Cudurkii Dilaaga Ahaa Ee EBOLA Oo Qarka U Saaran In La Soo Afjaro , Lagana Tir-tiro Dunida

0
Tuesday 13th August 2019 09:37:03 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurkii Dilaaga Ahaa Ee EBOLA Oo Qarka U Saaran In La Soo Afjaro , Lagana Tir-tiro Dunida

    Cudurkii Dilaaga Ahaa Ee EBOLA Oo Qarka U Saaran In La Soo Afjaro , Lagana Tir-tiro Dunida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurkii Dilaaga Ahaa Ee EBOLA Oo Qarka U Saaran In La Soo Afjaro , Lagana Tir-tiro Dunida


Caabuqa Ebola ayaa ku dhaw in uu noqdo cudur laga hor tagi karo lana daaween karo kadib tijaabooyin guulaystay oo lagu sameeyay daawooyin loogu tala galay in lagu daaweeyo.

Illaa iyo afar dawo ayaa lagu tijaabiyay bukaano la’il daran caabuqa Ebola kuna sugan jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo.

Labo kamid ah daawooyinkaas ayaa lasheegay in ay noqdeen kuwo lagu daaween karo cudurka sida ay tilmaamayso daraasad lasameeyay.

Sida ay sheegayaan masuuliyiinta cafimaadka daawooyinkan ayaa loo isticmaali doonaa buukaanada ku sugan jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo halkaasi oo ah meesha uu ka dilaacay caabuqa Ebola.

Machad daraaseeya arimaha ka hortaga cudurada fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay natiijooyinka kuwo aad u wanaagsan lagunana dagaalami karo caabuqa Ebola.

Tan iyo markii uu cudurka Ebola ka dilaacay jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo ayaa waxaa ladiiwaan galiyay in ay u geeriyoodeen dad gaaraya 1,800 oo ruux.






Health workers dressed in protective suits disinfect an ambulance at an Ebola treatment centre in DR Congo
Congolese health workers prepare to administer Ebola vaccinations
A Congolese health worker administers an Ebola vaccine to a child in the Democratic Republic of Congo
Loading...
LATEST NEWS