Somaliland Itoobiya Iyo Jabuuti

0
Sunday 13th October 2019 12:45:33 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Itoobiya Iyo Jabuuti

    Somaliland oo Itoobiya iyo Jabuuti si adag ugu murmeen waxa aakhirkii Golaha Ammaanka ee Qramada Mideebey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland oo Itoobiya iyo Jabuuti si adag ugu murmeen waxa aakhirkii Golaha Ammaanka ee Qramada Mideebey

qaraar ku gaadheen in Somaliland lagu daro dhulweynaha Itoobiyada Dr Abiyga lagu abaalmariyey Billadda Nabadda ee Adduunka ee 2019.

Somaliland dhul ahaan, bad ahaan, hawo ahaan, dad iyo duunyo ahaan waxa ay hoos tegeysaa oo xarun laga maamulo u noqonaysa Jigjiga.

Jubbaland na waxa qaraarkaas Golaha Amnigu raaciyey dalweynaha Kenya, waxana dhul ahaan, bad ahaan, hawo ahaan, dad iyo duunyo ahaan waxa ay hoos tegeysaa oo xarun laga maamulo u noqonaysa Wajeer.

Puntland na waxa uu qaraarkaas QM ku daray dalka Cummaan ka dib markii inta ugu badan Majeerteen ku doodeen in ay halkaas asal ahaan ka soo jeedaan, waxana xarun laga maamulo looga dhigay Soqadara oo isla daqiiqaddaas QM ka soo jareen waddanka Yemen ee Sacuudiga iyo Iiraan isku haystaan. Jasiiraddas yar ee badda Yemen iyo Soomaaliya u dhaxaysa waxa uu qaraar QM siiyey dalka Cummaan.

Waxa kale oo QM dunida u sheegeen DFSoomaaliya in loo tixgeliyo xyduudaheeda dhuleed, haweed iyo badeed oo aan lagu xadgudbin, gaar ahaan waddamada Itoobiya, Kenya iyo Cummaan oo hadda soohdin cusub oo dhuleed la yeelatay Soomaaliya.

Aniga oo didsan, dhididsanna oo cadhaysan ayaan sariirtii aan ku hurdey ka soo dheellalow hinqaday. Hareerahaan eegay afartii gidaar ee qolkayga yar! Anfariir!

Alle run kama yeelo. Habaar waa dibad. Riyooy hoostaada la hel; waa halkii ayeeyooyinkaye.

Riyadaa xun waxa keenay arrinta Kismaayo sida aan is idhi.

Bal adba dib laba indhood oo dambe isugu keen!


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS