Isbaddelka Cimilada Aduunka Oo Saameyn Ku Yeeshay Geeska-afrikaha Cusub, Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga Oo Il-gacal Ku Eegaya Mandaqada

0
Tuesday 3rd September 2019 12:42:16 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaddelka Cimilada Aduunka Oo Saameyn Ku Yeeshay Geeska-afrikaha Cusub, Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga Oo Il-gacal Ku Eegaya Mandaqada

    Mudooyinkan waxaan yara hakiyey Faalooyinkii mandaqada sababo hakad dhinaca Siyaasada Geeska oo iska shax-guursanayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudooyinkan waxaan yara hakiyey Faalooyinkii mandaqada sababo hakad dhinaca Siyaasada Geeska oo iska shax-guursanayd,

Balse ifafaalooyinkan soo baxaya usbuucyadan danbe ayaa waxay dib u istaadheen xaaladii iyo xamaasadii amuuraha gobalka yadoo ay sal-dhig u tahay Isbaddelka Cimilada Aduunka guud ahaanteed, "Climate Change And Global Warming", Oo inta ugu badan hada laga fikiro xal u helidiisa yadoo ay Fundka ugu badan ku bixiso Jimciyada Quruumaha Ka Dhexaysa.

Dunida badankeedu waxay ka Halaan-haleysaa Isbaddelka Cimilada oo meel barafley ah ayaa noqotey kulleyl halka meel kulleyl ahina ay noqotey barafley, Dhibaatadani ayey ku sifeeyaan qolada culimada degaanka ee " Environment Scienceka", Oo xusey sababtu iney tahay "Chemical Smokeska" ka baxaya wershadahan fara-badan ee qaarkood ay soo saaraan (Chemical Experimentska), Kuwaasi oo qiiqoodu yagleelo " Chemical and Physical Change", Baddelaya dabeecadii hore ee cimilada taasi oo barteedii ka guureysa.

Isbaddeladani waxay albaabo jaanis u fureen arimaha Dhaqaalaha Aduunka ee aadka loogu hirdamayo, Kuwaasi oo ay ku loolamayaan Quwadaha Dunida ama hagayaasha Siyaasada Iyo Dhaqaalaha aduunka oo u badan Reer galbeed, Mandaqada Geeska-afrika oo ah marin caalamiya ayaa hadaba loo baahdey iney ka mid noqdaan mishiinada wareejinaya Dhaqaalaha Aduunka yaga oo la isticmaalayo marin-biyoodyada uu gobalku leeyahay si lays kaga kala goosho isu-socodka dunida, Qodobkan ayaa fududeynaya gaadhida badeecooyinka Aduunka quutayaasha ah ee Quwaduhu ka ganacsadaan.

Dhinaca Cimilada geesku muu noqon mid uu Isbaddelkani si dhaba u baddelay jawigiisa Cimilo-gooreed balse waxa uu Saameyn ugu yeeshay qodobo Siyaasadeed iyo kuwa dhaqaaleed, Sida laga helay Hay,adaha Degaanka Geeska-afrika wax badan iskama baddelin hadii laga tagiwaayo waxoogaa Kul ah ayaa ku soo kordhey mandaqada, Wadamada Bariga Afrika ayaa ah kuwa intooda badani fahansan tahay amuurahani isla markaana u sii Gogol-xaadhanaya ka faa'iidaynta korodhka dhaqaale ee talaabooyinkani.

Maxaa Sal-dhig U Noqonaya Jaaniska Geeska Cusub, Waa Maxayse Geeskan Cusub Ee La Saadaalinayaa ????.

Qodobka ugu weyn ee Sal-dhiga u ah jaaniska ay wadamada Bariga afrika ka helayaan boratanka Ganacsiga aduunka iyo is-eryadka quwadaha aduunku waa Casriyeynta Xeebaha bariga afrika ee dhexaalka u ah dunida, Kuwasoo wadiiqo u noqonaya tar-tanka ganacsiga dunida wax-soo-saarta si ay suuqyo uga helaan dunida wax quudata ee Bariga afrika ka midka yahay, Iyo sidoo kale "Raw Material", U badan saliid iyo shidaal. Ku imanaya nidaamka (Geography Scholarsku), Yidhaahdaan "Continental Drifts or An Earth Slope" ama janjeedh dhuleed oo dhawaan la filayo.

Xeebaha bariga afrika waa marino aduunka intiisa ugu muhiimsan laysaga kala gooshi karayo, Tusaale ahaan waxa ku yaala marinta "Red Sea" oo xuduud la leh "Pakistan gulf" , "Indian Ocean" iyo waliba "Middle Eastka" Oo ay ka mid yihiin xadka dhinaca Waqooyi-bari ku leedahay "Persian Gulf", Sidaa awgeed waxa fududaanaya isku gudubka alaabaha ganacsiga ee aduunku is-weydaarsanayo.

Sadaalaha ugu danbeeyey Ee la xidhiidha Saliida iyo Shidaalka ayaa laysu waafaqey iney Bariga afrika ku imanayaan qaab janjeedh dhuleed ah oo ka dhacaya xudunta Khaliijka, Waa asbaabaha mandaqadani loo xiisaynayo waayo wadamo aan imika lahayn "Oil and Petroluem Well", ayaa yeelanaya dabeecad "Geography" ahaan.

Waa kaasi xiisaha loo qabo Geeska-afrikaha cusub ee la naawilayo mustaqbalka dhaw, Yada oo ifafaalihii ka muuqdo Shirerka Caalamiga ah ee Ganacsiga wadamada China iyo America u fidinayaan madaxda wadamada geeska yada oo lagu qabanayo wadanka kale laguna xifaaltamayo qaab qarsoon si aaney quwaduhu u dareensiin wadamada soo koraya.

Waxa muuqata waqti-xaadirkan soo shaac-baxa hujuunka amuurahani kuwaasi oo ay tartamayaashu isu maan-dhaafsan yihiin qorsheyaasha ku aadan mustaqbalkan ganacsi ama dhaqaale ee marinkiisu yahay Bariga afrika, Lana rabo in isaga laf ahaantiisa laga faa'iideysto waa mandaqada'e.

Geesta kale Geeska cusubi waa mid ku dhismaya fahanka quwadaha aduunka waxa laga dhaxlayo waayo Dawladaha gobalku waxay kala raaci doonaan danahooda waxaaney kala kulmi doonaan waabari cusub oo la bilaabmaya istaraatajiyadaha ay kala taageeraan. Waxa abuurmi doona Gobal kala mudan oo ku kala duwan aragtida isla markaana ku kala adeg dhinaca dhaqaalaha sababtuna ay tahay isfahanka iyo dheefta, Halkaa waxa ka soo baxaya kala bislaansho dhinacyo badan iyo sii kala fogaansho saaxiibo is garabsada.

Geeska cusubi waa mid jaangoynaya Dhaqaale badan oo aduunku yeesho iyo waliba suura-galka Suuq dunidu wax ku kala iibsato, Waayo maanta suuqa dunidu ma,aha quute alaabeed ee waa dilaal u dhaxeeya dunida iyo dalelka soo kobcaya, Hadaba suuqyadani waxa saameeyey Cimilada aduunka ee fadalka u qaybisey jawiga cusub. Geeskani waxa uu noqon doonaa mid la koriyo maanka umemka ku dhaqan si ay ula jaanqaadaan dunida yo macaamilaadka dhex maraya.

Gunta iyo gaba-gabada faalada waxaan ku af-meeri doonaa Bulsho ahaan waxaynu nahay umad ku dhaqan marin-biyood muhiima waliba kuwa ugu qaalisan Geeska-afrika, Hadaba waa inaan fahanaa Isbaddelka ka socda gobalka si aan qayb uga noqono Geeska cusub. Aragtideena waa inaan balaadhinaa oo aan ka fikirnaa waxa ka socda Gobalka dalkeenu ka midka yahay, Waa inaynaan ku mashquulin dalkeena oo kaliya balse aan la fahanaa isbaddelka geeska si nolosheena iyo xalka mustaqbalkeenu u fiicnaado.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalysts.

Gabiley/Somaliland.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS