TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA SOMALILAND, GEERIDA MARXUUM S/G CABILAAHI FADAL

0
Sunday 3rd November 2019 12:37:06 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA SOMALILAND, GEERIDA MARXUUM S/G CABILAAHI FADAL

    INNAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN Anigoo ku hadlaaya magaca Maamulka Sare ee Baanka Dhexe, iyo kan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INNAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN Anigoo ku hadlaaya magaca Maamulka Sare ee Baanka Dhexe, iyo kan





shaqaale weynha Baanka Somaliland, waxaan Tacsi u dirayaa qaranka Somaliland shacbi iyo dawladda gaar ahaan ciidanka boliska, geerida naxdinta badan ee ku timid marxuum Taliyihii Boliska, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal IImaan oo caawa ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagayaa reer Iimaan, qoyska marxuumka, walaal iyo waalid iyo tafiirta reer iimaan.



Marxuum S/G Cabdilaahi waxaa lagu xusuusan doonaa hawlkarnimo, daacadnimo, dal jaceyl iyo u darbanaan horumarinta ciidanka boliska, Waxuu ahaa madaale aan aqoon daal, nasasho iyo shaqo yareysi. Waxuu ahaa dhegta, isha, gacanta iyo lugta qaranka ee sugta ammaanka dalka. Waxuu ahaa nin darajadu ayna bedelin, ee u yaqaanay inay tahay culays iyo fariin u tilmaamaysa adeega bulshada. Waxuu ahaa nin askar, sarkaal iyo shacbiba si aan isla weyni lahayn ula dhaqma, nin agtiisa shaqo tahay shaqo oon midna ka xaragoon.



Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dambigiisa dhaafo, qabriga u nuuro una waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Sidoo kale waxaan Alle uga baryayaa inuu qoys, ehel, asxaab, ciidanka boliska iyo qaranka Somaliland waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS