Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa? Maxayse uga dhigan tahay Hugaamiyeyaasha Wadamada Geeska.

0
Sunday 6th October 2019 11:48:41 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa? Maxayse uga dhigan tahay Hugaamiyeyaasha Wadamada Geeska.

    Maqaalkan oo aan jecelahay in aan kaga hadlo arimaha beryahan dambe figta ugu sareysa kaga jira siyaasadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan oo aan jecelahay in aan kaga hadlo arimaha beryahan dambe figta ugu sareysa kaga jira siyaasadda




caalamiga ah (International politics) khaasatan wadamada quwadaha waaweyn iyo wadamada awoodaha gobolka ah (Regional Powers) waxa igu dhaliyey ka dib markii aan daawadey filim soo baxay badhtamihii gu’gii 2018 oo la yidhaahdo howlgalka badda cas (Operation in the Red Sea) ee ciidamada badda ee dhulwaynaha Chinaha, filimkan oo si waafiya uga waramaya hanka iyo rabitaanka wadanka china ka qabo inu ka muqdo fagarayaasha siyaasadaha ee dunida weliba in uu ka qaato door hugaamineed. Sidoo kale waxa sna I xasusiyey maqaal kooban oo aan dhowaan dhigey barteyda Facebooga oo aan uga magac dhigey (All Veto Powers stand at the threshold of the Horn of Africa) ama ‘quwadaha leh diidmada fiitooda oo dhamaan wada taagan irrida geeska Afrika’ ama.

Dagaalkii labaad ee dunida waxa soo baxay laba quawadood oo waawayn oo kala hugaaminaya siyaasadihii dunida ee bariga iyo tii galbeedka, waxa hormuud u ahaa siyasadda hugaaminta beriga wadan weynihii midowgii soofiyeet (USSR) iyo xulafadeedii WARSAWkuwaas oo ku duulaya argatida midigta fog ee ku qotontey nidaamkii hantiwadaaga. Halka dhanka dunida galbeedka u hayay hugaanka wadanka Maraykanka iyo xulufadiisii NATO kuwan oo ku dullayay hal abuurkii siyaasadda ku qotonta hanti-goosi (Capitalism view). Quwadahan oo noqondey wadamadii guushu raacdey dagaalkii dhibta badan dunida ka soo gaadhey ee labaad, waxa markiiba soo baxay tartan dhul balaadhsi ah iyada oo xulufo kasta ibinayso fekerkeedii sidoo kalena mid walba rabto in ey hesho wadamo badan iyo saaxiibo kale o ku soo biira aragtidoo isla jeerkaana la iibgeeya siyaasadaha nidaamkoodu xambaar san yahay.Rabitaanka quawadahan waxa ka dhashay waxa loo yaqaano dagaalka qabow (Cold War), nidaamkan siyasadda dagaalka qaboow waxay si cad ugu xaglin jirtey horjoogayaasha labada quwadood oo dabcan ah maraykanka iyo Russia, siyasaddan dagaalka qabow oo kala ilaalin jirtey in sitoos ah dagaal fool ka fool ah isaga hor yimaadaan ama waxa loo yaqaano (Nuclear war) labadan wadan ee waawayni.

Kala feejignaanta wadamadan waawayni waxay keentey in ey isu adeegsadaan wadamo yar oo midba mid la safan yahay taas oo abuurtey aragtida halista badan ee dagaalka wadamada yar yar (Proxy war). Bilogii tobonalihi sagaashamaadkii ama dhamaadkii qarnigii labtaanaad (20thcentury) wadan weynihii Sofiyeetka (USSR) oo ahayd quwadii budhtuurka u ahaydbulshada bariga ayaa meesha ka baxdey, xulufadii Warsaw ayaa burburtey iyada oo inta badan wadamadii beriga Europe qalalse badan ka dhacey taas oo ey u weyneyd dagaalkii Balkaanisku (Balkan War). Arinta burburka Reer barri waxay siisey fursad mar la arag ah wadamadii ku abtirsan jirey NATO khaas ahaan wadanka Maraykanka iyo xulafdiisa u horkacayey, waxey meesha ka saartey feejignaan badan iyo hanti badan oo reer galbeedku ku bixin jireen howlgallada mukhaabaraadka, istiraatiijiyadda iyo maalgelinta ciidamada kala duwan, khaasatan waxaa hoos loo dhigey miisaaniyadii lagu bixn jirey siyaasadda amuuraha dibedda ee wadamadaas.

Sidaa si lamid ah, burburkii Dhulweynihii Sofiyeetku waxa ey khasab ka dhigtey wadamo yaryar oo marki hore la safnaa xulafadda Russia in si isdaba yaac iyo qulqul ah ugu biiraan quwada markaa keli jirta ee NATO isla jeerkaana ey qaataan nidaamka ku dhisan hantigoosadka ee ra’sumaaliga ah. Bulshooyinkan badidoodii waxaa gacan taagero oo ku saabsan dib udhiska maamulka, hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaale isla garab taagey wadamadii reer galbeed ee ay la qaateen markan aragatidooda, waxa si wey usoo baxay nidaamka Dimuqraadiyadda (Democracy system), iyada oo arintaasi dhalisey yididiilo dhaqaale iyo soo kabasho nololeed oo ey helaan dadka ku hoos noolaa nidaamkii hantiwadaaga.

Wadamada geska Afrikana kama duwanyn wadamada eynu soo sheegney ee Beriga Yurub (East Europe) , Asia, Bariga Dhexe iyo badda cas waxeyna xudun u ahayeen dagaalka fidsiga istiraatijayadeed iyo saaxiibtinimo ee quwadihii loolamayey, Jamhuuriyaddii Burburtey Ee Somaliya waxey kubiirtey nidaamka reer bariga kolkaas oo ey kacaankii dalka ku qabsadey inqilaabka aan dhiigu ku daadan ee u hugaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre kusoo rogeen dalka nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan (Scientific socialism),dhinaca kale wadanka Ethiopia oo muddo dheer ku hoos jirey nidaamka boqortooyada (Imperialism) waxa isna ka dhacay inqilibaa xisbigii Derg, kula wareegay talada dalka markaaso oo hugaamiyihii inqilaabka ee Mengistu si bilaa shuruud ah dalka ugu biiriyeey nidaamka reer bariga ee looga talinaayey Moscow, isbedlkan ka dhacay beriga africa waxey ku soo beegantay wakhti istaraatijiyad ahaan looga gacan sareeyey Soofiyeetka dhanka wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe, markan waxa gacanta Russia ka baxey Wadanka Masar oo ku yaala bogcad muhiim ah oo uu dhaco marin-biyoodka mashquulka badan ee Suweys (Sues Canal), kusoo biiritaanka Wadamada Somaliya iyo Ethiopia ey kubiireen quwaUSSR dii reer barri waxay dabka kusii shidey hiradankii iyo loonlankii militeri, ganacsi, siyaasdeed, iyo mabda’eed (Ideology) ee labada xulufo u dhexeeyey waxayna ka dhigtey geeska Afrika bogcad cusub oo si weyn indhaha caalamku ugu soo jeestaan.

Burburkii midowgii soofiyeetka iyo kala firidhkii quwadii reer bari ee WARSAW waxaynu nidhi waxa meesha ka baxey maalgalinti badneyd ee wadanka US iyo xulufadiisu ku bixn jireen siyaasaddooda amuuraha dibedda khaasatan arimaha khuseya dhegdhegaynta. Arintani waxa soo saartey in lagu war helo khatar kale oo kasoo baxdey dunida carabta iyo geeska Afrika, dhalinyaro jihaad doon ah ayaa abaabulo badan oo ka dhan ah reer galbeedka sameeyey, waxaanay abuureen jawi cabsi gelinaya quwadaha reer galbeed ee gobolka markan si nabdoon rabey in ey uga fushadaan danahooda. Markan waxaa soo baxey wixii loo yaqaaney dagaalka ka dhanka ah argagixisada( War On terror) oo maraynkanku mar kale hormuud u yahay, wadamo badan oo aduunka ah khaasatan beriga dhexe, koonfur Bari Asiya, iyo beriga Afrika waxa sitoosa isaga hor yimid jahaad doonka oo dhinac ah iyo argagixiso la dagaalanka oo dhinac kale ah, waxa mar labaad Khasab noqotey in reer galbeedku feejgnaatoodii hore ee amniga iyo danahooda siyaasadeed ee dibedda sare uqaadaan, waxey sababtey amuurtani mar kale kala qeybsan dunida oo idil ah, burbur hantiyeed, khasaare nafeed iyo qalalaase cusub oo dunida ku riday jaahwareer darey ah (New World Disorder).

Badhtankii Sanadkii 2018 Wadanka Maraykanku wax uu dib u eegay siyaasdiisa arimaha dibedda (USA Foreign Policy) ka dib markii khubaradii maraykanka ee arimaha dibedda iyo amnigu isla qaateen in siyasadii ka dhanka ahayd Argagixisadu maraykanka ku keentey hoos udhac dhaqaale, istaraatijiyadeed iyo nacayb dadkiisa looga qaado dunida badankeeda, isla jeerkaana arinatni Maraynkanka ku sababtey dib-udhac weyn oo dhanka hugaaminta dunida ah, waxey lagama maarmaan noqtey in dib loo qaabeeyo siyaasadiisa ku wajahan araimaha dibadda oo markan meesha ka saaraysa dagalka ka dhanka ah argagixisada iyada oo lagu bedelayo siyaasadda istiraatiijayadda dhuleed (Geopolitics strategy).

In kasta oo Geesku yahay meelaha ugu xasaradda badan dunida, hadana mandaqadda muhiimka ah ee uu ku yaalo ayaa ka dhigtey meel in badan soo jiidata dareenka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, faaliyeyaasha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda iyo diblumaasiyasdda iyo guud ahaan hugaamiyeyaasha dunida.

Aan dib ugu soo noqdo ujeedadda maqaalkan oo ah mid aan kaga jawaabayo suaasha eynu ku bilowney dooda maqaalkan.

Maxey daarran tahay xifaaltanka ka socda geeska? Dabcan suaashan oo ah mid aad u baaxad weyn una baahan in si mowduuciya oo dhan walba ah layska taago gun iyo baarna loo derso, waxan u maleynayaa in hal, laba maqaal eynaan ku koobi Karin, hase yeeshee waxa lagama maar maan ah in eynu wax ka nidhaahno oo aan dhowr qodob oo runtii muhiima ka tibaaxno sababta ka dambeysa iyo ujeedooyinka keenaya is-hirdiga ka jira geeska Afrika iyo wadamada Bariga dhexe oo aad moodo in beryahan dambe isku hal mid laga wada dhigo (One Block) marka laga faaloonayo amuuraha is shabaha ee labadan gobol mateeneyey.

Sadex qodob ayaa sal u noqonaya sababta keentay in geeska iyo badda cas noqoto bogcad xafiiltan iyo tartan xadhkaha goostey ka jiro.

1.Tartan istiraatijiyaded iyo Military

Burburkii Dhulweynaha Ruushku waxay garoonka u xaadhay in jamhuriyadda dadka ee Shiinuhu ku soo biirto loonalanka qaabeynta siyaadaha caalamiga iyo ka muqashada fagaarayasha laysku arko, koror dhaqaale ayaa ka dhacay wadankan kadib markii wax ka bedel lagu sameeyey siyaasadisii ku salaysneyd suuqa xidhan ee shiinaha oo u wadanku u guuray siyasadda suuqa furan (Free Market) taas oo horseeday in tiro ka badan 400 oo million oo qof oo muwadiniinta shiinuhu ka baxaan saboolnimadii ey kujiraan oo ey ku biiraan bulshada derejada dhexe-sare ee dhaqaale, wershadaha yaryar iyo wax soo saarka xadhkaha goostey ee dadka Shinuhu sameynayaan waxa ey ka dhigtey wadankan in uu noqdo mid si weyn loo ixtiraamo. Muddo toban sano kabadan wadanka shiinuhu wuxu si weyn u maalgaliyey ciidamada qalabka sida guud ahaan gaar’ahan ciidamada badda (China Navy).

Sababta ugu weyn ee maalgalinta loogu sameynayo ciidamada badda ayaa ahayd in ey ilaliyaan shixnadaha waaweyn ee shiinuhu u dhoofiyo wadamada khaliijka iyo afrika iyo sidoo kale saliida ugu badan ee shinuhu soo dhoofsado oo marta marinka mashquulka badan ee baabal mandam (Bab el-Mandeb Strait).Arrintani waxay khasab ka dhigtey shiinaha in uu saaxiibo kuyeesho wadamada geeska iyo bada cas si ey ugu suura gasho fiditaanka ganacsi iyo military ee wadanku dhabaha qaadey. Wadanka Djibouti waxa markii ugu horeysey shiinuhu ku yeeshey saldhiga ciidamada badda (Navy base for the first time in its history), arintani waxey sas ku keentey wadamada reer galbeedka waxayna sababtey in wadanka maraykanka khasab ku noqoto in uu bedelo qaab aragii siyaasadeed ee arimaha dibadda (Reshaping US foreign policy), midan oo ka dhigtey geeska afrika meel tartan juqraafiyad siyaseed oo darani ka jiro kaas oo u dhexeeya quwadaha waweyn.

Marinka mashquulka badan ee baab-Elmandeb ee ku yaala badda cas wuxuu ka dhigey mid ey si furan ugu dagaalamaan tartankeeda wadamada dhaqaale ahaan iyo quwad ahaanba dunida ugu horeeya, markan gobolka waxa Marykanku ku soo noqdey tartankii badda cas iyo geeska isaga oo la wadaagey wadanka Faransiiska saldhigiisa military ee Kaam De Lamour (Camp De Lamour) ee ku yaala wadanka DJibouti, Fransiiska, Jabaan waxey iyaguna hore ugu lahaayeen saldhigyo military isla markanna waxay sii fidiyeen galaangalkooda siyaasadeed iyo taagerada military ee ey ka geysanayaan wadamada geeska.

Dabayaaqadii tobanlihii qarnigan eynu ku jirno ee 21aad gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya waxa ka bilaambey dagaalka ka dhanka ah budhcad badeeda ka dib markii maraakiibtii ganacsiga ee isaga kala gooshaysey la kulmeen falal amaano darro oo ka dhacaya biyaha ku teedsan badda hindiya ee wadanka Somalia. Tiro badan oo maraakiib ah ayaa la qafaashey iyada oo saraakiishii iyo bad-mareenadii maraakiibtaa sarnaana madax furasho laga dalbadey si ey dib ugu helaan xoriyadooda. Arrinta budhcad badeedu waxey soo dedjisey in quwadaha waaweyn iyo wadamo badan oo kale oo xulufo wadaag la ahi soo farogeliiyaan dhacdooyinka amni darro ee ka jirra marinka ugu muhiimsan ganacsiga galbeedka iyo bariga aduunka.

Arrintani waxey fursad badan siisey wadamada Shiinaha, Ruushka iyo kuwo kale oo markii hore ka maqnaa tartanka geeska iyo badda cas. Tiro kabadan afar iyo afartan wadan (44) ayaa ku soo biirey howlgalka ka dhanka ah budhcad badeeda ee badweynta Hindiya iyo biyaha ku teedsan Somaliya. Markii ugu horeysey waxa wadanka Djibouti xarun ka dhigtey howlgalka midowga yurub (European Union Capacity Building Mission) ee ka dhanka ah falalka budhcad badeednimada iyo ka ganacsiga dadka. Muddo dheer oo indhah laga lalinayey ka dib, Geeska Afrika wuxuu mar labaad noqdey beegsiga reer Galbeedka iyo illaa xad bulshooyinka kale ee dunida.

Wadanka Turkigu wax uu la wareegey gacan ku heynta jasiiradda Suwakin (Suakin Island)ee wadanka Sudan taas oo khasab ka dhigtey in wadanka emiratka iyo Saudiga oo dhinac ah Iyana ey saldhig ciidamada ah ka yagleeshaan Assab,Eretria, dhaqaale badan oo fatahaada iyo in wadamada iyo sucuudigu Emiraatku door muhiim ah ka qaateen dib u heshiisiinta xidhiidhka wadamada Ethiopia iyo Eriterea ayaa waxey gayeysiisey hugaamiyaha wadanka Eritaria IsaiasAfwerkiinuu helo taageero dhaqaale oo aad u baaxad weyn taas oo ku heley kirooyinka ka soo gala saldhiga emiraatka ee Assab iyo qulqulka kale ee wadamadan qaniga ahi isla garab taageen, dhinaca kale kama yaryesan wadanka Ethiopia ka dib markii Iyana emiraatku ku wareejiyey lacag ka badan sadex billion oo dollar oo isugu jirta deyn iyo deeq si wadanka Ethiopia uga soo kabto hoose u dhaca dhaqaale iyo yaraanta wareega lacagta cadaanka ah ee uu sababey qulqulatooyinkii iyo rabshadaha siyaasadeed ee xukunka lagaga tuuray xisbigii talada dalka ku hayey ee TPLF(Tigraya Peoples liberation Front) oo ahaa xisbigii ugu tunka weynaa bahwadaagta xisbiga EPRDF(Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front).

2.TartankaGanacsiga Iyo Dhaqaale

Soo saarintaankii saliida bariga dhexe gaar ahaan wadamada khalijku waxey abuurtey in dunida kusoo biiraan quwad goboleedyo badan oo kusoo biira saaxadda siyasadda amuuraha dibedda, quwadaha ciidamada iyo trantanka ganacsiga wadamada aduunka. Kororka dhaqaale ee laga heley kheyraadka dabiiciga ah ee saliida ee ey hodanka ku noqdeen wadamada khaliijku waxey ugogol xaadhey in ey fidiyaan saameynta ey ku leeyihiin dunida badda cas iyo geeska afrika.

Korodhka dadka qaaradda Afrika oo ah mid xowli ku socda (250 Million 1950 1.2 Billion sanadka 2019) waxey ka dhigety qaaradan meel dunidu usoo tartanto. Geeska afrika oo ah albaabka bariga ee dunidu kasoo gasho qaaradda Afrika wax uu wadamada khaliijka, shiinaha, Turkey iyo wadamada kale ee bariga Asiya siiyey fursad ey ka halikaraan macaamiil badan oo ey ka gadaan badeecadaha iyo wax soosaarka wershadahooda.

Wadanka emiraatka oo dhinaca siyaasadda ganacsiga horkacaya xulafadda uu ku weheliyo Sacuudigu waxey markan fidsadeen saameyntooda ganacsi ee ey ku leeyihiin qaaradda Afrika siiba geeska afrika. Shirkadda weyn ee laga leeyahay wadanka emiraatka ee loo yaqaano Dubai Port World (DPWorld) waxey hormuud u noqatey ganacsi balaadhisga wadanka emiraatka, iyada oo heshiis balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Jibouti kula gashay heshiis wadanka Djibouti. Khilaaf baahsan oo kala dhexgalay DJibouti iyo Emiratku waxuu sababey in heshiiskii meesha ka baxo taas oo isla markiiba shirkadani qorsheheedii balaadhinta dekedda u leexisey dhanka iyo marsada Berbera ee Somaliland, shirkad faraco u ah isla shirkadda weyn ee DPW ayaa Iyana heshiis la gashey maamul gobeeldka Somalia ee Puntland si ey wax kabedel iyo balaadhin ugu sameyso dekedda Bosaaso, sidaa si lamid ah dekedda Kismaayana waxaa la wareegey wadanka Emiraatka.

Ka bixitaanka shirkadda DPWorld ee dekadaha DJibouti waxay fursad habeen dhalad ah siisiy wadan weynaha Shiinaha oo in door ahba deydayey marinka ganacsiga Afrika, wax uu si sahal ah ku heley dekeddaha DJibouti oo ah dal yar oo goob aad u istiratiiji ah dhaca, heshiiska baladhinta dekedaha jibouti iyo shiinuhu waxa u sii badiyey xamaasadda tartanka geeska ee dhinacyada Gancsiga, militariga, iyo galaangalka siyaasadda.

Dhinaca kale wadanka Turkiga wax uu la wareegay dekadda magaaladda Moqdishu iyo gegida diyaaradha ee Adan Adde Airport, damaca turkiga iyo siyasadiisa qorshaha fog waxa ey dib ugu noqnaysaa markii sanandkii 2011 raiisal wasaarihii markaa iminkana ah madaxweynaha Turkigu Rajib Erdigon ka degey magaaladda moqdishu markaas oo dadka Somalida abaar ba’ani ku dhufatey, taageero bini aadanimo oo turkiga iyo hay’adaha gargaarku ka geysteen abartaa daran waxey keentay in Turkiga iyo dowladda Somaliya isku noqdaan saaxiibo aad isugu dhow, arrintani waxey Turkiga siisey fursad u isku muujin karo siyasadiisa geeska iyo guud ahaan ganacsiga mustablaka uu la wadaago qaaradda Afrika.

Dhawaan bey ahayd markii garoonka Diyaaradah ee Moqdishu ee Adan Adde lagu qabtey sagaal malyuun oo dolloar oo ey sidey diyaarad gaar ah oo Emirate laga leeyahay. Inkasta oo imaaraadku ku dooday lacagtasi in ey usocatey ciidamadeeda gaarka ah ee ku sugan saldhiga Moqdishu kulaha Emiratku hadana dowladda Somaliya waxay ku doodey in lacagtaasi sharci daro ahayd meesha ey ku sucoteyna ahayd in lagu maalgaliyo gacmo hoose oo qalaalse kawada Somalia iyada oo somaliya la waregtey lacagtii.

Qabashada iyo la wareegida lacagtani waxay sababtey qarax diblumaasiyadeed iyada oo Emiratku kala baxdey ciidamadeedi kaga sugnaa moqdishu sidoo kalena joojisey gargaarkii iyo takuladii bini aadanimo ee ey ka geysan jireen gudaha Somalia. Degdega iyo salfudeydka Xulufada khaliijla khasatan imaaratka oo budhtuur uga ah dhanka istiraatijiyada waxay ku tusaysaa in aanay lahahyn aragti fog iyo qorshe hagaya damacooda mustaqbalka ee istaratijiyadeed. Emiratku waxa u saldhig ciidan ku yeeshey Somaliland, si u bedelka Moqdishu uga dhigto isaga oo balanqaadey in uu Somaliland ugu bedelayo marin isku xidhaya dekedda halbowlaha ah ee Berbera iyo xuduuda wadanka Ethiopia. Turkiga iyo Qadar iyo sidoo kale Iiran oo arimaha qaar ey ku midoobaan oo dhinac ah iyo Sacuudiga, Emirat iyo Masar oo dhanka kale ahi waxey faragelin qaawan ku hayan wadamada geeska Africa si ey uga fushadaan danohooda dhaqale iyo kuwa siyaasadeed ee aan tirada lahayn.

3.Tartan Mabaadi’ iyo Fekerka

Kala duwanaanshaha diimaha iyo qoomiyadahu waxey ka dhigtey wadamada geeska Afrika bogcadda ugu qalalaasaha badan qaaradda Afrika iyo guud ahaanba dunida. Fidintaanka mabaadi’da ku saleysan qoomiyadha iyo diimaha waxey saameyn taban ku yesheen hore usocodka wadamada geeska iyaga oo ka abuurey colaado gudaha ah iyo kuwo debedda ah (Inter and intra-state war).

Kor u kaca dhaqaale ee wadamada khaliijku iyo wadamada Iraan iyo Turkey waxey gobolkan ku keentey firqaddo diimeed oo kala taggan haba ugu sii daraadeen isdiidooyinka madaahibta Shiicada iyo Sunniga oo gobolka si xowli ah ugu fidayo is hirdigoodu. Fekerka wahaabiga oo la asaasmey boqortooyada Sacuudiga ayaa inbadan saameyn ku yeeshay nolsoha kumanyaal dhalinyaro ah oo kasoo aflaxa wadamada kahliijka iyaga oo usoo gudbiyey wadamada geeska ee muslimka ah khaasatan wadamada, Somaliland, Somalia, DJibuti iyo Sudan iyo xitaa wadanka Ethiopia aragtidoo fekradaha wahabiga ah ee Sunniga ku abtirasada. Aragtidan waxey intabadn is jiidhaan nidaamka dowliga ah ee ka jira wadamada iyo dadyowga muslimka u badan ee ku nool wadamadan.

Kacaankii guga carabta (Arab Spring) waxa u bilaabey in dhaqdhaqaaqa wahaabiga iyo shiicada ee gobolku si muuqda usoo baxo, arrintani waxey figta ugu sareysa gaadhey ka dib markii wadanka Sucuudigu taageeray dagaalka ka dhanka ah hugaamiyaha Suuriya ee Bashiir Al-Asad, halka dhanka kalena Iiran taagero ugu yaboohdey shiicadda faraha badan ee Baxreyn si ey xukunka ugala wareegaan boqrtooyada Suniga ah ee tirade yar.

Hase yeeshee arinta fidinta mabaadi’da diiniga ah iyo saameynta xagjirnimada dibedda laga keenay oo hadda umuuqata inay tahay mid baahsan waxey geeska afrika usoo gudubetey si darran markii dagaalka xuutiyinta shiicada ah ka bilaabeen wadanka Yemen oo kaabiga u saaran wadamada geeska.

Isbahaysi ka kooban wadamada geeska, bariga dhexe iyo dowladda Pakistan oo ey horkacayso wadanka Sacuudigu ayaa dagaalo ka bilaabey wadanka Yemen si meesha looga saaro halganka jabhadda hubeysan ee xuutiyiinta, dagaalkani waxa uu daaha ka feydey qaska u dhexeeya Aragtiyaha iyo aminsanaanta Sunniga ah iyo ta shiicadda iyo hirdanka siyaasadeed iyo military ee dhuxeeya wadamada Iiraan iyo Sucuudiga taas oo salka ku heysa cidda loo daba fadhiisanayo awooda gobolka bariga dhexe iyo wadamada islaamka iyo gacan ku heynta marinada qaaliga ah ee badda cas iyo marinka Humus.

Dhinaca diblumaasiyadda hadii eynu jaleecno, Sacudiga ayaa ugu deeqay bishii Januray ee 2016 wadanka Somaliya lacag dhan 50 MIliion oo doolar si uu xidhiidhka ugu jarro wadanka Iraan, codsiga sucuudiga waxa markiiba aqbalay xukuumadii markaa Somaliya ee xassan sheikh iyada oo xidhiidhka u jartey dowladda Iran safaaraddii ey ku lahayd Moqdsihuna alabaabada u laabtey. Dhinaca kalena wadanka Suudaan hugamiyihedii oo markaa xukunka heystey keligii taliyihii dhawaan laga ridey xukunka ee Omare Al Bashir waxey wadamada xulufada Khaliijku ugu yabooheen in uu xidhiidhka isna ujaro Iiraan taas oo marki uu talabadaa qadey abaalmarin diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo badanba kaga heley wadamada khaliijka.

Wadamada geeska wax ka jira kala qeybsanaan baahsan oo udhexeeya bulshooyinka wadamadan ku dhaqan, kala qeybsanaantaa oo salka ku heysa inatabadn qabyaalad iyo feker diimeed. Wadanka Ethiopia oo isagu ah wadanka uugu tirade badan xagga dadka wadamada geeska afrika, ayaa noqonaya wadanka saameynta ugu badan ee ey ku yesheen kala qaybsanaanta qowmiyadaha iyo diimaha maadaaba wadankan dadkiisu kala heystaan diimaha islaamka iyo Kiristanka. Arintani waxey ka dhigtey wadamada geeska mar walba kuwa losoo dhex maro kala qeybsanaantooda, taas oo wadamada dibedu u soo waaridaan fekaradaha iyo maba’diida ey xambaarsan yihiin.

Maxey uga dhigan tahay Hugaamiyeyaasha Wadamada Geeska tartanka ka jira gobolkeedu?

Sida uu warbixin kusoo bandhigey Prof Paul D.Williams oo ah bare sare oo ka dhiga arimaha caalimaga ah jamacadda Elliot qalaase ka badan 1500 ayaa ka dhacay qaaradda Afrika kadib 1991kii iyada oo in kabadan 400 oo qalaalsaha ahina ka dhacayo wadamada geeska ku yaala, taas oo ka dhigeysa in kabadan gobolada dunida kale oo dhan marka la barbar dhigo geeska.

Baro kac, soo galooti, qalalaase, nabad xumo, faqri iyo jahli badan ayaa ka dhigey gobolka geeska Afrika mid inta badan dibu-dhacsan. Samaaynta isbedelka cimilada, abaaro soo noqnoqda, iyo dagaalo ayaa in badan la hadhey bulshada ku nool geeska afrika. Saboolnimada iyo shaqolo’ aanta ka jirta wadamadani waxey dhalisey in dhalinyarada iyo jiilka soo korayaa qaxooti ku noqdaan wadamada galbeedka Yurub iyo Bariga Dhexe. Boqolaal da’yar ah oo baadidoonayey nolol dhaanta ta ka jirta wadamadooda ayaa bil walba ku halaagma safarka dheer ee u dhexeeya geerida iyo nolosha. Kuwo badan oo dhalinyarada muhaajirinnta ah waxey ku nafwaayeen badaha iyo saxaraha halka kuwo kalena madax furasho loogu qabsado wadmada galbeedka Afrika.

Sida uu qabo Alex De-Wall oo ah qoraaga buuga siyaasadda dhabta ah ee Geeska Afrika (The Real Politics of the Horn of Africa: Money, War and the Business of Power) qulqulka lacagaha xad dhaafka ah ee wadamada khalijka, reer galbeedka iyo hey’adaha maalgelinta caalmaiga ku qarqiyaan madaxda Geeska Afrika waxey ka dhigety in ey u hugaasamaan dalabyada iyo yeedhmooyinkakaga imanaya maalgeliyaasha debadeed si ey ugu fuliyaan danaha ey ka leeyihiin geeska taa bedelkeedana ey xukunka Iyana ugu sii hayaan iyaga oo iska ilaawa danaha dadkooda iyo hugaaminta toosan ee gobolka ey u horseedi lahaayeen si beri ka fiican manta uga dhaxlaan jiilasha soo socda iyo umadaha manta nool ee ku dhaqan wadamadan.

Madaabada ey jirto dhibaatooyin isbiirsaday, dowlad xumo iyo mamulo liita oo baahsan o badiba ka taliya wadamada geeska,taas oo ka dhigtey gobolkan mid aad ugu nugul farogelin siyaasdeed iyo mid meletari oo shisheeyi, waxa muhiim ah in hugaamiyeyaasha iyo waxgaradka wadamadani keeno xal waara oo lagaga saari karo dib u dhaca ka jira wadamadan geeska, samo kalintaas oo ey muhiim tahay in hormuud u noqdaan hugaamiyeyaasha siyaasadeed sidey u hiirgeliyaan.

Keenida horumar waara waxa asaas u noqoqn kara:

1. Ka qeybqaadashada siyasadda: dib u habeynta iyo dib u hagaajinta hay’adaha dowladda, ka qeybqaadashada siyaasadda iyo aayo ka tashiga arimaha masiiriga ah oo buslahadu iska wada dhex arkaan waxey siinaysaa fursad lagu horumarin karo arimaha bulshada, dowlad wanaaga iyo amniga ee wadamada geeska.

Saamaynta dhaqdhaqaaqyadan ayaa u keeni kara wadamada Suudaan iyo Ereteriya, Djibouti iyo Somalia inay badalaan siyaasadooda gudaha kuwaasoo hadda u baahan in dib u eegis lagu sameeyo. Waxay wali jira in Suudaan u baahan tahay inay hesho qaab ay ku soo afjarto dagaalkeeda sokeeye iyo inay Ereteriya abuurto dhiirigelin gudaha ah si markaa dhallinta waddanku u doortaan inay gurigooda joogaan halkii ay ka haajiraan.

Ka maqnaanshaha muwaadiniinta ee ka qeyb qaadashadda siyasadda taas oo ey dareemayaan in masiirkoodu uusan ku jirin gacanta cid kale ayaa ah caqabadda koowaad. Tani waxay leedahay qodobo dhowr ah Sida aan u fahano ee u qeexno dimuqraadiyadda, sida dhalinyarada iyo haweenku ay uga qeyb noqdaan aayo ka tashiga siyaasadda, sida dib udhis wadan loo sameyn karo, iyo sida ugu haboon ee kheyraadka iyo dhaqaalaha gobolka loogu qeybin karo si siman.

2. Iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed (Intergation on Economic and political in the regional states): abuuritaankaanka jewi wada shaqeeyneyd oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha, siyasadda iyo amniga waxey abureysaa fursado is aaminaadeed oo dhex mara wadamada geeska isla markaana waxey kordhineysaa is dhexgalka bulshada iyo koritaanka fogaan aragga hugaamiyaayaasha mandaqadda geeska.

Ku guuleysiga iskaashi waara oo dhaqaale waxa uu gobolka ka dhigi karaa mid ka faaideysta cudduda iyo xooga dadkiisa gaar’ahaan muruqa iyo maskaxda dihin ee dhalinyarada, iyo kheyraadka ceegaaga ee ku jira badaha iyo berriga ee aan wali sidii ugu habooneyd looga faaidaysan.

Hadii hugaamiyeshashu ku guuleystaan abuuritaankaanka jewiga wada shaqeyneyd waxa hubaal ah in meel isaga tiirin doonaan faragelinta shisheeya iyo kuwa sokeeye ee sida aan kala goa’ lahayn ugu haya deegaanka geeska afrika.

Haddii laga eego aragtida gobolka ee is aaminaad la’aanta, is-dhexgalka dawlad-goboleed iyo khilaafaadka ka dhasha gobolka, maqnaanshaha nabadda Geeska Afrika waxey horseedi doonata taariikh dheer iyo murugsananan dhaqaalaha, siyaasadeed, geeddi-socodka dhisidda dowladeed iyo isdhexgalka bulshada.

WQ: Saeed Hashi

Falanqeeya siyaasadda, Dilblumaasiyadda, Dhaqaalaha iyo Nabadda Geeska Africa iyo Bariga Dhexe.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS