Soomaaliya, Waaqaca Is diidan (Hormadii 1 aad)

0
Friday 8th November 2019 12:34:53 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya, Waaqaca Is diidan (Hormadii 1 aad)

    Siyaasadu way saymo badan tahay, kamana maaranto hiigsi iyo bar-tilmaameed lagu taamo gaadhitaankiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadu way saymo badan tahay, kamana maaranto hiigsi iyo bar-tilmaameed lagu taamo gaadhitaankiisa,






iyo dejinta xeelado iyo qorshayaal toolmoon oo badhitaara xaqiijinta yoolka hiigsiga, kaasoo qodaxda iyo gocondhadaba ka fiiqa toobiyaha gaadhitaanka guusha horseedka u noqon kara.

Hamiga ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre maskaxdooda ka dhex guuxayaa waa inay abuuraan dawlad quwad leh, oo awoodeeda maamul oo idili ay gacmahooda kusoo dhacdo, halka ay maanta 10-naanka Madaxweyne ka talinayaan.

Labadan Hogaamiye, ma moogana saymaha iyo salyayanka ka sokeeya gaadhitaanka hamigooda laab LA kaca u badan, sadexdan caqabadood ayaanay u arkaan kuwo lidi Ku ah damacooda weyn, oo ay ka mid yihiin, a)madaxda Maamul Goboleedyada qaar oo lidi Ku ah, b) fargelinta qaar ka mid ah wadamo shisheeye iyo siyaasiyiin saameyn weyn leh oo ay soo dhex maraan wadamadaasi c) dagaalka ay kula jiraan Xarakada Alshabaab

A) Maamul Goboleedyada

Madaxda Maamul Goboleedyadu waxay luuqad ahaan sheegaan inay ka mid yihiin dawladda Federaalka ah, balse, ficil ahaan waxay u dhaqmaan sidii kuwo LA siman, inta badana, waxay si cad uga horyimaadaan go'aamada ka yimaada xaga federaalka ee aanay dantooda ka dhex arkayn, waxay macaamilo siyaasi ah oo aan dawladda Federaalka waxba laga ogaysiin LA wadaagaan wadamo shisheeye oo dawlada Farmaajo ay lidi isku yihiin, iyagoo qaar ka mid ahina magacowdaba wakiilo dibedeed, taasoo ah, shaqo Federaalka sharci ahaan ay leedahay, laakiin, arimahan waxaa intooda badan falkinaya quwado shisheeye, Hakka doorka siyaasiyiinta Soomaalidu cayaarayaan ay yihiin jilayaal siyaasadeed keli ah.

Nidaamka uu hogaamiyaha ka yahay Mr Farmaajo iyo Qalaaloodka taageeraaba, waxay dejiyeen qorshe ay meesha uga saarayaan Madaxda iyaga caasiga Ku ah, ee haatan ka arimiya Maamul Goboleedyada, kuna bedelaan kuwo iyaga daacad u ah, oo doorashada soo socota deegaanadooda uga soo xula kuwo iyaga u codeeya, si ay sanado kale, dalka u sii maamulaan, markaas, hardanka waqtigan ka jira Puntland,Jubba-land iyo Galmudug wuxuu salka Ku hayaa arintaas, iyadoo kooxda Fadaraalka hogaamisaa ay horey maamulo iyada daacad u ah uga dhistay maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeele.

Docda kale, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Shisheeyaha taageeraaba waxay dejisteen qorshayaal ay Ku fashilinayaan damaca Farmaajo iyo shisheeyaha taageeraba, iyagoo arimuhu u eg.............. La Soco Hormada kale........


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS