Goorma Ayaynu Qaan Gaadhaynaa!? Aficanku Maba Qaan Gaadho!!

0
Thursday 3rd October 2019 09:42:45 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Burco
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma Ayaynu Qaan Gaadhaynaa!? Aficanku Maba Qaan Gaadho!!

    Umadi waxay ku horumartaa isku duubni,midnimo iyo wadajir katurjumaya danta guud iyo masiirka umada ama dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadi waxay ku horumartaa isku duubni,midnimo iyo wadajir katurjumaya danta guud iyo masiirka umada ama dalka.

Taas oo ka madaxbanaan dan cid gaar ah u adeegaysa , cidgaar ahi adeegsan karto ama cid gaar ah loogu adeego,lakiin ah marjaca ugu danbeeya ee muwaadinkasta ku qasbaya inuu danihiisa ka hormariyo danta guud ee lawada leeyahay,si loo helo umad isku meel u socota.

 

Tariikhdu waa Oct.2019 qarnigii 21aad.

Iiraan waxay tijaabinaysaa gantaalaha qaaradaha isaga goosha !.

Mareykanka iyo Jayne(Chine) waxay ku hirdamayaan sidii midwalbaa awooda dhaqaale, awooda milatery ee dunida oo dhan u hogaamin lahaa !.

Yurub (Europe) iyada hadalkeeda daa 500 oo sano kahor ayay hooyadii kacaankii wershedaha ee dunida u soo saartay ahayd !.

 

Sidee baynu maskaxda uga dhaadhicinaa inaynu ahayn qowmiyad ama bulsho dad ahaan,jidh ahaan iyo maskax ahaanba lamid ahayd,qowmiyadahaa tanaaday ee dunida ka arimiya maanta iyo shalayba. Ma maskax ahaan,jidh ahaan iyo dad ahaan ayay inaka fadilanyihiin????

Kaama yeelayo waxaynu ahayn xoolo dhaqato, ugaadhsato iyo dad reer miyi ah. Taa waxa beeninaysa tariikhaha umadaha kale soo mareen, ma reer yurub baan shalay xoolo dhaqato ahayn, ma America ayaan boqolaal sano ka hor la helin,ma Chine ayaan 50 sano ka hor fakhri ahayn???

 

Canaanan maayo awoowayashii qarniyadii hore dhintay, sikasta ha ka noqotee iyagu maanta ifka ma joogaan.

 

Waxan layaabanahay 70 jirada maanta inoo ku arimiya,siyaasad ahaan,dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba,ee ay ahayd inay ina kawacdiyaan fashilka noloshoda iyo waxa kaliifey ee ay dhigooda dunida uga hadheen.

Iska daa inay inaka wacdiyaan tusaalooyina ina ka siiyaan dariiqaa iyaga, iyo innaka oo dhalin-yartii ahba dhigeena ina ka reebay. Waxayba inoo garaacayaan durbaanka kala qoqobka,caddaalad darada, qaraaba kiilka iyo qabyaalada kumanaanka sano soojirtay taasi oo hooyona u ahayd guuldarooyinkii 21 qarni soo socotay. Hadaad eegto dhanka ay hogaaminta siyaasadeed,mid dhaqan iyo mid dhaqaale hormuudka inoo ku yihiin waa mid aynu ka dheehan karno kala aarsi siyasadeed, mid dhaqaale iyo mid dhaqanba qabyaaladuna kow katahay.

 

Waxan dhalin-yarada Somaliland ama Somalida kaleba ugu baaqayaa in aynaan marin jidkaa xambaarsan guuldarada daleed,bulsheed,sharafeed iyo shikhsiyeedba ee ay weli innaku tababarayaan aabayasheena 70jirsadey ee guuldarada guusha u yaqaan.

Waxa nasiib wanaag inoo ah inaynu dhalin-yaro ahaan ka dheregsanahay jidkaa 21 qarni guuladarada hooyaada usoo ahaa madhaxa laga dhaxlayo.

Garan maayo dariiq ama faa'ido khasab innakaga dhigaya inaynu bulshada qabiil iyo reero ku kala calaamadino. Hadii nin walbaa oo innaka mid ahi magaca qabiilkooda lacag ama mustaqbal damaanad qaadaya xaquuqdiisa shaqsiyadeed ku helayo waxa innaku waajib ah inuu ninkastaa qabiilkiisa dusha kusito. Hadiikale-se miyaa! majiro midab qaabaa'il ahaan,dhaqan ahaan, luuqad ahaan iyo diin ahaanba uu midkastaa midka reerkoda ah ku garanayaa. Hadiiba aynay jirin maxaynu uga baahanahay qabiil afka uun ah miyaanay ka wanaag sanayn inay sumadeenu ahaato Afka,dhaqanka,midabka iyo diinta.

 

waxan ku soo gebagebaynayaa asaagen waynu ka hadhnaye dhigeena dunida aan latartano. Hogaamin siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid awoodeedba oo lagu midaysantahay aan dhaxal uga dhigno jiilka danbe.

 

waa markeenii!! 2019

 

#qarnigii_dhalin_yarta21

 

W/Q: Saleiman Hussein Sandhere

 

Email: [email protected]

Tel: +252634442769



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS