dawladnimo aanu Aragon,Cid codkayaga meel gaadhsiisana ma hayno"sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha huguf.



 intaas ka dib waxaanu soo guda galay Dawga miriye halkaasi oo aad kala kulmayso Rafaad iyo dhagxaan banayn, mudo iyo hawlna waxaanu soo galay degmada Gebagebo iyo tuulada foolastari halkaasi oo aanu kasoo gurya noqonay magaaladii aanu ka baqoolay we burco. 


 Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)

















Loading...
LATEST NEWS