Garbo Diiri Nin Daguugan Ma'weydo (Q/5-aad)

0
Sunday 3rd November 2019 12:46:13 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garbo Diiri Nin Daguugan Ma'weydo (Q/5-aad)

    Annagu haddaanu nahay reer soomaaliland waanu ku wareersanahay, fahmina kari weynay, waxa ninkii madax ka noqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Annagu haddaanu nahay reer soomaaliland waanu ku wareersanahay, fahmina kari weynay, waxa ninkii madax ka noqda





Soomaaliyaba, wuxuuSomaliland ugu jahwareerayo waanu fahmi laanahay, waxaynu ahayn laba dal oo is raacay, israaciina idinka reer soomaaliya ayaa baabiiyey, ayaa xasuuq iyo xisdi iyo cadaalad darro iyo dhac iyo boob ku baabiiyey, waxaanu idin daba sidnaa ma jirto iyo wixii na gaadhay waxaanu idinka sheeganaynaa ma jirto, waxa idinka na’kiin daba wada haddaanay ahayn bixiso, oo aan Illaah ka wadin meesha dhexdeena miidamada ka dhex-dhacda "geesi malafsi bartay iyo doqon millantay” haddaanu Illaah ka wadin, waxaan idin leeyahay, ka waantooba oo waxaydaan heli Karin, oo in mar-danbe xamar naga xukuntaan, ha ku wareerina, oo haku riyoonina.

Waxa uu guda-galay qodobkiisii Afaraad, waxaanu yidhi:- In dhaweyd waxa naga fajiciyey, siday Qaramadda middoobay u dhaqmayaan iyo colaada aanaanu ka kas’banin oo aad moodo in Somaliland lagula kacayo, siddee’tamaadkii markii faqash Dadkan ay gumaadaysay ee ay xasuuqaysay ee ay dhaca iyo dhibaatda u dhameynaysay madaxda qaramada midoobay ee dhowrida xuquuqda binu aadmiga ka masuulka ah.

 

Maalin qudha eray hiil ah ama ka hortag sharci darradaa la inagula kacayey, qaramadda bidoobay lagama maqal, aduunka intiisa kale sidaas oo kale ayuu u daawanayey, oo nimankii waxaa inagu falayey ee madaxda ka ahaa, oo lagula saaxiib ahaa, oo lagu jeclaa, oo lagu watay,xitaa markii 1985-kii nin madax-weyne ku xigeena, oo markaa wasiiru difaac ahaa, uu washiton uu ku joogay booqasho rasmiya, uu shir jaraa’id ka qirtay, oo waliba aad mood inuu ku faanayey, inuu isagu bixiyey uu ka qirtay amarkii Hargeysa lagu dumiyey ee dadkeedii lagaga caydhiyey, Jaraa’id ha ahaato ama dadkii ama dowladdii uu martida ha ahaayeene, wax-ku yidhi balaayaad qiratoo wax xunbaad sheegtay may jirin, sacab ayaa loo tumay, carrab oo dhamina lacag bay la daba joogtay Maxamed Siyaad Barre, lacaguu kayd uu ku sameysto, oo uu hub ku siisto, oo uu inagu laalayo oo uu inagu gubo, oo uu inagu gumaado.

 

Hadda intaasoo dhan soo dhaaf, wax tagay weeye, wax aynu kaga ciil qabnaa ma jirto, markaynu is nidaaminay ee aynu dowlad dhisanay, ee aynu soo saarnay xabaalihii jamaaciga ahaa ee dadkii la xasuuqay lagu aasay, iyagoo kumanaan iyo kumanaan gaadhaya, madaxdii qaramada midoobay wey diideen inay sida caalamka kaleba ka yeelaan, oo la baadho oo laga sameeyo war-bixin iyo shay baadh in lagu ogaado dadkaasi waxay ku dhinteen.

 

Sharciga uu qaramada midoobay ku dhisan yahay, kuma jirto inay dowlad ictiraafaan, kumana jirto mid ictiraaf doonaysa inayhor-istaagaan , macnuhu waxa weeye mana-ictiraafi karaan dowlad uma diidi karaan dowlada ictiraaf doonaysa,nasiib darro, taa weeye tay maanta ay Somaliland ay kula kacayaan, ayaga oo leh waxaanu difaacaynaa wadansoomaaliya la yidhaahdo, oo aanumidnimmadiisa iyo siyaadadiisababadbadinaynaa, ma’oga madaxda Qarammada Midoobay magaca soomaliya la yidhaahaa meesha uu ka yimid, dalka soomaaliya waxa weeye, magacii la odhan jiray mustacmaradii uu Talyaanigu haysan jiray, markii danbana noqotay dal uu qaramada midoobay gacanta ku hayo, taasaa soomaaliya la odhan jiray, anaguna taas waanu u ogolnahay wada jirkeeda iyo siyaadadeedaba, waxa la iska indho-tirayaa waxa weeye, dadkii uu Maxamed Siyaad Barre xukumi jiray waxa uu magaciisu ahaa Soomaali Republic, waxaanay jamhuuriyaddaasi ka abuurantay, israac ay israaceen laba Dal oo la kala odhan jiray Somaliland ta kalana la odhan jiray Soomaaliya oo isu-tagoodii la baxay ahaa, Jamhuuriyadda Soomaaliyeed " soomaali republic”.

 

Cadaalad-darro badan oo gaadhay dadkii somaliland daraadeedayaa keentay, inay israacii ka noqdaan oo xoriyadii ay Ingiriis ka qaateen 1960-kii, la soo noqdaan oo xadkii ay isticmaalka ka dhaxleen, ee charteka AOU- du ka dhigay, mid aan la badali Karin, ay dib ugu noqdaanoo Dowlad’nimadoodii, dib ugu dhistaan,gartaas waa ogolnahay sharciyaninaanu ka garrano, laakiin in la is’diidsiiyo oo laga dhigo wax aan jirin, magac aannan waligayo yeelan in guudka lanaga saaro ma’ogolin, mana yeelayno, geeri ayaanu ka dooranaynaa,.

 

Arintaas dooda nooga socota carrab iyo qaramada midoobay, wallow aanay noo caada ahayn inaanu ku dhaqano waxa loo yaqaano "Microphone diplomacy " haddana shacbigu wuu ka warqabi doonaa wuuna la socon doonaa meesha ay ku soo gunaanadato.

 

Ka dibna, waxa uu ku soo af-meeray ujeedada khudbadiisaas, dardaaran, waano, dhiirigalin iyo in hadafka hiigsiga himilada lagu gaadhi karo, tacab iyo tallo-wadaag, waxaanu yidhi:- Ugu danbeyn, waxaan jecelahay in muwaadin waliba ka fikiro, waxa ujeeddadeenu tahay iyo bar-tilmaameedka geeddigeenu ku socdo, maanta 10- sanno oo aynu madax-bannaanayn, 10- sanno oo aynu madax-bannaanayn ayaa loo dabaal degayaa, 10-kaa sanno wax aynu ku faani karno ayaa inoo qabsoomay, Africa oo dhan kaga tilmaaman yahay, Deganaansho, Nabad kuwada noolaan, iyo haynteenuba hayaraatee sinaan aynu ka simanahay in Gaajada iyo Guul-darrada Africa badan keeda haysaa aynu ka badbaadno, 10-ka sanno ee socda maxaynu rabnaa inaynu gaadhno, oo aynu u dabaal-degno, anigu ma’idinla joogi doonno, maalinta ay 10-sanno ka hadhay ee ay Somaaliland 20-jirsan doonto.

 

Waxayse hawadaydu I’tusaysaa, in haddaynu ragamadeeda yeellano ay Hargeysadani maalintaas loo dabaaldegayo 20-sanno in aanay noqon doonin ta maanta aynu joogno ee ay noqon doonto mid Daarihii dhaadheeraa ee Imaaraadku ka dhisan yahay, xassaasad beena maaha ee waa wax suura gali kara hadaynu raganimaddeena yeelano, dadaalkeeda iyo tacabka ay u baahan tahayna la nimaadno, waligeena haddaynu nahay reer Somaliland dadka wallaalaheena ee Africa inagula nool waynu iska bidiy jirnay, iska bididaasi may ahayn mid aynu Aadamaha wax dheer nahay.

 

Nabi Aadam ayaa wada dhalay 9-bilood ayaa lagu wada dhashay, magtooduna waa wada boqol oo waynu wada simanahay, waxa la is dheer yahay, waxa uu Alle (SW) uu quraankiisa inoogu sheegay, waxa weeye Caqliga Xirfad Ilbaxnimo iyo Tallo-wadaag, haddaynu Tacab iyo Tallo isku keeno, Caqligii iyo Xirfadii iyo Aqoontii waanu haynaa, waynu leenahay, waxa inaga maqani waxa weeye Tacab iyo Dadaalkii aynu inta ay bartilmaameed gudoonsano looguntado, bartilmaameedkaas la gudoonsaday sidii loo gaadhi lahaa.

 

waxa ay illa tahay Dadka halkan maanta illa jooga inay xasuusan yihiin, inaan dhowr jeer aan halkan ka sheegay, maaliyada kooban ee maanta haynaa ay tahay Shini u baahan in aynu beerano, oo beertaasi maalin walba sii fido, oo barwaaqo iyo badhaadhaha ay rabno aynu gaadhno, haddiiseshinidii la beeri kahaa haddii maalin walba la qadhiidho, kii qadhiidhayna wax qadhiidhkaas wax uu u tarayaana ma jirto, beertii soo bixi lahayd ee lagu badbaadi lahaana way lumaysaa, waxaan barri dhaweyd dhisay Guddi la yidhaahdo, dabargoynta Musuq-maasuqa, uma aan dhisin Guddidaas in cid lagu xumeeyo, umana baahnin maanta is xidh-xidh iyo is xumayntoona, shaqada ee laga leeyahay Gudidaas shaqadeedu waxa weeye, in aynu xaaraani-xaaraan tahay lagu baraarujiyo dadka, wixii loo dhiibtay waajibka saaranina ay tahay amaanadaas in loo dayactiro, oo qaranka amaanadaas loo hayo loogu daneeyo, nasiib-darro, tay Soomaalidu odhan jirtay, "Soo baxbaa la leeyahay oo ay sacabkay leefaysaa”, kuwii la xidhay wax-bay xumeeyeen lagu xidhay, kuwii bedalay ayaad moodaa, in ay markiiba halkii kuwii laga qabtay ay ka bilaabeen.

 

Waxaanu intaa raaciyey:- Ma suura galayso in ammaanada Qaranku noqoto wax ninkii loo dhiibaa ku daneysto, sidaana ku gaadhi mayno barwaaqadaas iyo badheedhaha aynu rajeynayno, inaynu ku 20-jirsano, waxa isweydiin rabta, sidee lagu heli karaa Amaano, tacab iyo Dadaal dhaba oo dhamaan Miyi iyo Magaalo loowada guntan yahay, Dadkaa ay ka dhaadhici laadahay masuuliyada Qaranku in aanay ahayn wax lagu xoogsado, waxay ka lid-qabaan waxa weeye mushtamaciina Dadkiinan maanta halkan jooga ee Burco jooga ee Boorama jooga.

 

Waxa weeye, Mushtamac ay la nool yihiin ay ku dhex nool yihiin oo sidaa ay qabaan la qaba, haddii ay wallaalayaal bulshadeenu u aragto Tuugada Ceeb tahay, oo weynu kawada war-qabnaaye, ka ku dhaqmaaya lagu ceebeeyo, waa la ceebsan lahaa, wax inoo kala qarsoomi ma jiraan, wixii mujtamaceenu diidan tahay waa laga xishoon oo waa laga cabsoon lahaa, maanta kii tuuga ahaa waa fariid, kii Amaanada Ikhlaaska ku shaqeynayey waa Nacas wax ma’tare, wax ma’taransade ah, cid aynu Maxkamad saarnana wax ay taraysaa majirto, cid la xidhaa ama Dad la xidhaana haddaanu kii ka danbeeyey, ku xeebanin wax ay taraysaa majirayso.

 

Laba-Maayar oo hargeysa ka madax ahaan jiray oo maanta ku eedaysan Xoolo-Qaran oo maqan, waxay ahaayeen laba nin oo aan annigu doortay munaasibta aan u dhiibay, xurmo iyo xishoodna iga mudnaa, kumaan farxin xadhigooda.

 

Isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi:-wallaalayaal, waxaan rajeynayaan in cadaalad kala kulmi doonaan xukunka, waxayse tahay runtu dhaqankaas aynu xamar ka soo qaadanay ee inaga reer Somaliland haddaynu nahay inoo ahayn xeer aynu ku dhaqano, illaa aynu wax ka qabano oo bulshadeena ka daweyno Guulaha aynu u baahanahay ma’gaadhayno.

 

Markaa reer Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa, oo aan kula talinayaa in Xaaraanta Xaaraantimeeyaan oo Tuuggada Tuuggo ka dhigaan, Ammaano darrida iska waaniyaan, Illaahay ha inoo dhib-yareeyo halka aynu doonnayno inaynu gaadhno hawl yari iyo tacab.

 

Ujeeddooyinkeenu Riyo aynu ku Riyoonno ku imman maayaan, haddii ay suuro gasho oo 10-kan sanno ee soo socda aynu gaadhno meesha aynu rabno Dalkan iyo Dadkan ay gaadhaan, waxay noqon doonnaan Dadka u dabaal-degayaa maalintaas, Dad-dadaalay oo muruqooda iyo Maskaxdooda maalay oodhidid iyo hawl-karnimo ku soo hooyey, Daarahan dhaadheer ee aynu leenahay hargeysay ka dhismi doonaan iyo wadooyinka balaadhan iyo nimcadda aynu Illaahay ka baryeyno inuu inoo hirgaliyo oo inoo hawl yareeyo, dadkaasi ma noqon doonaan qaar sida maanta aynu nahay Dad 10: 00AM "saacadood” subaxnimo soo toosa, 12:00PM duhurnimana qaad u fadhiista, oo labaddaa saacadood oo qudha shaqadoodu iyo dadaalkoodu iyo tacabkoodii uu ku kooban yahay.

 

Cabaade Nin la odhan jiray,oo Gabayaa ahaa ayaa wakhtigii dagaalkii isagoo dadka tirtirsiyaya wuxuu odhan jiray soomaali uunbaa taqaan seexo oo dhereg, wali tii’uunbaynu ku jirnaa, waxa ammaano darada iyo tuuggada iyo dhaca hantida qaranka waxa keena, waxa weeye, damaca aynu kuwada nool nahay, ee qof waliba uu rabo inuu maalintii walba makhaayada ka sheekeeyo iyo muqaylka,

 

Haddana uu helo laba mijood oo qaada laba Baakidh oo sigaara iyo Laba quraaradood oo Cocalla ah iyo casho, qaddo iyo quraac, iyadoo loo abtirin ayaa qof walba oo inaga mid ahiba uu rabaa inuu ku noolaado heerkaas, iyadoo illo sharciya ama tacab keeno lagu keeno aduunkaas laga fikiraynin laguna hawlanayn.

 

Wuxuu ina yidhi ;- Alle (SW) Qoomna waxa uu ku eedanyahay kama faa’ido iyagoo iyagu dhaqankood baddelo mooyaane, hadday balaayo iyo dhibaato ku jiraan Alle (SW) kama feydo dhibaatadaas ilaa wixii ay ku kasbadeen dhibaatada ay iyagu iska daayaan, Hadday nimco ku jireena lagana qaado nimcadaasi illaa ay iyagu wixii nimcadaasi ku heleen ay iyagu iska qaadaan mooyaane.

 

Annigu sidaan idiin sheegay, Dabaal-dega labaatanaad idinkalama qeyb galayo, laakiin waxaan ku rajo weynahay inaan waddada loo marayo wax ka fallo, hawsha lagu gaadhayana wax ka habeeyo, waxa ay la jirtaa Qarankan Somaliland oo ragamadiisiina leh aqoonteediina leh, dadaalkaana leh iyo xirfad ay ku gaadhaana Alle (SW) wuu siiyey, waxaan idinku ducaynayaa oo aan Alle (SW) idiinka baryayaa, inuu ina gaadhsiiyo, shinidaynu beeran lahayn inaynaan qadhiidhanin, oo qadhiidhka ka dayno, in libta aynu jecel nahay tacabkeedii iyo tamarteedii la nimaadno, waxaan leeyahay taasi ha’saamaato oo ha’la hello.

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

[email protected]

 

 

 

 


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS