Sharciyaqaano Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Awooda Sharci Ee Madaxweynuhu U Leeyahay Cafiska

0
Wednesday 9th October 2019 08:12:56 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciyaqaano Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Awooda Sharci Ee Madaxweynuhu U Leeyahay Cafiska

    Sharciyaqaano Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Awooda Sharci Ee Madaxweynuhu U Leeyahay Cafiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharciyaqaano Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Awooda Sharci Ee Madaxweynuhu U Leeyahay Cafiska



Sharciyaqaano Reer Somaliland ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay awooda uu Madaxweynaha JSL u leeyahay cafiska iyadoo uu shalay Madaxweyne Biixi Cafis u fidiyey qayb ka mid ah ciidankii uu hoggaaminayey Korneyl Siciid Cawil Caarre, isla markaana uu Madaxweynuhu sheegay in aanu awood u laheyn in uu Sarkaalkaasi cafiyo.Ugu horreyn, Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Xuseen Maxamed Jaamac Ballal, ayaa faahfaahin ka bixiyey awooda sharci ee uu Madaxweynaha JSL uu u leeyahay Saamaxaada iyo Cafiska waxaanu yidhi, "Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu wax saamaxo oo Dastuurka ayaa awoodaasi siiyey oo ah qodobka sagaashanaad farqadiisa 5aad ayuu ku leeyahay saamaxaad iyo cafin ba”.




Garyaqaan Xuseen waxa uu jawaab ka bixiyey dareenka bulshada ee ku aadan in Madaxweyne Biixi uu awood u leeyahay Cafinta Sarkaal Caarre ee uu ka gabanayo, "Marka hore arrinta laga hadlayaa waa arrin ciidan ee maaha mid shicib waxaana labadaasi u dhexeeya Akhlaaq”. Ku xigeenka Garyaqaanka Guud waxa kale oo uu intaasi ku daray, "Ciidanku wuu ka duwan yahay habka loola dhaqmayo Qof Shicib ah markay tahay Sarkaal Ciidan oo ka goostay Ciidankiisii oo ka soo hor jeestay, markaa Madaxweynuhu kuma degdegayo cafintiisa iyo tallaabada uu ka qaadayo oo sharciga ayaa loo eegayaa oo sharciga Ciidanka ayaa loo eegayaa”.



Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Xuseen Maxamed Jaamac Ballal, waxa kale oo uu tilmaamay halka ay mareyso hawsha Jabhada Caarre ee ay dorraad natiijo ka soo saareen Odey Dhaqameedyo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, "Arrintaasi 80% runtii way dhammaatay oo maaha in la sii siyaasadeeyo, waxaana muhiim ah in la fahmo in Ciidanka iyo Shicibka uu farqi u dhaxeeyo oo ah inuu jiro Dhisibiliin Ciidan oo la marayo, markaa Madaxweynuhu isagoo awoodihiisa isticmaalaya waa ka shalay Cafiyey qayb ka mid ah ciidankaa, maadaama oo uu Ciidankaa cafiyey Korneylkaa (Caarre) iyo kuwo kale ee la midka ah ee la derajada ahna waxa loo eegayaa Xeerkii Ciidanka, sideedaba Madaxweynuhu sharciga kama sarreeyo ee wixii uu awood u siiyey ayuun buu ku dhaqmayaa, markaa arrintaasi 20% ka hadhayna waxa loo marayaa sharciga taa Saraakiisha arrintuna sidaasi ayey ku dhan tahay”. Ayuu yidhi Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Xuseen Maxamed Jaamac Ballal




Dhinaca kalena, Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka iyo Siyaasada ee CPA, ayaa isaguna waxa uu sheegay in Madaxweynuhu awood buuxda u leeyahay in uu cid cafin karo waxaanu yidhi, "Sharci ahaan Madaxweynuhu awood buuxda ayuu u leeyahay in uu cid cafin karo oo sharci ahaan, laakiin sharci ahaan cid awood ku leh ma jirto oo Baarlamaanku lama laha oo Xukuumaddu lama laha, Maxkamaduhu na lama laha oo cid Allaale cid la leh cafiska ma jirto, markaa Dadka Reer Somaliland ayaa Dastuurka qortay oo Madaxweynaha ayey gaar ugu yeeleen”. Garyaqaan Guuleed waxa kale oo uu intaasi ku daray, "Siyaasad ahaan ma garanayo haddii ay qayb ahaan Xukuumadiisa kaga xidhan tahay ama qaab hoose oo ay Ciidammadiisu u shaqeeyaan ay kaga xidhan tahay anigu ma garanayo”. Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac



Ugu dambeyntiina, waxa hadalkan labada Garyaqaan keenay markii uu shalay uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu cafiyey ciidankii uu hoggaaminayey Sarkaal Caarre, balse aanu awood u laheyn inuu cafiyo Sarkaalka Ciidankaasi hoggaaminayey ee Korneyl Sicid Cawil Caarre.


Loading...
LATEST NEWS