Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Caddeeyey in Lagu Hawlan Yahay Sidii Biyo ku Filan loo Siin Lahaa Bulshada Wajaale

0
Thursday 19th September 2019 08:47:25 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Caddeeyey in Lagu Hawlan Yahay Sidii Biyo ku Filan loo Siin Lahaa Bulshada Wajaale

    Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Caddeeyey in Lagu Hawlan Yahay Sidii Biyo ku Filan loo Siin Lahaa Bulshada Wajaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Caddeeyey in Lagu Hawlan Yahay Sidii Biyo ku Filan loo Siin Lahaa Bulshada Wajaale









Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa booqasho ku tegay magaalada Wajaale ee ka tirsan Gobolka Gabilay, halkaas oo laga wado mashruuca biyaha lagu gaadhsiinayo bulshada magaalada ku dhaqan.



Safarka Wasiir Koore ku tegay Wajaale shalay, ayaa la xidhiidhay kormeer uu ku soo maray qaybo ka mid ah mashruuca biyo-ballaadhinta ee ka socda Degmada Wajaale, iyadoo uu soo indho-indheeyey qaabka la doonayo inuu u shaqeeyo mashruucaasi, isla markaana wax looga qaban lahaa baahida dhinaca biyaha ay u qabaan bulshada reer Wajaale.

Wasiirka Horumarinta Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii magaalada Wajaale loo gaadhsiin lahaa biyo ku filan, maadaama ay hadda qayb ka mid ah bulshada Wajaale ay helaan biyo nadiif ah oo macaan, isagoo ballanqaaday inay ku dedaali doonaan sidii ay dadka reer Wajaale u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah.




"Reer Wajaale waxa aan leeyahay kuwo kale oo aannu hadda meelo kale ka bilawnay way jiraan oo ceelal soke ah, waxaanan rabnaa in ceelasha soke qudhooda ilayn fikirku iskama taagnaadee oo maalin walba waxbaa la helaaye, markaa ceelasha soke qudhooda waxa aannu rabnaa in aannu ka dhigno kuwo biyaha siiya Wajaale. Qaar ayaannu hadda kormeeraynaa, qaarna waa kuwo ay Wasaaraddu Beeruhu markii hore qodday, laakiin markii dambe wax ayaa la iska weydiiyey oo waxa jira mid ay hadda ku jiraan oo isagana waannu eegaynaa biyaha xaddigooda. Markaa maadaama ay Wajaale tahay degmo ku taal xuduudka oo ganacsigu aad uga socdo in aannu muhiimad ahaan buuxinno oo meeshii markii hore noogu mudnayd in aannu biyaha siino waxay ahayd Berbera oo Berbera biyaheedii waannu dhammaystirnay, meesha labaad ee aannu rabno in aannu biyaheeda dhammaystirno waa Wajaale, maadaama ay dad badan ama ummad badan oo aynu isku degaan nahay ama dalka Itoobiya ah oo aynu nahay laba Wajaale (daanta Wajaale ee Somaliland iyo daanta Itoobiya) waxa aannu rabnaa in aannu dhinaca Somaliland ee Wajaale dareemin in kuwa kale biyo helaan iyo iyaguna aanay biyo helin. Markaa waannu ku talogelaynaa, waanan waddaynaa biyahaas Wajaale inta aannu awoodno oo dhan,” ayuu yidhi Wasiirku.





Degmada Wajaale waxa hore looga hirgeliyey xarunta kaydka biyaha, iyadoo haddana lagu hawlan yahay biyo-gelintii guryaha iyo meheradaha ku yaal gudaha Wajaale, halka sidoo kale la dhisay kaalmaha biyaha ee loogu talogalay inay dadku ka helaan biyaha qasabadaha ee macaan.




Dhinaca kale, Wasiirka Horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), waxa uu kormeeray ceel-biyood ay Wasaaradoodu ka hirgelisay Banka Wajaale, iyadoo ay bulshada halkaas ku dhaqan si xooggan u soo dhaweeyeen ceelkan oo laga helay biyo macaan oo wada gaadhi doona bulshada degaanka Banka Wajaale.




Sida uu sheegay Wasiirku, ceel-biyoodkan oo ay hirgelintiisa ku guulaysatay Wasaaradda Horumarinta Biyuhu, waxa uu meesha ka saarayaa baahi ay bulshada iyo duunyada Banka Wajaale u qabeen biyo macaan, iyadoo ay dadka degaanku arrintaas uga mahadnaqeen Wasiirka iyo Wasaaraddiisaba.

Loading...
LATEST NEWS