Madaxweyne BIIXI Oo Maanta Ka Qayb Galaya Qalin-jabinta Jaamacada Camuud & Dareeno Siyaasadeed Oo Ka Taagan Boorama.

0
Wednesday 11th September 2019 08:51:05 in Wararkii Maanta by Xafiiska Burco
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne BIIXI Oo Maanta Ka Qayb Galaya Qalin-jabinta Jaamacada Camuud & Dareeno Siyaasadeed Oo Ka Taagan Boorama.

    Madaxweyne BIIXI Oo Maanta Ka Qayb Galaya Qalin-jabinta Jaamacada Camuud & Dareeno Siyaasadeed Oo Ka Taagan Boorama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne BIIXI Oo Maanta Ka Qayb Galaya Qalin-jabinta Jaamacada Camuud & Dareeno Siyaasadeed Oo Ka Taagan Boorama.


Hargeysa(Karin News)-Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri, haddii Alle idmo.




Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa maanta la filayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda.



Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan.



Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus.

 


Loading...
LATEST NEWS