Yuhuudda W:Q/ Ibraahim Hawd.

0
Sunday 1st September 2019 09:23:25 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuhuudda W:Q/ Ibraahim Hawd.

    Dadka Yuhuudda iyo diintoodu taariikh ahaan wax ay ka mid yihiin kuwa dunida u gu fac weyn haddana u gu qeexan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Yuhuudda iyo diintoodu taariikh ahaan wax ay ka mid yihiin kuwa dunida u gu fac weyn haddana u gu qeexan.

--------

Dadka Yuhuudda iyo diintoodu taariikh ahaan wax ay ka mid yihiin kuwa dunida u gu fac weyn haddana u gu qeexan. Waa dhif shacab kale oo taariikh sidaa u dheer soo maray magaciisa qoomiyadeed iyo diintiisa oo is wata.

Taariikhdu sideedaba waa laba jaad oo ka la ah mid diini ah iyo tu maaddi ah. Ta maaddiga ahi baadhista wax ay u kaashataa qoraallada, degelyaalka, afafka, dhaqanka iyo sheeko xariirada sooyaalka ah. Ta diintuna wax ay rumaysataa caqiiqada iyo sheekooyinka sooyalka ah ee caqiidadaa ka dhasha. Haddaba dadkan Yuhuudda taariikhdoodu qaybahaas oo dhan waa ay lee dahay.


Waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin ummado badan oo dhalad ku ah gobolka Bariga Dhexe. Jiritaankoodii hore wax ay xilliyo ka la dambeeyay iyo duruufo ka la jaad ah degmaysteen dhulalka Masar ilaa Ciraaq, Shaam ilaa Xijaas iyo inta u dhexaysa. Iyaga iyo afkooduba wax ay ku abtirsadaan quruun loo yaqaannay Kancaan. Yuhuudda raadkooda kowaad qolo ahaan iyo diin ahaan waxaa la ga soo raaci karaa shakhsiyadda Nebi Ibraahin, kaas oo aan raad taariikheed oo cad la ga hayn laakiin aad u gu xusan dhammaan diimaha isaga ka soo bilowday iyo dadyowga isaga ku abtirsada oo la is ku yidhaahdo Ibraahiimi ama Saamiyiin. Marka raadadka diimaha dib loo raaco ninkani wax uu ahaa qoomkaa reer Kancaan, wax uuna ku dhashay dhulka Ciraaq maanta loo yaqaan. Ka dib Webiga ayuu Galbeed u ga soo gudbay ilaa Shaam. Dhulkaa cusub buuna diintiisa ku hirgeliyay kuna tarmay oo ubad aad u badan ku dhalay. Ragga badan ee uu dhalay waxaa ka mid ahaa Isxaaq oo Yuhuuddu ku abtirsato iyo Ismaaciil oo Carabtu ku abtirsato. Carabta oo Islaamka cuskanaysa iyo Yuhuudda oo kitaabkeeda kaashanaysaa maanta wax ay is ku haystaan labadooda awow ee Isxaaq iyo Ismaaciil kii fadli badnaa ee Ibraahin ku riyooday in uu Alle u sadqeeyo. Waqtigaa waxaa la gu qiyaasayaa in la ga joogo 5000 oo sano.

Haddaba Isxaaq wiilasha uu dhalay waxaa ka mid ahaa Yacquub oo sida ay qabaan Ilaahay u doortay magaca Israa'iil oo macnaheedu yahay "Dagaalyahankii Alle", wax ayna ninkaa ku dul ururiyeen khuraafaad wada yaab badan. Yacquub wax uu dhalay 12 wiil oo noqday laba iyo toban qabiilo. Haddaba Yuhuudda iyo diintooda markii kowaad waxaa la gu xusay ilbaxnimadii Masar muddo imika la ga joogo 3300 oo sano. Markaa intii ka dambaysay ilaa qarnigii saddexaad Ciise hortii dadkani taariikhda waa ay ku soo noqnoqdeen.

Markii uu u soo baxay Nebi Muuse wax uu u keenay kitaabka Towraad oo ay ku qoran tahay shareecada ama xeerarka ay ilaa imika haystaan. Erayga Towraad oo Af Giriig ah macnaheedu waa tacliin ama barasho. Xeerarkaa waxaa u gu muhiimsan qodobbada loo yaqaan 10 dardaaran ama ballamood oo ay ilaa maanta diintoodu ku salaysan tahay. Tobankaa ballamood oo ay rumaysan yihiin in iyaga Ilaahay la galay oo Muuse u gu soo dhiibay wax ay ka la yihiin:

1. Aniga ilaahnimadayda
 ilaah kale ha ka hor marin.

2. Ha samaysan sanam oo ha caabudin.

3. Magaca Alle been ha u gu dhaaran.

4. Alle xus maalinta Sabtida oo weynee.

5. Maamuus aabbahaa iyo hooyadaa.

6. Cid ha dilin.

7. Ha sinaysan.

8. Wax ha xadin.

9. Marag beenaad ha furin.

10. Sina iyo marnaba ha damcin ninka kale reerkiisa/gurigiisa/waxiisa.

Waxaa kale oo kitaabkaa ku jira ballanqaadka ah in ay ku noqdaan dhulka Israa'iil oo ay halkaa ku midoobaan. Waayadii dambe Towraadda Muuse ka sokow wax ay diimaysteen sheekooyin ka hadlaya taariikhdooda, nebiyadoodii halyeeyadoodii iyo qasiidooyin wax walba isu gu jira, waxaas oo ay afka isaga tabin jireen laakiin aan kitaab ahayn. Kuwaas bay qarniyo dambe qoreen oo diintooda ka mid noqday sida labada qaybood ee Talmuudka iyo Mishnaah. Wax ay kale oo aad u tafsiireen Towraaddii. Kutubtaasi seben wal oo ay halaagsamaan waa ay la halaagsami jirtay laakiin dib bay haddana ka qori jireen, waayo mar walba waxaa jiray wadaaddo u qaybsan taa aqoonteeda.

Markii Muuse ka soo badbaadiyay addoonsigii Masar iyo afartiinkii sannadood ee "tiiha" iyo sidii ay ku soo galeen Shaam waa sheeko caan ah. Wax ayna sheegaan markaa ka dib dawladdoodii kowaad ee ay ku midoobeen ee cid kale ka ga adkaadeen in ay ahayd xilligii hoggaamiyaha loo yaqaan Daaluut. Waxaana xigay Nebi Daa'uud oo ay iyagu u yaqaannaan Boqor Daa'uud (Yuhuuddu sideedaba boqorradooda, nebiyadooda iyo halyeyadooda is ku si bay u xusaan oo waxba ku ma ka la duwana). Boqorkani Yuhuudda dawlad adag buu u sameeyay, wax ayna dhab u dageen magaalada Oorshaliim oo imika loo yaqaan Quddus. Sida ay qabaan Daa'uud wax uu keenay fikrad ah in uu buurta Oorshaliim ka dhiso macbad ama heykal ay Alle ku weyneeyaan oo dhigtaan kutubtooda iyo barashadeeda iyo culimadooda. Laakiin isaga oo aan haleelin buu dhintay, dabadeed waxaa riyadaa rumeeyay inankiisii Saleebaan mar imika la ga joogo qiyaastii 3000 oo sano hortood. Heykalku ma aha sida masjidka iyo kiniisadda meel wax uun la gu caabudo ee waa xarun iyo astaan muqaddas ah oo u taagan ilaalinta xidhiidhka iyaga iyo Allahooda iyo wacadkii ay la galeen, iyo dhanka kale ilaalinta iyaga midnimadooda iyo ahaantooda qolo ahaaneed. Caqiido ahaan wax ay rumaysan yihiin in iyaga Alle dadyowga kale oo dhan ka doortay oo u xilsaaray ilaalinta diintiisa. Mana aha diin ay dadka u gu yeedhaan waayo iyaga oo qudha ayaa xilkeeda leh, iyaga dartood bayna dadka kale ficilladooda wanaagsan khayr ka ga helayaan.

is ka daa in ay diintooda cid u gu yeedhaan we waxaaba ka dhaadhacsan xaqnimada diintiinna waxaa daliil u ah in mar walba dadyowga kale idinka tiro badan yihiin. Towraadda waxaa u gu qoran aayad odhanaysa: "Sababta Alle dadyowga kale oo dhan idiinka doortay ma aha in aad ka badan tihiin, wax uu se Alle idiinku xidhmay oo idiin doortay in aad dadyowga kale oo dhan ka tiro yar tihiin) - Sifirka Tathniya 7,7.

Haddaba qiyaastii sannadkii 587 Ciise hortii, macbadkii ama Heykalkii waxaa ka dumiyay qoladii ilbaxnimada sarraysay ee Ashuur taas oo ka ga soo duushay Ciraaq. Heykalkii uun ka ma ay dumin ee umaddii Yuhuudda gabigeediiba waa ay qafaasheen oo dhulkoodii bay geysteen iyaga oo ku ciqaabaya in ay ku soo taageereen cadawgoodii Masar. Taariikhdaa waxaa loo yaqaan Qafaalashadii Ashuur. Yuhuudda haddaba intii ay dhulka Ciraaq la gu haystay diintoodii dib bay u qoreen, illayn Heykalkii la kharaabiyay bay wax waliba ka raaceene. Dabadeed beri dambe boqor xoog badan oo reer Eeraan ah baa Ciraaq qabsaday, Yuhuuddiina inta uu xoreeyay buu u oggolaaday in ay dhulkoodii ku noqdaan. Laakiin muddadaa dadkaasi waa ay silceen oo ka la lumeen, laba iyo tobankii qabiil ee ay ka koobnaayeenna laba qudha ayaa ku guulaystay in ay lumistaa ka badbaadaan oo soo noqdaan. Waa labada qabiilo ee Yahuuda iyo Binyaamiin. Labadaas baa mar kale noolaaday oo Heykalkii dib u dhisay sannadkii 480 Ciise hortii. Qolooyinkii lumay waa yuhuudda ilaa maanta dalalka kale ku ka la daadsan, taas oo qayb ka noqotay waayaha iyo taariikhda dadka Yuhuudda.

Kuwii dalkoodii ku noqday qarniyo badan kolkii ay dhaqnaayeen ayay quwaddii caalamiga ahayd ee Rooma dunidaas oo dhan qabsatay. Laakiin Oorshaliim ama Quddus Yuhuudda ayaa haysatay weli ilaa Nebi Ciise soo baxay. Nebi Ciise markii uu soo baxay xilli imika la ga joogo in ka badan 2000 oo sano hortood, in kasta oo gobolka badankiisa Rooma haysatay Yuhuuddu wax ay lahaayeen maamul iyo nolol dhaqameed iyo mid diineed oo madaxbannaan. Wax ay se  u qaybsanaayeen mad'habo iyo dabaqado diin ahaan ka la tagay oo loollama: Kooxo dhaqanraac ah, kooxo dabaqad sare ah oo dadka diinta ku maala, kuwo Heykalka iyo xukunka awood ku leh iyo kuwo furfuran oo dawladda Rooma oggol oo la shaqaysta dadkoodana ku hanuuniya. Dabadeed Ciise ayaa soo baxay. Saddex amuurood oo waaweyn baana mihiim ah duruufta Ciise ka soo baxay:

1. In dhulkii Yuhuudda Rooma gumaysato, taas oo ahayd dhiillo weyn.

2. In ay Yuhuudda ka soo baxeen dabaqado diineed, dhaqaale siyaasadeed oo dadweynaha aad u cusleeyay una arkay wax gef ku ah diinta iyo ballantii Alle.

3. In ay caqiidada Yuhuudda ku jirto filashada soo bixidda Masaaya kaas oo ah durriyaddii Daa'uud oo si kamadambays ah Yuhuudda u badbaadin doona, dunidana isaga ka dib sharku ka dhammaan doono.

Markaa Ciise markiiba wax ay is ku dhaceen dabaqadihii dhiigmiiratada ahaa, kuwaas oo in kasta oo ay dhexdooda col ahaayeen isaga colaadintiisa u heshiiyay. Dabadeed sidii ay ku dambaysay waad la wada yaqaan: in Ciise tiirka la sudhay iyada oo la adeegsanayo awooddii dawladda Rooma.

Ciise ka dib qodobbada mihiimka ah in la ogaadaa wax ay yihiin: Yuhuuddu maanta wax ay u qaybsan yihiin in Ciise u aragta nin sheegtay nebinnimo been ah (Masaaya been ah) iyo in yar oo u aragta in uu ahaa nin akhlaaq wanaagsan oo dadkiisa u damqaday oo doonayay in uu wax wanaajiyo. Taa beddelkeeda Masiixigu wax ay rumaysan yihiin in uu ahaa Masaaya oo run ah. Waan halka ay iyaga iyo Masiixigu ku ka la baydheen. Laakiin Masiixigu waa ay rumaysan yihiin diintii Yuhuudda oo Babaylkooda ayay ka mid tahay, tii Ciise ayay se gadaal ka raaciyeen.

Sannadkii 70 dhalashadii Ciise Yuhuudda iyo dawladdii Rooma waxaa ka dhex dhacay dagaal xun oo dadka Yuhuudda la gu jabiyay, Heykalkoodiina la gu dumiyay. Halkaasna ay dawladdoodii iyo gobannimadoodii ku dhammaatay. Iyagiina wax ay noqdeen dad dunida dacalladeeda ku ka la firdhay oo meel walba ku gumaysan. Sannadkii 1947 ayay markii kowaad 2000 oo sano ka dib dhisteen dawlad ay u bixiyeen Israa'iil oo ah magacii awowgood Yacquub, laakiin weli ma ay dhisin Heykalkii, waayo halkii ay ka dhisi lahaayeen Falastiinta baa haysata.

Qodobbo mihiim ah:

Diinta Yuhuudda la ma galo ee waa loo dhashaa, waqtigan casriga ahna qofka doona in uu galaa wax uu marayaa socdaal dheer oo ay adag tahay in uu ka gayoodo. Aakhiro ma rumaysna, wax ay se qabaan in kolka Masaaya soo baxo ayay nafihii wanaagsanaa oo dhami soo noolaanayaan dabadeed dunida dadku ku wada noolaanayaan nabad iyo barwaaqo abidi ah oo aan la ga dhimanayn.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS