Maxaad Ka Taqaana Maalinta Ka Hor-taga Is-dilitaanka Adduunka?

0
Tuesday 10th September 2019 12:33:47 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaana Maalinta Ka Hor-taga Is-dilitaanka Adduunka?

    Maxaad Ka Taqaana Maalinta Ka Hor-taga Is-dilitaanka Adduunka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ka Taqaana Maalinta Ka Hor-taga Is-dilitaanka Adduunka?



Maanta oo ah10-ka bisha sagaalaad (September) waxa ay ku beegan tahay maalinta ka hor-taga is-dilka (World Suicide Prevention Day).


Macluumaad ay baahisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayay ku sheegtay In ka badan 800 000 oo qof ay is-dilaan sannad kasta taas macnaheedu waa in 40-kii ilbidhikhsiba qof isku dilo adduunkan.

Is-dilka ayaa ah kiiska labaad ee sababa dhimashada ugu badan ee da’da dhallinta ah ee u dhaxaysa 15-29 jir marka la tago shilalka.

Warbixintan ayaa sheegtay in 79% is-dilitaanku uu ka dhaco waddamada dakhligoodu hooseeyo.




Arrimaha sababa is-dilitaanka ayaa waxa ka mida: ciladaha maskaxda, werwerka, isticmaalka daroogooyinka , khamriga, kallinnimada, takoorka, xidhiidhada burburay, dhibaatooyinka dhaqaale, xanuunada joogtada ah, rabshadaha, xad-gudubka, iyo khilaafaadka.

Ugu dambayn hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay soo jeedisay in laga caawiyo dhallinyarada barashada xirfado ay iskaga caabiyaan cadaadiska nolosha iyo in si dhow looga war hayo dadka doonaya inay is-dilaan kuwaas oo xidhiidh joogta lala yeesho wakhtiyada dhow iyo xilliyada fogba si looga baajiyo is-dilkaasi.


Tixraac: https://www.who.int/news-room/events/detail/2019/09/10/default-calendar/world-suicide-prevention-day-(wspd)

W/Q: Mubaarik Gabyaaye

Email: [email protected]
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS