Midnimo?!

0
Sunday 3rd November 2019 12:41:39 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midnimo?!

    Faysal Cali waxa aan odhan lahaa inta aanad cid kale midaynteeda u Tabliiqayn, waxa ka wanaagsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali waxa aan odhan lahaa inta aanad cid kale midaynteeda u Tabliiqayn, waxa ka wanaagsan




adiga oo Ismaaciil Buubaa oo inaadeerkaa ah, marna jaar aad xaq isku leedihiin ah, marna siyaasada kaaga soo horeeyay, kaa aqoon badan, kaa waayo aragsan halganka aad aad xayaysiiso, ileen kumaan jirine isagu dhex fadhiyay inta aad u tagto, saamax Naakum yidhaa, is calool xaadhataan, ka dib ku xejiso Guddoomiye Cirro oo isna inaadeerkaa ah, wax na soo wada cunteen, isku xisbi ahaydeen, nolol dheer na aad soo wada qaadateen, wakhti kugu adkaana jidka ku soo dhaafiyay. Wanaaga aqalka kugu xigaa iyo qofka kuugu dhow laga soo bilaabaa.

Intaa marka aad samayso ku xigsii Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Ceeri-gaabo, Badhan Laas-Caanood, Ceel-Af-weyn.

Marka aad intaa soo dhamayso noogu kaalay qurbaha anagaa kuu garaabi doonee, laakiin se adiga oo kii dadka kuu xigay haaraamaya oo hiifaya, aqalkiisana aan fooda galin karin, meel walbana ka aflagaadaynaya, in aad bilaash xayte noqoto oo aad u soo xusul duubato qurbe-joogta ayaan midaynaynaa, waa wax aad iyo xoog loola yaaban yahay. Waxaanay u eg'tahay "habar baa iska haw haw lehe heelada inoo tuma" iyo filimadii laga soo daalay ee halkaa dadka dhigay. Xanuun aad adigu qabto hadaad tidhaa dad kale ayaan ka dhaweynayaa saw mushkilad maaha.!! Waligay maan arag labadaa nin oo kelmad kugu saabsan oo xun sheegaya, marka laga tagi waayo Cirro oo mar aad maagtay lagu waydiiyay, wuxuu ku jawaabay "Faysal waa saaxiibkay oo waxba ka odhan maayo hadalkiisii"

Quluubtoo kala guurtay


Dadka oo is qalanaaya
Adigoo qolqolkaaga
Qolqolkaa ku ag yaala
Qalo aad ku ag joogtoo
Gacan qaadi karaynin
Qurbahaan ka hagaajin
Ma mideeyso qiyaamo
Iyo Qoob ka ciyaarku

Heestaad qaaday xalay
Midhahaa ka qaloocdoo
Laxankaa qaldanaaye
Iska soo qurxi Faysal.!!

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS