Jamhuuriyaddii Soomaalida ee ka dhalatay is raacii Somaliland iyo Somalia 1960kii waxaa Dawladnimadii Ka dumiyey awood maroorsi, keli telin iyo lexejeclo xumo.

0
Friday 16th August 2019 11:09:44 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyaddii Soomaalida ee ka dhalatay is raacii Somaliland iyo Somalia 1960kii waxaa Dawladnimadii Ka dumiyey awood maroorsi, keli telin iyo lexejeclo xumo.

    Waxaa maanta hor taagan is maan dhaaf TAARIIKHEED.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta hor taagan is maan dhaaf TAARIIKHEED.


ma aha taariikhdu in la taxo oo la hooriyo waayihii iyo
dhacdooyinkii la maray, ee waa sida loo dhadhamiyo oo Laxaw, ciil-qab iyo Dhaadasho midood ku abuurta faca nool. M C Farmajo wuxuu ku taamayaa soo celinta Dawladnimadii Duntay 1991kii ee Ciidanka iyo XHKS gadh-wadeenka ka ahaa. Halka M/Wayne Muuse Biixi gaws dambeedka ku haysto in Dawladnimadii la wada lahaa la af-gambiyey 1969 kii, iyagoo bilawgii horeba qawad iyo saluug

ka qabay qoondihii iyo qaabkii loo qotomiyey Jamhuuriyaddii Soomaalida. Sawirkan kore ee Dhulka Barakaysan ay ku wada galeen M / weyne Muuse Biixi
oo uu weheliyo Wsr Max'd Kaahin iyo Madaxdii Dawladda Federalka ee ay xajka ku kulmeen ma noqon doonaa ifa-faalo fiican oo horseeda in laga baxo ragaadka. Dawladnimo iyo soo oodanka aragtiyeed ee Somalida haysta, ALLE SWTC ha inaga Furdaamiyo. .... Aamiiiin dhaha waa maalmihii barakada lahaaye.
Waxa qoray:
Max'd Sh.Ibrahim Cadde
Agaasimaha Fullinta ee Hay'adda Ambaqaad Foundation Think-Tank.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS