Xaji Cabdi Xariir Cali Alle Hawnxariisto Raggii Ragga Aha Ayuu Kadabo Tagay.

0
Tuesday 8th October 2019 10:58:32 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaji Cabdi Xariir Cali Alle Hawnxariisto Raggii Ragga Aha Ayuu Kadabo Tagay.

    Hadalkiisi Cada Ee Cadaaladdu Lingaxa U Ahayd Iyo Doorkiisi Nabadda Ayaa Lagu Xasuusan Doona.. "Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkiisi Cada Ee Cadaaladdu Lingaxa U Ahayd Iyo Doorkiisi Nabadda Ayaa Lagu Xasuusan Doona.. "Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun".



Waxa magaaladda Hargaysa Caasimadda Somaliland, ku geeryooday Xaji Cabdi Xariir Cali Iid oo ka mid aha odayaasha tirada yar ee ka sii nool haldoorkii kaalin galka aha ee ka soo qayb qaatay dhammaan halganadii kala danbeeyay ee Somaliland soo martay, Xaji Cabdi Xariir Cali wuxuu aha Ganacsade, oday dhaqameed nabad taliye ah oo caan ku ahaa run sheegnimo, daacadnimo iyo hadal cadaan ay cadaaladdu lingax u tahay.

Xajigu wuxuu ku dhashay duleedka Degmada Daroor ee dhulka Soomaalida Itoobiya, goobta loo yaqaano "Shabeel - duulaa" Xaji Cabdi Xariir Cali wuxuu dhashay Sannadkii 1925kii, kaalin galkiisi kacaanimo wuxuu u dhaxeeyay Gobolada Togdheer iyo Maroodi-jeex, wuxuuna ganacsi ka aasaasay magaaladda Hargaysa oo uu ku caanbaxay.


Xaji Cabdi Xariir Cali tafiirtiisa uu ifka kaga tagay oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen waxay gaadhayaan 73-Ruux, oo uu kamid yahay Ex Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Maanta ayuu xaqii Alle u yimi Xaji Cabdi Xariir Cali Iid waxaana lagu aasi-doona Maalinta Barri oo Salaasa ah 9-kaa Subaxnimo xabaalaha Haleeya. Waxa marxuumka laga qaadi doonaa haddii Alle idmo Guriga Ex Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo ku yaala xaafada New Hargaysa kana danbeeya Saldhiga New Hargaysa.

Alle Hawnaxariisto Cabdi Xariir Cali iyo intii Muslin ahba.

Tusan..

Muniir Axmed Cigaal .
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS