Daahirada Diin Ka Bixidda ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika Cabdifataax Xasan Maxamed "Barawaani"

0
Saturday 5th October 2019 11:37:38 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahirada Diin Ka Bixidda ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika Cabdifataax Xasan Maxamed "Barawaani"

    Hordhac Bariga dhexe ama si guudba ah waddamada Carbeed, iyo Geeska Afrika oo ay ku dhaqan tahay ummadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac Bariga dhexe ama si guudba ah waddamada Carbeed, iyo Geeska Afrika oo ay ku dhaqan tahay ummadda


Soomaalidu ayaa ah kuwo qarniyo badan oo fac ka fac ku suntanaa dad diintoodu ama rumeysadkoodu uu yahay Islaam. Diintaasna aan beddelin, oo ka dhigtay sidii caadada iyo dhaqanka la iska dhaxlo. Se is beddelkii xoogganaa ee ka bilawday Galbeedka, oo ka soo bilaabmayey qarnigii 15-aad iyo 16-aad. Kaas oo ka dhashay diinta Masiixiga oo la jaanqaadi kari waydday daah'furradii kala duwanaa ee aqoonta casriga ah. Iyo wadaaddadii diinta Masiixiga oo la bah noqday xukuumadaha dhiig'miiratada ah ee ka jiray Galbeedka. Ka dib kacdoonkaas aqoonta lagaga xoraynayo dabarrada diinta Masiixiga iyo calool'dillaacinta wadaaddada iyo xukaamta dulmiga badan ee is bahaystay, ayaa waxa ka dhashay hab dhisyo kala duwan oo aan haba yaraatee wax diin ah shuqul ku lahayn.

Sidaa si la mid ah kolkii guumeystuhu ku soo duulay waddamada Bariga Dhexe ee ay burbureen boqortooyooyinkiii Muslimiintuna, waxa uu ka dhaqan geliyey dalalkaas dhaqankii iyo ilbaxnimadii Galbeedka oo badhax tiran. Ummadaha Muslinka oo kolkii hore diintu dhaxal uun ka ahayd, oo ninka keliya ee ogaal buuxa u leh uu ahaa wadaadka, ayaa waxa ay shacabkii isu beddeleen laba qolo: Kuwo aan diinta muhiimad gaar ah siinin, oo qaatay dhaqanka Galbeedka. Iyo kuwo aasaasaay kooxo Islaamiyiin ah oo raba in ay soo celiyaan khilaafadii Islaamka, iyaga oo xalka u arkayey khilaafada burburtay soo celinteeda. Balse aan is wayddiinin dhibaatadu waa halkee? Ma khilaafada burburtay baa mise waa asalka diinta iyo hab-fikirkeeda?

 

Gudogal

Dhaqdhaqaaqyadii Baraarujinta Islaamka

Qarnigii tagay horraantiisii, waxa dalka Masar ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyadii ugu horreeyey ee loogu magac daray baraarujinta Islaamka ama Muslimiinta. Taas oo ujeedka ugu weyn ee ay lahaayeen uu ahaa soo celinta khilaafada Muslimiinta. Dadyowga Muslinka ah ee Bariga Dhexe bilawgii dar'darkaas xooggan ee loogu magac daray "الصحوة الإسلامية" waa ay raaceen, iyaga oo ka rejaynayay dhaqdhaqaaq baahiyadooda uga jawaabi doona. Se waxa uu noqday mid lagu hungoobo, oo weliba dhibaato labaad oo macangagnimo iyo xagjirnimo diineed ah dib u abuura. Dhaqdhaqaaqyadaas oo Geeska Afrika soo gaadhay toddobaatamaadkii, xilligaas oo ay ahayd xilliyadii ay dacwaddaasi ugu xoogganayd ayaa iyaguna noqday kuwo beddelay dhammaan hab-fikir diineedkii ka jiray halkaas.

Soomaalidii ku dhaqnayd Geeska Afrika oo mad'hab ahaan haysatay Shaaficiyo Axkaamley ah, oo diintu wadaadka mooyee maqal ku tahay bulshada inteeda kale. Caqiido ahaanna haystay Ashaaciro, halka dariiqo ahaanna ay haysteen dariiqyo kala duwan oo Suufiyo ah sida: Axmediya, Qaadiriya, Sayliciya, Saalixiya, iwm. Waxa gebi ahaanba loo beddelay caqiido Wahaabiyo oo Sucuudiga ka soo bilaabantay qarnigii 18-aad. Dhammaan dalalka Muslimkana waa lagu faafiyey Fikirka Wahaabiga, oo ay maal'gelinaysay dawladda Sucuudigu. Sideetamaaadkii ayaa dacwaddii loogu magac daray baraarujinta Islaamka, waxa ka faa'iidaystay dawladaha Galbeedka iyo Maraykanka, kuwaas oo u arkayay xoog lagu adeegan karo si loogu jebiyo garabka Hanti-Wadaagga ee Ruushku hoggaamiyo. Kaas oo xilligaas rabay in uu qabsado dalka Afgaanistaan.

Sucuudiga oo ahaa isha shidaalka ee fikirkaas ayaa bilaabay dar'dar xooggan oo jihaad lagaga bilaabayo dalkaas Afgaanistaan, loogana hortagayo awoodda Soofiyeetka ee Ruushku hoggaamiyo. Wixii kaalmo ahna waxa bixinayay garabka Hanti-Goosadka ee Maraykanku hoggaamiyo, iyo xataa dadyowga Muslinka ah ee magaca jihaadka wax ku bixiniya, taageersanaana dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ee Bariga Dhexe. Boqorka hadda ee Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis waxa uu ahaa xilligaas dhaqaale uruuriyaha jihaad ku-sheegga Afgaanistaan ee Soofiyeetka looga soo horjeedo.

Ugu dabmeyn Midowgii Soofiyeetka waa la jebiyey, waana uu burburay oo kala firdhaday. Dhallintii xamaasaddu haysayna kolkii dantoodii laga gaadhay, waa la iska tuuray oo magacyo kala duwan ayaa loo bixiyey. Illaa ay ka soo gaadheen heerka maanta ay marayaan ee Daacish, Al-Qaacida, Al-Shabaab, Nusra, Boko Xaaraam, iwm. Sidaa si la mid ah ayaa Soomaaliyana ay soo martay, oo fikirkanna loogu faafiyey toddobaatamaadkii. Kolkii ay dawladdii dhexe dhacday 1991-kii, dhallintii la carbinayey waa tii seefaha galka ka saartay, ka dib is beddelo kala duwan oo kooxaha dagaallama ee Soomaaliya soo mareen ugu dambeyn waxa ay maanta noqdeen Al-Shabaabta aynnu aragno.

 

Fashilkii Dhaqdhaaqyada Islaamiyiinta

Dhammaan dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta ee bilaabmay qarnigii hore ee tagay, waxa ay ku wada fashilmeen in ay keenaan hab-fasir diineed oo ka turjumaya baahida dhex taalla ummadda Muslinka. Isla sidaas oo kale ayaa Qoraaga reer Siiriya ee Dr. Maxamed Shaxruur waxa uu dhiganihiisa "Islaamku Waa Asal iyo Sawir" uu ku tilmaamay hadal u dhignaa sidatan: "Gaabka bannaanaaday ee dadyowgii Galbeedka ilbaxnimadooda raacay, iyaga oo aan is waafajin ilbaxnimada Carbeed ee Muslinka iyo ta Galbeedka, taas oo keentay in ay fashilmaan loona arko dadyow qalaad oo shisheeye ah, ayaa waxa gaabkaas ka faa'iiidaystay kooxaha Islaamiyiinta ah oo iyaguna gaabkii bannaanaday ka buuxiyey diin dhaxaltooyo ah oo aan waaqic ahayn, oo ummado hore hab-fikirkoodii iyo sida ay u noolaayeen ka turjumaysa uun".

Haddaba fashilka ku dhacay kooxaha Islaamiyiinta ah, ee bulshada gadh'wadeenka u noqday, ayaa waxa ay isku darsadeen fikir diineed aan waaqica la nool yahay ku jaango'nayn iyo xagjirnimo ay weheliso argagaxisanimo dharaar iyo habeen wax lagu kharbudayo, taas oo huwan magaca diinta. Arrintaasi waxa ay horseedday in bulshooyinkii Bariga Dhexe ee Muslimiintu ay ka didaan diinta Islaamka iyo wixii ku abtirsada. Waana arrinta keentay in laga baxo diinta, oo ama diimo kale la galo ama in bilaa diin ay noqdaan dad badan oo hore Muslin u ahaa. Arrintan oo aan keliya Bariga Dhexe ku ekayn, ayaa sidoo kale Geeska Afrikana ka jirta ama ummadda Soomaalida. Taas oo maanta laga war hayo Soomaali ka baxday diinta Islaamka, oo labadaas qolo mid uun noqotay. Isla qodobadaas aan soo sheegnay ee dadyowga Bariga Dhexe ay diinta uga dideen ayaa Soomaaliduna uga didday oo laga wada siman yahay.

 

Fikirka Diineed ee Maanta iyo Heerka La Nool Yahay

Maanta hab-fahamka diineed ee ka dhex jira bulshooyinka Muslimka ah, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ma yahay mid ka turjumaya oo ku habboon heerka aynnu nool nahay? Waa wayddiimaha mudan in la isu wayddiiyo. Sideedaba fikirrada diineed ee Islaamku waa kuwo soo bilaabmay xilli cayiman, oo aan mar walba ka turjumi karin heerka la joogo. Tusaale ahaan: Fiqiga Islaamka oo afartiisa mad'hab ee kala duwanba ma aha kuwo la hana qaadi kara xilligan. Sababo badan awgood, oo ay ka mid yihiin: In dhammaantii fiqigu uu ku saleysan yahay dhaqankii iyo hab-nololeedkii ka jiray Jasiiradda Carbeed iyo nawaaxigeeda xilligaas.

Hadday noqon lahayd: Nikaax, Dhaxal, Xuduudo la oogo, hab-dhiska bulshada loo baahan yahay, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xataa nolosha shakhsiga ah, waa kuwo aan la socon karin xilligan aynnu nool nahay. Kolka aan lee yahay lama socon karaan heerka aynnu nool nahay, waxa aan u jeednaa waa fiqiga ee diinta badhaxa tiran nafteeda ma aha. Farqi baana u dhexeeya diinta iyo fahamka la fahmay. Diintu waa nusuus qalalan, oo badhax tiran. Halka aqoontan kale ee fiqigu ka mid yahay ay yihiin fahamkii la dhugtay nusuusta diinta, oo saxmi kara ama khaldami kara. Mana jiraan wax lamataabtaan ka dhigaya in dib loo toosiyo oo la waafajiyo hab-nololeedkeenna maanta.

Fiqiga oo ah qeybta ugu ballaadhan ee dib u toosinta u baahan, waxa soo raaca waa fasirka Quraanka, oo isagu ah halka ugu xooggan ee fikirrada diimeed ka dab qaataan. Tafsiirku waa isla sida fiqiga oo kale, oo nusuustii Quraanka ahayd oo la dhugtay weeye. Fasirka aayadaha la saarayana ma noqon karo mid ku habboon xilli kasta iyo goob kasta. Buggaagta tafsiirrada ee maktabadaha Muslinka ka buuxda, waxa ka dhex buuxa kumanaan khalad oo cilmi ah—oo wadaaddadu tab iyo maaro aan af-miishaarnimo iyo ta'wiilin mooyee ay wax kale u waayeen. Isla arrintan waxa la mid ah Xadiisyada oo iyaguna ah qeybta ugu baaxadda weyn ee saamaysa diinta iyo ku dhaqankeeda. Sugnaan la'aanta xadiisyadu iyo halbeegyada loo dhisay si loogu kala haadiyo ayaa iyaguna aan ahayn kuwo maanta ka turjumi kara heerkeenna. Kumanaan xadiis oo la saxiixiyey xilli hore, ayaa maanta been ah oo ama Quraanka khilaafay ama caqliga ka hor imanaya, ama tijaabo rasmi ah. Ama si guudba noqon kara ku tiri kuteen aan sinnaba bulshooyin ka baxsan Jasiiradda Carbeed uga gadmi karin.

Isku soo wada xooriyoo dhammaan hab-fahamyada diineed ee Islaamku ma aha kuwo ku jaango'an xilligan maanta la nool yahay. Waana sababaha ugu waaweyn ee horseeday in laga dido diinta, oo laga yaaco. Qofku hadduusan helin diin waafaqaysa heerka uu ku nool yahay, ee horumar iyo garaad kor ah, ma jirto sabab ku sii qasbi karta in uu rumaysad aanu ku qanacsanayn uu ku sii jiro. Waxa ayna u wada muuqdaan fikirro diineed oo dhacay, kuna munaasib ahayn in lagu dhamqo maanta, ama diin laga dhigto oo la kaydsado.

 

Dhaqdhaaqyada Cusboonaysiinta Fahamka Diineed

Kolkii Islaamiyiintu ay ku fashilmeen in ay keenaan xal buuxa oo ah lagu buuxiyo gaabka bannaanaaday ee soo food'saaray bulshooyinka Muslinka ah. Waxa isla dhacdadaas ka dhashay dhaqdhaqaaqyo labaad, kuwaas oo ka soo bilaabmaya sideetamaadkii qarnigi hore. Dhaqdhaqaaqyadan oo magacooda guud uu yahay "التنوير" ama "Iftiimin ama bidhaamin". Ayaa u jeedkooda ugu weyn waxa uu yahay in la helo Islaam la jaanqaadi kara dunida horumartay ee maanta. Kana madhan fikirro dhacay, iyo maro ku-dhegnimo diineed. Labadan qodob oo ah kuwii horseeday fashilka kooxaha Islaamiyiinta.

Qodobadaas dib u toosinta u baahan ee aynnu tilmaamnay, iyo kuwo kaleba ayay dhaqdhaqaaqyadani u heellan yihiin in ay saxaan. Dhaqdhaaqyadani ma aha sidii kooxaha Islaamiyiinta, oo amiir iyo wixii la halmaala ama urur ma leh. Balse, waxa ay u badan yihiin shakhsiyo iskood isu xil qaamay, oo qoraal iyo afba fikirradooda ku dhiibta. Iyaga laftooda dadyowgan dhibaatada ugu weyn ee haysata waxa ka mid ah: in aysan ahayn dad nabad'gelyo buuxda heli kara, oo badankooda waa la dilaa inta taariikhda ku xusan. Tusaale ahaan: Ustaad Maxamuud Daaha, Dr. Faraj Fooda, iyo qaar kaleba waxa ay ka mid ahaayeen tanwiiriyiintii qarnigii tagey ugu dambeynna waa la dilay.

Caqabadaha kale ee haysta waa in ay iyaga laftoodu qaar ka mid ahi talax tageen, oo wax aan shaqo iyo shuqul toona isku lahayn ay isku sidkeen. Quraan badan iyo Saynis badan oo kaaf iyo kala dheeri ahna ay gadhka isu geliyaan qaarkood. Waxaana meeshaa ka soo baxa Quraan-Saynis ah, ama buug Saynis ah. Hadhowtana haddii wax ka mid ahi aragtiyihii Sayniska ahaa iska beddelaan aan tab iyo maaro loo helayn. Waana muhiim in la kala garto waxa saynis ah iyo waxa diin ah, oo aan la isku qasin. Qodobka ugu weyn ee loogu aayi doono waa in ay diintii ka saareen yeedhiskii lagu yaqaannay wadaaddada. Taas oo ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee wax ku oolka ah ee ay hore u qaadeen.

 

Gunaanad

Sideedaba kala duwanaanshaha diintu waa wax tan iyo intii diimuhu bilaabmeen ka jiray dunida guudkeeda. Mana jiri doonto xilli ay dadka adduunka saaran oo dhami ay hal diin wada aaminaan. Balse qodobka mudan in dhug loo yeesho, ayaa waxa uu yahay in dad walba diintooda ay toosiyaan, oo dib u saxaan. Wixi deel'qaaf iyo iin ku ahna ay ka fogeeyaan, haddii lagu darayna ay ka saaraan oo ka hufaan. Si ummadda rumaysan diinta Islaamku u hesho nabad iyo horumarna waa in ay haggaajiyaan fikirrada diinta ee ka dhex jira. Bulshooyinka Muslinkuna illaa ay toosiyaan diintooda, oo ka dhigaan mid ilbaxnimada iyo horumarka dunida la jaan'qaadi karta mooyee, si kale uma heli doonaan waxa ay rabaan iyo yoolka ay hiigsanayaan. Dib u dhaca iyo jahliguna waxa uu noqon doonaa wehelkooda rasmiga ah.

Gunta iyo gebagabadu waxa ay tahay daahirada diin ka bixidda sababta ugu weyn ee horseedday waa arrimahaas aynnu soo falanqeynay. Si guudna ah gaabka bannaanaaday oo la waayey cid buuxisa, iyo wadaaddo isku dayey in ay buuxiyaan gaabkaas oo ka buuxiyey khuraafaad iyo fahamyo duuggoobay, oo aan sinnaba ugu habboonayn heerka la nool yahay. Arrintaasina ay sababtay diin ka bax aan xad lahayn oo soo food'saaray bulshooyinka Muslinka ah. Xalka keliyana waxa uu yahay, waa xididdada fahamyada Islaamka oo haggaajin iyo dib u sixid lagu sameeyo, lagana haadiyo oo laga hufo wixii u qalmi kara bulshada garaad ahaan iyo horumar ahaan iyo diin ahaanba. Wixii intaas ka soo hadhaana, la xooro si dhib dambe oo ka dhasha looga feejignaado.




 

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed "Barawaani"
Email:[email protected]


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS