"Wadajirka Hogaanka Siyasada, Hanti-layasha iyo Aqoonyahanka Wadanka"...W/Q Cabdalle Gaxnug.

0
Tuesday 6th August 2019 08:05:12 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wadajirka Hogaanka Siyasada, Hanti-layasha iyo Aqoonyahanka Wadanka"...W/Q Cabdalle Gaxnug.

    Bulshada wadan ku nooli way u qaybsantaa hogaamiye iyo la-hogaamiye . hogaamiyuhu waa gar wadeenka , halka la wadeenkuna yahay shacabka dicifka ah ee aan talo iyo tusale midna laga qayb galin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada wadan ku nooli way u qaybsantaa hogaamiye iyo la-hogaamiye . hogaamiyuhu waa gar wadeenka , halka la wadeenkuna yahay shacabka dicifka ah ee aan talo iyo tusale midna laga qayb galin.


Wadanada somaliyeed hogaanada ayaa noqda wax walba , iyaga ayaa afduuba dhaqalaha maadama ay noqdaan hanti-layaal waawayn , hantilayaasha ganacsadata caadiga ahina waxay ka haybadaystaan iyaga, awooda siyaasda ayay kaga faaidaystan xoolaha umada ku urursadan si xaarana , sidoo kale iyaga ayaa samaynta ugu xoogan ku yeesha fikirka bulsho waynta. Afadani waxay nabad guurisay hal-abuurkii iyo hindisihii aqoonyahanada saaxibka u ah caqliga cilmigu wato .


Hadaan wax yar isku xidho doorka siyaasada , dhaqalaha iyo aqoonta sidan ;

Hoganka siyasda (Political Leadership) :

Hoggaaminta siyaasadeed waa fikrad udub dhexaadka u ah fahamka geedi socodka siyaasadeed iyo natiijooyinka dalka. Dadal badan ayaa gacan ka gaystay gaadhida hoggaaminta, oo ay ku jiraan aragti siyaasadeed, taariikh, cilmi nafsi iyo daraasado maareynaya marxaladaha wadanka kobicisa horumariya, waana kuwa ugu muhiimsan iyagoo adeegsanaya awoodda dowladda, inay ilaaliso dhib u gaysiga qofka, qiimeeyaana qeybinta awoodda iyo ilaha khayraadka , waxay dhisaan xiriiryo ay la yeeshaan qaybaha kale ee ay khuseyso, waxayna gaarayaan go'aanno saameyn weyn ku yeelan kara wanaagga dadkeeda, wuxuna ku abuura ikhtiraacyo soo jiidasho maamul, dhaqale iyo sugid amin .
 

Napoleon Bonaparte ayaa aminsan, siyaasaddu waa go'aano maamul oo si toos ah ula xiriira dhammaan arrimaha iyo howlaha ka jira xuduudaha dalka. Waxay kaga duwan tahay siyaasadda arrimaha dibedda, oo tilmaamaysa dariiqooyinka ay dowladdu ku horumariso danaha ay ka leedahay siyaasadda adduunka.

Hantilayaasha dhaqalaha (Economic Elite ):

Ganacsatadu waa hormuudka iftiiminta qiimaha magaalada , soo celinta tacabka bulshadu ku raadinayso kobac nololeed oo samaxaya korodhsi dakhli , saamayna ku yeelanaya manfaca faa’iidooyinka wadanka kor u soo qaadi kara , taa soo abuuraysa tartan dadaal oo lagu baadi doonayo fursado wax soo saar midho dhal keeduna noqon karto , dadka oo ka suula camal la’aan caajis dhalisa , isku buuq bulshadu ka badbaado , xasilooni amni iyo dawlada oo ka hesha ilo taageero dhaqaale oo cashuureed,waana aragtida uu aminsana Jeremy bentham (1748-1832).

Paul krugman ayaa qaba(1953), wadanka haysta hogaan wadajira oo ganacsato ah , waxa u fudud inay abuuranto fursad shaqooyin ,yaratana shaqo la’aan ku sababi karta bulshada niyad jab, warwar iyo wax qabadka oo ku yaraada . Maalgashiga hantilayaashu hor kacayaan waxay dalka u faa’idaynaysa ikhtiraacida agabka iyo adeega cusubi kordhiso horumarka, nolosha shakhsiga oo kobca mustaqbaliyan , ixtiramka qiyamka dadka oo sugnaada , isu socodka ganacsiga oo fududada, dakhliga dawlada oo xoogaysta IWM.

Hormuudka Caqliga (Intellectual leadership ).

Aqoonyahanku waxa lagu sifeyn karaa oo kaliya inuu yahay qofka ficil ahaan u muujiya in maskaxdiisu cilmi, caqli iyo awoodba u leedahay inay abuurto fikrado bulshada saamayn ku yeelan kara , aqoon korodhna noqon kara, tacliintu waa hub qarsoon oo dareen hoodo iyo horumar dhalin kara kuna waajib tahay inay soo bandhigaan karti iyo bisaylka wacyigi galinta bulshada , wada toosana u tilmaaman, khataraha uga digaan, siyaasiyiinta la dooodan, dunida iftiin wacan uga tusaan , mustaqbalka dhawna u saadaaliyan hanaanka iyo horseedka wadanka "Charles Dickens,1896”.

Waxan ku koobaya ,sida taageeerada unugyada bili adamku amar, dareen,iyo xidhiidh ahaan ba u kala maarmin, ayay mujtamac meel kuwada nooli iskugu baahi badan yihin wax wada qabsi, wadajir , weelayn qorshe cad iyo wada tashi oo lagu gaadhi karaa horumarka iskaashiga midaysan ee ku bahaysan yihiin Hogaanada siyaasda, Hantilayasha dhaqalaha iyo aqoonyahanada ee dhalina karta wax kasta oo aasaasi horyaalka gala. Isla marka waxan ku boorinaya dawlada Somaliland inay noqoto sadexdii hogaane isla jaan qaada.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS