KAASHKII SOMALILAND YAA LIQAY!!!? Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

0
Saturday 5th October 2019 11:42:24 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KAASHKII SOMALILAND YAA LIQAY!!!? Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

    Waxa taariikhda ku suntan siddii loogu diirsaday soo bixitaankii noodhka adag e ummadda reer Somalilad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa taariikhda ku suntan siddii loogu diirsaday soo bixitaankii noodhka adag e ummadda reer Somalilad



leeyihiin, taasi oo ku beegnayd wakhti adag iyo xaalado qalafsan oo lagu jiray dagaalo uurku taalo xun ku yeeshay dhamaan inta sammaha jecel.

Halka dad badani doodo adag kaga soo horjeedeen in la hirgaliyo lacagtaasi taasi oo ay ku sabbabeeyeen in sixir barar uu dhici doono iyo in aanay jirin dawlad adag oo maamusha, waxaana laga hortagay is hortaag adag iyo ku jiqsii ilaa maalin dhawayd ay soo gaadhay in Burco laga baddallo oo loo maaro waayo in laga hirgaliyo gobollada bari gaar ahaan.


Waxa jiray in barigaas nin maqaalo ku qoray jaraaidka uu kaga soo hordeedo taasi oo uu aad ugu naqdiyay hirgalinta Lacagtaasi, balse waxa maalin si kadisa loogu yeedhay in uu yimaado Madaxtooyada oo Marxuum Cigaal Allaah ha u naxariistee uu ku doonayo, fajac iyo amakaag ayaa ku dhacay waanu u qaadan waayay,

Balse wuu ka qayb galay kulankaasi Cigaalna waxa uu amaanay qaabka uu u taxliilyay Lacagta iyo saamaynteeda dhaqaale ee suuqyaa lacagaha lagu kala gadiyo.

Madaxwayne Cigaal waxa uu xasuusiyay saxiibkaa in arragti fog uu ka leeyahay arrintaasi oo aanu marnna aqballayn in SUUQA BAKARAHA laga xukumo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee reer Somaliland, waxa uu kusii daray waanu ognahay in sixir barar dhici doono balse balaayo taa kawayn baanu ka gaashaamanaynaa.

Saaxiibkii oo aad madaxa u luxaya garawsaddayna arrinta iyo qiimaheeda ayaa kasoo baxay Qasrigii Cigaal.

Waxa iyana xusid muddan in ganacsatadii barrigaasi ay hiil iyo hoo la agtaagnaayeen dawladii Somaliland ee wakhtigaa ku beegnayd, taasi oo dakhliga iyo kala socodka dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay ku tiirsanaayeen ganacsato uu u magac dheeraa Ibraahim Dheere oo markabkii u horeeyay Barbara kusoo xidha dalka keenay una horseeday Caalamku in ay kusoo dhiiradaan.

Takale sidda dad xog'ogaali sheegeen Gaar ahaan Oday Muuse Dalab waxa lacagta Soomaaliland lacagtii lagu soo daabacay jeebkiisa ka dhiibay ganacsaddahaa aan soo xusnay, halka ganacsato kale oo reer soomaliland ah oo bari iyo galbeedna hawsha dhinacooda u hayeen waxaan isaga u xusay waa qaybtii libaax ee uu lahaa maahanna mid marag iiga baahn ama aan si hoose ugu xaglinaayo.

Waxa muuqata in ganacsataddaasi ay lacagtooda la barbartaagnaayeen Xukuumadihii dalka soomaray.

Taa badalkeedana bulsho waynta reer Somaliland waxay helleen Dawlad adag oo aay ku diirsadeen galdaloolooyin ha jiraane, hadhkii dawladnimona waxa uu gaadhay meelo fog fog halka dhawaaqiina uu gaadhay dacalada dunidoo dhan.

Haddaan si toosa ugu soo gundda dago ujeedada qoraalka oo ah KAASHKII SOMALILAND YAA LIQAY, runtii waa dood dadku ku kala arragtiyo duwan yihiin, waana sida caadiga ah wax ku abuuran Aadamaha waxaase jira in waxkasta oo la sheegayo in loo hayo caddaymo cadcad lagana dheeraado ku tidhi ku teenta iyo wararka suuqa ee ujeedooyinka gaarka ah leh iyo hebel jeclaysiga,

Markastana waxaa muhima in miisanka la saaro dhacdooyinka waaqaca ka dhacaya iyo saamayntooda dhaqaalaha iyo Amaanka ummada ahba.

Waxa dad badani ku doodaa in Baanka Somaliland intii uu Geeriyooday Marxuumkii hore Craxmaan Ducaale in loo maara laayahay qaabka loona noolaado gadgadiska suuqyada lacagaha Somaliland,

Taasi oo uu khabiir ku ahaa Marxuumkaasi si xirfadlehna ulla macaamili jiray xaalad kasta oo dhacda, waliba wakhti jawigu ka adkaa kana kakanaa kan hadda jiray,

waxa maqan guud ahaan saamayntii Baanka ee ahayd in uu Maamulo hababka maaliyadeed ee Dalka siyaasad ahaan iyo dhinaca shuruucda iyo kala haggida shirkadaha maaliyadeed ee dalka ka jira iyo kuwa samaysmi doona,

Waxa laf dhuun gashay baankii ku noqday in uu ku dawakho dakhliga Dawlada oo u dhiib iyo sii uun uu ka dhexeeyo iloobayna in uu yahay Aabaha Mamaamulka Maaliyada dhextaal Dalkan curdinka ah ee Soomaaliland la yidhaahdo.

Tusaale Maxkamaduhu sida ay u shaqeeyaan waa qaab madax banaan oo daboosha dhamaan baahiya dacwadeed ee dalka, sidaa si lamida ayaa looga baahnaa in uu Baanku dhabarka u rito dhamaan hawlaha maaliyaddeed mid dadwayne, dawladeed iyo tu shirkadaha gaarka loo leeyahayba.

Sidaa daraadeed dadka qaarbaa ku dooda in bulushawayntu tahay cidda kaliyee hagrattay Baanka waayo way aamini waayeen oo waxay lacagaha ku kaydsaddaan qaabab ay iyagu doorbidaan.

Doodaasi oo si toosa u weeraraysa bulshawaynta ayaa marka loo kuur gala aad dareemaysa in wax badan run kayihiin, waayo qofku haddi aanu qarankiisa qiimayn qarankiina qiimo ma yeelanayaan.

Dhamaan haayadihiisa u addeega bulshawaynta ee ka madhan macaashdoonka cid gaara, waana waajib qofwalba saaran in uu xisaab ka furto Bangiga si dawlada tiiftu uga fuqdo,

Haddii kale cabbashada dhaqaale marna kor looga toosi maayo, waana warran ku taagnaan doona illaa bulshadu dareento u haggar bixida iyo la shaqaynta haayaddaha dawlada oo ah hantida kaliya ee ka dhaxaysa reer Somaliland. Waxa la yidhaahdaa (ruqe ninkii lahaa dabada hayaa miyuu kacaa).

Dood saddexaad baa jirta oo si toosa farta ugu fiiqda shirkada Maaliyadeed ee dalka ka jira, balse waxa laga rabbaa dadkaasi sifayn cad oo cilmiyaysa.

Waxa iyadu aan marna la dafiri Karin in baahida ugu way nee in Baanka Dhexe ee Somaliland in uu si fiican u shaqeeyaa ay danta ugu wayn ugu jirto dadka lacagaha iyo Maaliyadaha Maamula.

Waayo haddii shuruucdii kala hagi lahayd iyagu isku dhex yaacdo yaa kala gurrayaaya Shirkada gaarka loo yahay, waayo dalku wuu korayaa ee qaabkan ii hay hadhawna isii ee xisaabaadka loo maamulaa mashaqaynaayo.

Macaamiishuna way korayaan oo waxay u baahanayaan adeeg addag oo ay isku hallayn karaan, waliba ta kasii daran waa haddii ay yimaadaan Shirkado shisheeye oo dibada ka socdaa.

Shirkadahaasi Su'aasha ugu horraysa ee ay ina waydiinayaan waa Shuruucda Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo ka Maaliyadeed, dee may inna waddaysaa sheekadan Caasha Qushida dumarkana aan la kaftamee.

Haddaba hadii gorafkii aynu ku maalayna Maandeeq aynaan wadda ilaashan Bulsho, Dawlad, Ganacsato in loo wadda gunttado siddii loo wadda toli lahaa, cidwalibana meesha ku began ee ay joogto laabta usiidayso sidii danta gaarka ah looga hore marin lahaa ta guud ee innawadda saamaysa.
 
Odaayaashii reer Somaliland Dawlad bay inoo dhiseen Allaah baana inoo suurta galiyay, dee in aynu si xirfadleh oo Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamka ee waafaqsan shareecada waa in aynu ku dhaqanaa .

Waliba dunidu manta waxay noqotay edag kaliya, waxaan jira dad badan oo dunida Islaamka iyo dadka kale dunida lasoo macaamilay, waxaa looga fadhiyaa wixii ay soo dhugteen in ay inoo soo dheegaan.

Dawladana waxaa martti looga yahay in ay dhagaha u furto, bulshadana waxaa la gudboon in ay gudoomaan wixii lasoo go'aamiyo laguna Adeeco dawlada wixii aan Allaah ka cadhaysiinayn.

Taasi waxaan fillayaa in ay tahay wadda wacan waxaana jira waddooyin badan oo ka wanaagsan oo bulshada dhexdeeda ceegaaga balse ciddii rumayn lahayd la laayahay, taansina waa mid hortaala dadka hanka leh iyo kuwa hadda kuraasta fadhiya.

Gabagabdii in wax la dhaliilaa waa shay fudud balse in wax la dhaqaajiyaa waa shay addag,

Waxaana ka adag dadka ka adkaada ee dhaqaajiya rumeeyana riyadooda ay ku riyoodeen, sida looga baxayaa waa arrin dulsaaran dhamaan dhinacyada aan soo sheegnay.

Oo Hasha kaliye ee aynu wadda maalnaana waa waxa casrigan loo yaqaan Dawlada. in dhinacyaduna si hoose isku xantaan oo hoosta la iskaga dusiyo ama cidiba cidda kale ku riixdaa waa waddada guul darrada.

Geesinimadduna waxay ku qurux badan tahay in qofkastaa qoortiisa saaro masuuliyada ku beegan mid qof qofa iyo mid koox kooxa.

Waana in laga yeeshaa talo qarran haddii uu shilinku qiimo dhaco waxa qiimo dhacaya mid ka mida tiirarka ama dhaabadaha ugu culus ee Dawlad casriya wakhti xaadirkan lagu tilmaansaddo.

guuldaraduna qofkasta gurigiisa ayay ugu soo hoyan, waxaan aad ula yaabay nin ka mida sariflayaasha oo ku callaacalay sida ay lacagtu u qiimo dhacayso haddan la af qaban xaalada lacagta ee hadda, ninkaasi waxa uu ku tiraabay oo sheegay in wax kasta lagu kala iibsado Dollar,.

Waxa wax lala yaabo ah iska daa dunida fog foge waddamada aynu jaarka nahay dadwaynahooda qaarbaan waligoodba arrag waxa doolarka layidhaahdo oo idaacadaha uun ka maqla.

Sida uu ii sheegay nin macalin noo ahaa waxa doolarka iigu horaysa markaan hargaysa imid.

Takale waxa dalka ka dhoofay xoolo nool oo kor u dhaafay 2 milyan haddana Dollarkii inyar muu liicin, waaba yaabka yaabkiisee iyadoo uu aad hoos ugu dhici jiray xaaladahan oo kale ilaa heer uu gaadho in qiimihiisa uu waayo ku dhawaad 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) maanta inyar muu hinqan.

Waxa intaas gaaska dabka ku sii shiday in dhamaan Dolllarka Dibada laga soo diraa uu toos ugu tago ganacsattada oo qofka loo soo diray iyo Dukaanka ama Bakhaarku af iyo gacan isku noqdeen.

Halkii wax lagu iibsan lahaa Lacagta Somaliland oo sharaf iyo karaamadeenu ku jirto, sidaa daraadeed suuqii wax lagu kala sarifan jiray meeshuu kasii baxayaa waxaan dhacday in wax kastaa noqdeen af iyo gacan.

Runtii dhinacyo badan way ka fiicantahay balse dhaqaalaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha siday u saamaynaysaa weeyaan waydiintu waana arrin u taala doodeedu dadka aqoonta durugsan u leh gadgadiska suuqyada iyo sarifka sida ay u saameeyaan quutal daruuriga qaataa ma dhargaha iyo dadka ladan.

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS