Geesigii Fadal Lix sanoo aan la shaqeeyay + Sadex sifo + Sadex dhacdo + dhagax dhigii u danbeeyay

0
Monday 4th November 2019 12:15:33 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geesigii Fadal Lix sanoo aan la shaqeeyay + Sadex sifo + Sadex dhacdo + dhagax dhigii u danbeeyay

    Inbadan oo idinka midi waxa laga yaabaa inay iswaydiiso sababta sadex dhacdo oo qudha aan u soo qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inbadan oo idinka midi waxa laga yaabaa inay iswaydiiso sababta sadex dhacdo oo qudha aan u soo qaatay



 anoo isle ka waran alle naxariistii jano ha ka waraabiyee marxuum c/laahi fadal iimaan taliyihii hore ee ciidanka booliska oo aynu shalay bud dhigay hoygiisii rasmiga ahaa iyadoo aynu ognahay in maalinkasta la helikaro dhacdo maanka gasha oo la xusikaro 8 sanadood oo uu ahaa taliyaha guud ee ciidanka bilayska somliland

Waxa laga yaabaa in inbadan oo idinka mid ahi saluugto ama yaraysto sababta aan sadex dhacdo uga soo qaatay masuulka miisaankuu lahaa iyo tabaca uu dalkiisa soo galiyay aynu dhamaanteen ognahay,




Waa sadex sifoo illaahay jecel yahay,waa sadex aadmigiisu jecelyahay, waa sadex qofkastaa jecel yahay inuu ku sifoobo, waa sedex hadaad samayso aad ku sharfantahay,
Waa sadex inaad ilawdaa ay ceebtahay hadaad xil umadeed hayso,
waa sadex hadii lagugu dhaqaqo ku faraxgalinaya, waa sadex inbadan oo inaga mida ku adag,
Waa sadex igaga filan sadex kun oo page hadaan ku sifayn lahaa fadal aan ku filaadeen.

Hada garoo akhriste markhaatigu waa sadex waana sadex sifoo aan midkasta dhacdo ku astaysan oo aan goob joog ka ahaa ka tilmaamayo.

Inta aanan ku daadagin dulucda hdlkayga waxaan dareemayaa inaad iswaydiinayso (akhriste) su aalahan

Sideed markhaati uga noqonkartaa ma askaribaad ahayd? Ma sarkaal ka agdhaw oo boolisaad ahayd?
Hadii aanan intaaba ahayn waxa laga yaaba inaad is waydiiso siduu sifooyinkan iyo dhacdooyinkan ku tilmaami karaa !




Tan iyo 2014kii waxaan ahaa wariyaha gaarka ah ee u qaabilsan warbaahinta qaranka hawlmaalmeedka shaqo iyo warar ee ciidanka booliska , waana ta ii saamaxday inaan saaxiib dhaw la noqdo ciidanka booliska waana ta ii suurta galisay in mudo lix sanadooda aan ahaado qofka kaliya ee tabiya ama sheega wararka ciidanka booliska ee ka baxaya warbaahinta qaranka.
Mudadaa lixda sanadooda waxay ahayd madhacdo inaan ka maqnaado kulan warbaahineed alle ha u naxariistee taliye fadal qabanayo ama munaasibad ciidanku leeyahay ama hawlgalo uu ku jiro haday dhacdayna waxa laga yaabaa inaanay ka badnayn mid iyo laba
hawshaa shaqo waxa had iyo jeer igu wehelinjiray dhanka warbaahinta qaranka saaxiibkay cawil cadi kaahin oo ah sawirqaade ka tirsan tvga qaranka.
Wuxuu ahaa marxuumku qof aan marnaba islawni lahayn ixtiraambadan markastoo uu warbaahinta la hadlayo na soo garaaca isla markaana nagu kalsoon anaga iyo saaxiibo kale oo warbaahinta madaxa banaan ka midana naga kasbaday jacayl tixgalin inuu agtayada ku yeesho.




Halkan kuma soo koobikaro waana qalina ma koobaan hadaan is idhaahdo wax ka qor taxana dhacdooyinkii ku suntanaa hogaamintisii daacadnimadiisii, kartidiisii, dulqaadkiisii, iyo tabicii uu ku bixiyay sugida amniga ka shaqaynta islaaxa xasilinta bulshda iyo doorkii ugu mihiimsanaa ee uu kulahaa dhismaha ciidanka booliska somaliland oo aynu ognahay maanta horumarka ay ku talaabsadeen rabi naxariistii jano ha kawaraabiyee marxuumku shakhsiga koowaad ee ku suntan ayuu ahaa

Sideedaba qofka masuulka ah waxa looga baahan yahay in laga helo sifooyinka looga baahanyahay hogaaminta sida

Cadaalad iyo sinaan inaad ku dhaqanto

Inaad tahay qof daacada una daacada shaqada loo igmaday taasoo ay ku lamaantahay hawlkarnimo
Hadii aad daacad tahay oo ay kaa maqantahay hawlkarnimo hada ogow waxbadan ayaa kaa dacan hawshii lagaa rabay

Iyo.inaad ahaato qof fulin iyo go aan qadasho leh.

Sadexdan qodob oo muhiima midkasta dhacdo aan goobjoog ka ahaa ayaan jecelahay inaan idinla wadaago oo uu marxuum c/laahi fadal markhaati uga ahay inuu dabaqay.

Sifaha koowaad Daacadnimo iyo hawlkarnimo inaad lahaato si aad hufnaan ugu gudato shaqada aad qaranka u hayso

Shirkii jaraa'id ee 3:00 AM habeenimo iyo hawlgalkii xiligaa la soo afjaray.... .............................LASOCO


Image may contain: Axmed Hassan Yusuf, standing and outdoor


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS