[DEG DEG] Faaffaahin Ku Saabsan Qarax Lala Eegtay Generaal Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya

0
Monday 9th September 2019 12:18:07 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG] Faaffaahin Ku Saabsan Qarax Lala Eegtay Generaal Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya

    [DEG DEG] Faaffaahin Ku Saabsan Qarax Lala Eegtay Generaal Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[DEG DEG] Faaffaahin Ku Saabsan Qarax Lala Eegtay Generaal Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya




Qarax ka dhashay miino lagu xidhay baabuur ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, ee magaalada Muqdisho.

Sida la ogaaday gaadhiga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliya oo la sheegay in dhaawac uu soo gaadhay.


Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xidhiidhka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.

Gaadhiga la qarxiyey ayaa ahaa nooca loo yaqaano sarufta, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid Jeneral Dhoore loogu dhejiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca gaadhay uu ahaa mid culus.



Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay.


Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa gaadhay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

 


Loading...
LATEST NEWS