WAXAY NABADEEN, WAXAY NAGAGA TEGAYAAN AYAA KA XUN. "

0
Friday 9th August 2019 11:19:28 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAY NABADEEN, WAXAY NAGAGA TEGAYAAN AYAA KA XUN. "

    Rajada mustaqbalka dhalinyarada iyo wadanka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajada mustaqbalka dhalinyarada iyo wadanka Somaliland.

Burburka iyo dagaalka wadan ama bulsho waxa ka xun,fikrado iyo aragtiyo uu jiilba jiil ka dhaxlo taa soo saldhig u noqon karta dagaalo iyo horumar la'aan wadan ama bulsho kumanaan sano soojirtey. Waxay ka loo horseed u noqon kartaa horumar bulsho/wadan oo jiilba jiil ka dhaxlo.

Waxaynu maraynaa qarnigii 21aad ma'ogin wixii dhacay qarnigii 20aad,19aad,18aad ilaa qarniyadii Somalidu isirantay. Laakiin waxa jiilba jiil, awowba awow ka sii dhaxlayey taarikhda iyo dhaqankii umadaasi lahayd, 95% waxay ahayd reer hebel,reer hebel, reer hebel iyo reer hebel waynu ka adkayn, laynjirney, geelodii ka qaadnay waa cadowgeena koobaad, inagaa weligeenba talin-jirney idin kuna wadadii aanu marinay Mariya ayuu awow kastaa markuu dhimanyo ku sii dar-daarmi jirey. 5% ta soo hadha dhaqanka, ugaadhsiga iyo diinta ma dhaafsiis nayn.




Maanta oo aynu joogno tarikhda 1440 Hijriga,2019 Miladiga, dunidu waxay ku tartamaysaa awood dhaqaale, aqoon,horumar,hogaamin iyo mid military-ba taas oo ay horseed u ahayd dhaxalkii iyo dariiqii ay uga tageen awoowayashii ay ka isirnaayeen. Kaaga sii darane Ma muuqto dariiq ka kaduwan kii waalidkeena 70jirsaday kaduwan, Somaliland ama guud ahaan Somalida oo dhan, waxay tar-tan iyo hirdan ugu jiraan sidii uu uu midba midka kale,reer koodu reerka kale ugu maamuli-lahaa dardaarankii iyo taarikhdii awowayasheen inoo ka tageen oo ahayd cadaawada, dilka iyo nacaybka reer hebel inuu reerba reer iska eego,naxli iyo nacayb iyaga dhexyaaleyna ku faafiyaan dhalin-yaro huwan aqoonta dhigooda dunidu ku tar-tamayaan, una hamuun qaba hogaamin, horumar iyo tanaadid dalkooda iyo dadkooda. Lakiin nasiib darada jirta ayaa ah gacan haadinta 70 jiro waalidiin iyo waayelba inoo ah salaanka noloshana ka sii siibanaya oo ay ugu badiso dariiqii kumanaanka sano soo jeexnaa ee huwanaa qoqobka iyo kala fogaynta bulsho isir iyo abtirsiinyo wadaaga,oo wadajirkodu dhalilahaa bash-bash iyo barwaaqo bulsheed, daleed iyo shaqsiyadeed meeshana ka saarilahaa hayb nacayb iyo qoqobka bulsho isku mid ah calaamado isnebcansho aan midba midka kale garanayn u jeedka uu u cadawga ugu yahay hadii laweydiiyo. Hadiise ay ku guuleystan 70 jiradan walidka iyo wayeelka inoo ah in aynu kadaba marno wadadii ay iyagu hayeen waxba yaynaan wakhti iskaga lumin in lahelo dawlad hadajirta iyo mid siijirta toona waa hubaal inay imanayso wakhti ay burburto iyo wakhti dib loo dhab-dhabo, kala guurka aduun-yaduna sidaa inoo ku imanayo!

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS