[XASAASI:] Madaxweyne Deni Oo Maanta Ku Wajahan Kismaayo Xilli Xaalad Ka Taagan Tahay Wali

0
Wednesday 9th October 2019 10:24:08 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XASAASI:] Madaxweyne Deni Oo Maanta Ku Wajahan Kismaayo Xilli Xaalad Ka Taagan Tahay Wali

    [XASAASI:] Madaxweyne Deni Oo Maanta Ku Wajahan Kismaayo Xilli Xaalad Ka Taagan Tahay Wali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[XASAASI:] Madaxweyne Deni Oo Maanta Ku Wajahan Kismaayo Xilli Xaalad Ka Taagan Tahay Wali


 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan maanta oo Arbaco ah u safraya magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.



Xubno ku sugan madaxtooyada Boosaaso ayaa warbaahinta u xaqiijiyayin madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo munaasabadda Caleema-saarka Axmed Madoobe oo la filayo in la qabto maalmaha s




oo socda.

Xafiiska madaxweyne Deni ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan sida uu ku tegi doono magaalada Kismaayo xilli ay Jubaland saarantahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay ku soo rogtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safarkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray madaxweyne deni iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Axmed Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia.

 


Loading...
LATEST NEWS