Akhri Musuqmaasuqa Maareeyaha Madbacadu Sameeyey Sadexdii Bilood Ee U Danbeeyey.

0
Friday 9th August 2019 11:14:25 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Musuqmaasuqa Maareeyaha Madbacadu Sameeyey Sadexdii Bilood Ee U Danbeeyey.

    Raad raac iyo baadhitaan wakhti badan qaatay waxa aanu ku ogaanay in muddadii uu xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raad raac iyo baadhitaan wakhti badan qaatay waxa aanu ku ogaanay in muddadii uu xilka


hayey maareeyuhu uu si xeeladaysan iyo badheedh ahba u qaatay lacago faro badan oo gaadhaya inta u dhaxaysa $ 40,000 ilaa $ 45,000 nasiib xumada jirta ayaa ah in dalkeenii noqday looma ooyaan. Waxa laga yaabaa in qoraalkan dad badani dhibsadaan laakiin haddaad tahay qof diin islaam haysta Rabbi (swt) ayaa inoo sheegay in xoolaha ummadu aanay xalaal u ahayn madaxda ee ay amaano ku yihiin, dunida aynu ku daba lunay waa gaaladee qofku wuxuu xilkiisa ku waayaa $ 1 oo uu ka xado dadkiisa.

Maareeyaha madbacada qaranku wuxuu si rasmi ah uga mid noqday jilayaasha aan jixin jixin ee jawaanka weyn u toshay xadista xoolaha dadkooda. Wuxuu mushahar iyo guno u qaataa aduun faro badan tiraba laba jeer ayuu korodhsaday lacagta intii uu joogay waxaana la sheegaa in bil kasta uu qaato aduun gaadhaya sodon malyan oo aanay ku jirin lacagta uu korodhsaday oo aad loo qariyey si aan shaqaaluhu uga gadoodin.

Dalka Tanzania musuqmaasuqu waa danbiga labaad ee ugu weyn waxa ka horeeya uu qudha qaran dumisnimada (high treason) sida adiga oo dalkaaga u soo horkaca cadaw dumin iyo burburin la doonaya. Musuqmaasuqu wuu ka xun yahay dhilaysiga "Corruption is worse than prostitution. Musuqmaasuqu ma aha oo qudha burburiyaha barwaaqada xitaa wuxuu burburiyaa jaanis kasta oo horseedi lahaa kobac dhaqaale sababtuna waxay tahay musuqu wuxuu daciifiyaa ama yareeyaa dakhligii ay dawladdu heli lahayd si dadkeeda ay ugu hesho awood maaliyadeed oo ay wax ugu qabato.

Shankaroon land waxay dunida ka rabtaa aqoonsi, mana awoodo in ay wax ka qabato musumaasuqa caadiga ka noqday. Sanadkasta wuxuu dhammaadaa iyada oon danbiilayaasha xaddida xoolaha dadkooda caadaystay aan sharciga la horkeenin.

Waxa laga yaabaa in dadka qaar u fahmaan in maqaaladan ay igu kalifayso, dan shakhsi ah laakiin kuwaas waxaan leeyahay shaydaanka iska naara ogaada muwaadin kasta dalkiisa hooyo waxa ka saran waajib wadaniya oo ay tahay in uu sidiisa u guto, sida in uu bulshadiisa kala dagaalamo hab dhaqanada ragaadiya ama curdin dhaadhiya wax wada lahaanshaha oo musuqmaasuqu kaw ka yahay. Musuqmaasuqu cidna dan uma aha, xitaa ka samaynaya sababtoo ah waa ceeb aduun iyo cadaab aakhiro.

 

Salah Ibraahim Shire "Salah Bidaar”

Free Corruption Activist

Hargeisa-Somaliland

[email protected]



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS