GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDDA.

0
Sunday 11th August 2019 13:53:03 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDDA.

    Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo dhammaan ka shaqaalaha Hay'adda Qurbajoogga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo dhammaan ka shaqaalaha Hay'adda Qurbajoogga

waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka Ciid Al Fidrida hambalyo u dirayaa dhammaan bulshooyinka qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga JSL oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi oo lagu baahiyaha warbaahint.

 

"Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamka, iyo goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ahna waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal Fidrida awgeed dhammaan muwaadiniinta qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha tirada badan ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”

 

Allaa Mahad Leh

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

14/06/2018



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS