GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDDA CARRO 2019

0
Monday 12th August 2019 15:08:43 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDDA CARRO 2019

    Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo ka

 dhammaan ka shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka CIIDDA CARRAFO Hambalyo u dirayaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka, waxanu u dhignaa War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiska Hay’adda Qurbajogga oo hambalyadan ku saabsani sidan.

 

"Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamkaba, goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ah, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal-Odxa awgeed dhammaan muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, mutadawaciinta, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”

 

Allaa Mahad Leh

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

10/08/2019

 


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS