Shilalkii Gaadiidka Oo Xadhkaha Soo Goostay, Caasimaddii Hargeysa Oo Noqotay Xarunta Shilalka Gaadiidka

0
Tuesday 13th August 2019 10:00:09 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shilalkii Gaadiidka Oo Xadhkaha Soo Goostay, Caasimaddii Hargeysa Oo Noqotay Xarunta Shilalka Gaadiidka

    Shilalkii Gaadiidka Oo Xadhkaha Soo Goostay, Caasimaddii Hargeysa Oo Noqotay Xarunta Shilalka Gaadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shilalkii Gaadiidka Oo Xadhkaha Soo Goostay, Caasimaddii Hargeysa Oo Noqotay Xarunta Shilalka Gaadiidka











Hargeysa (Karin News):- Caasimadda soomaaliland ee magaalada hargeysa waxaa ay hoy u noqotay shilalka gaadiidka muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana waddooyinka badankooda lagu arkaayey baabuur 2 ilaa 3 gaadhi oo hal mar is gelaya ama isku dhacaya, in kastoo aanay jirin caasimadda somaliland waddooyin ku filan gaadiidka haddana waxaa xusid mudan in wadayaasha gaadiidku aanay ahayn kuwo khibrad u haysta oo markaasi wasaaradda gaadiidka ee qaabilsan amuuraha gaadiidka aanay soo marin wadayaashu islamarkaana aanay badankoodu haysan wax ruqsad ama aqoonsi ah oo lagu siin karo wadid gaadiid iyo aaminaad buuxda oo uu waduhu naftiisa iyo nafaha kale ba ku bad-baadin karo.





Tusaalaha koobaad ayaa noqonaya in wade gaadiid uu maanta ama shalay uu dhaqaajiyo gaadhi islamarkaana uu la galo masaafo dheer oo 100 km u dhiganta taasna ay badelkeedu noqoto in uu gacantiisa ku keeno shil nafo jara, sidoo kale eedda koobaad ayaa dusha loo saari karaa wasaaradda gaadiidka oo iyadu masuuliyad ka saaran tahay wadayaasha gaadiidka.

Sawirkan idiin muuqda waa caasimadda somaliland ee hargeysa oo ay goordhaweyd isku dhaceen tiro gaadiid ahi.

Karin News

Hargeysa




Loading...
LATEST NEWS